Key Points
- Australia is a megadiverse country and due to our isolation, we have many species found nowhere else on earth.
- Australia has the worst record in the world for mammal extinction: over 2,000 species of mammals, birds and invertebrates are under threat of extinction.
- Everyone can help protect Australia’s precious wildlife and habitats, through supporting conservation organisations and natural history groups.
- Maxay noolaha dabiiciga iyi deegaanka Australia khaas inoogu yihiin?
- Maxay ilaalinta noolaha dabiiciga ah ee Australia muhiim utahay?
Maxay noolaha dabiiciga iyo deegaanka Austalia khaas inoogu yihiin?
Maadaama ay tahay qaarad jasiirad ah, go'doonka muddada dheer ee ay Australia ku jirtay, waxay qaabaysay adduun ah nooc gaar ah.
Laakiin, bay'adan cajiibka ah ayaa hadda wajahaysaa cadaadis weyn. In ka badan 2,000 oo nooc oo naasley ah, shimbiro iyo cayayaan ayaa qarka u saaran inay dabar-go'aan. Australia-na waxay horeba u haysey rikoorka ugu xun ee dabar-go'a naasleyda ee adduunka.
Professor Hugh Possingham, oo ka tirsan Golaha Biodiversity Council, ayaa sheegay in ay jiraan dhir iyo xaywaaan aan Australia mooyee, meel kale laga helin:
"Qayb sababta ka mid ahina waa in ay Australia muddo dheer ahayd qaarad go'doonsan. Waxay ka go'day qaaradaha kale in ka badan 50 milyan oo sano ka hor. Tusaale ahaan, xayawaannada sida koala, kangaroo, iyo xitaa platypus-ka oo ukun dhasha haddana ah caano-nuujiye, meel kale oo adduunka ah lagama helo."]] ayuu yiri
Country holds our stories, our dreaming, our ancestors, and these responsibilities are really important to carry on. We have the obligations to look after the plants and animals the right way.Jade Bromilow
Jade Bromilow [Bromilo], oo ka tirsan Indigenous Desert Alliance, ayaa sharraxaysa in dadka Australia ee First Nations-ku aanu dhulku, dhul uun u ahayne, uu u yahay qoys, dhaqan iyo astaan.
"Dhulku wuxuu hayaa sheekooyinkayada, abtirsiintayada iyo awoowayaashayada. Waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay, inaannu dhirta iyo xayawaanka u dar-yeello habka saxda ah. Waxay qayb ka yihiin cuntadeena, calaamadaha qabiilkayada (totems), iyo waxbarashada aan u gudbinayno faca soo socda."]] ayay tiri
Dadka asalka ah ee Australia, kumanaan sano ayay la noolaayeen noocyadan noolaha ah, iyagoo si qoto dheer u bartay dhulka iyo isbeddelka xilliyadaba:
"Waxaannu fahamnaa qaababka ay u guuraan, xilliga ay tarmaan iyo marka ay barwaaqaysan yihiin. Markaan leenahay duur-joogta iyo dhirtu waa kuwo gaar ah, ma aha oo kaliya inay dhif iyo naadir yihiin, ee waa qayb ka mid ah cidda aannu nahay." ]] Ayay tiri
Maxay ilaalinta noolaha dabiiciga ah ee Australia muhiim u tahay?
Professor Possingham ayaa intaas ku daray, in ilaalinta noolahu ay muhiim u tahay caafimaadka iyo barwaaqada, dhammaan dadka Australia:
"Nidaamyada deegaanka ee caafimaadka qaba—sida kaymaha, harooyinka, iyo dhul-daaqsimeedku, waa kuwa bixiya adeegyada ay bini-aadamku ku nool yihiin. Waxay na siiyaan hawo nadiif ah, naga difaacaan isbeddelka cimilada, lafdhabar-na u yihiin qaar ka mid ah kaabayaasha ugu waaweyn dalkeenna—tusaale ahaan dalxiiska iyo beeraha. Haddii aynu weyno noocyada noolaha, nasiib-darro, shaqadii nidaamyadaas deegaanku way daciifaysaa. Sidaas darteed, faa'iidooyinka iyo adeegyada ay noo fidiyaanna way yaraanayaan.."]] ayuu yiri
Great Desert Skink, waa mid ka mid ah noocyada duur-joogta Australia ee qarka u saaran dabar-go'a, wuxuuna midmuhiimad weyn u leeyahay dhaqanka dadka asalka ah, sida ay Jade Bromilow sharraxayso:
"Tjakura- JAKUURA (Great Desert Skink) waa mulac yar oo midabkiisu oranji yahay oo dhulka hoostiisa kula nool qoyskiisa. "Waxa cajiibka ah ee ku saabsan Tjakura waa, inay hal god ku wada noolaadaan qoysas isugu jira waalidiin, carruur iyo awowayaal, iyagoo is-kaashanaya oo is-daryeelaya. Tani waxay ka turjumaysaa sida bulshadayada asalka ahi, aanu u qaddarinno qoyska iyo daryeelka dhulka."]] ayay tiri

Links to additional information:
Ku soo biir oo la soco Australia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka iyo ku xasilka dalkaaga cusub
Su'aal ma qabtaa? Feker'se ma noo haysaa? Fadlan noogu soo dir Email-ka australiaexplained@sbs.com.au







