Key Points
- Austarlia gudeheeda guurka lasoo abaabuley inta badan lagama yaqaan
- Adeegyada isku-aaddinta “matchmaking” ee Australia waxay isla doontaan dadka raba xidhiidh dhab ah oo waara.
- Dating Apps-ku waa website-yo dadku iska diiwaan geliyaan, si ay uga helaan lammaane.
- Shukaansiga Australia sidee uga duwan yahay kan dal kale?
- WMaxaad u baahan tahay inaad ogaato shukaansiga ka hor?
- Xaggee iyo sidee loo bilaabaa shukaansiga Australia?
- Waa maxay adeegga matchmaking?
- Adeegyada isku-aaddintu 'matchmaking' sidee u shaqeeyaan?
Gery Karantzas{Karaantsas] waa borofisar bartay cilmi-nafsi-ga iyo sayniska xiriirrada dadka waaweyn oo ka tirsan Jaamacadda Deakin University, wuxuuna madax ka yahay Science of Adult Relationships Laboratory.
Wuxuu sheegay in rabitaanka lagu raadinayo lammaane uusan ka bilaabmin jacayl keliya, balse uu ku saabsan yahay dareenka qofka eeka mid ahaanshaha bulshada.
“Mid ka mid ah arrimaha waaweyni, waa marka aynu ka tagno meelihii aynu ku soo barbaarney ama aynu xidhiid bulsho ku lahayn, taas oo badanaa ah, halka ay ku sugan yihiin ehelkeena iyo asxaabteennii, waa wax caadi ah in dadku dareemaan cidlo iyo kalinimo. Waana dabiici in bani’aadamku u baahan yahay inuu meel ka mid ahaado, oo uu la xiriiro dad kale.”]] ayuu yiri
Borofisar Karantzas wuxuu tilmaamay in ka fogaanshaha dadka aan jecelnahay uu keeni karo xanuun iyo walwal. Waa dabiici inaan dareemno murugo marka aan ka fogaano dadka aynu ku tiirsanayn, sida waalid ama lammaane, waxaynuna u boholyoownaa xidhiidhkoodi.
"Habka aynu u yareyn karno murugadaas, gaar ahaan marka aan ka fogaano dadkii aynu jeclayn, waa inaan isku dayno inaynu xiriir la sameyno dad kale. Mararka qaar waxay noqon karaan dad aynu isku bulsho kasoo jeedno ama mid ku dhaqan dhow. si ay ay fahamka iyo isku kalsoonidu u fududaadaan.”]]," ayuu yiri
Laakiin sida Austarlia looga bilaabo xiriir ama jacayl, ayaa laga yaabaa inay aad uga duwanaato sid dalalka kale.

Speed dating waa shukaasi dhakhso ah oo qofku waqti gaaban kula kulmo dad badan. Credit: AsiaVision/Getty Images
Shukaansiga Australia sidee uga duwan yahay kan dalal kale?
Borofisar Karantzas wuxuu kale oo sheegay in nooca xidhiidhka ee la yiraahdo ‘arraged marriage’ ama guurka abaabulan, aanu Australia caadi ka ahayn.
"Dalal badan oo Bariga Dhexe ah iyo qaybo ka mid ah Afrika ama Aasiya, bulshooyinkooda waa kuwo si isku-dhow u qaabaysan. Dadkana waxaa badanaa is bara saaxiibbo ama qoys. Xataa waxaannu ognahay in guurka abaabulani uu weli ka dhex jiro dhaqammada qaarkood," ayuu yiri
Adam ( ma aha magaciisa sax ah) wuxuu sannadkii 2014-kii Australia ku yimid ardaynimo caalami ah. Muddo yar ka dib waxaa ka maydhmay xiisihii hore, wuxuuna dareemay cidla iyo kelinnimo.
"Bishii hore waxay ii ahayd xiiso-xiiso, wax walba way ii cusubaayeen, waana faraxsanaa. Laakiin hal bil kadib, run baa rug gaadhey. Waxaan u xiisay dalkaygii, waxaan bilaabay xasilid la’aan iyo inaan ku dhibtoodo dhaqanka cusub. Kalsoonidii baa iga yaraatay , cidlana waan dareemay," ayuu yiri
Muddo saddex sano ah haddii uu joogeyna, oo uu dhowr jeer isku deyey inuu lammaane helana, waxaa ku adkaatay sidii uu ku heli lahaa.
Wuxuu go’aan ku gaarey inuu xayddaanka ka tallaabsado oo uu lammaane ka raadsado dadka leh dhaqammo ka duwan kiisa, laakiin wuxuu u baahday cid ka caawisa arrintaa. Wuxuu la xidhiidhey meel Melbourne ku taalla, oo bixisa tabobar ku saabsan sida lammaane lagu helo.
“Waxaan halkaa ka bartay xirfado badan oo bulsho. Tababarahaygu wuxuu iga saaray xaradii yarayd ee aan ku koobnaa oo wuxuu i baray, inaan si caadi ah ula hadlo dad aanana aqoon, iyo in aan tago meelaha buslhadu isugu timaaddo si aan isaga saaro cabsida. Taasi wax bay ka beddesahy fekerkaygii. Waayo, ragga badankiisa way ku adagtahay inay la hadlaan gabadha ay xiisaynayaan.”]] ayuu yiri

App-yada shukaansigu waa website-yo ama App-yo la iska diiwaan geliyo oo laga raadiyo qof kuu qalma, ka dibna aad sheekaysataan inta aydaan qof ahaan isu arkin. Source: Moment RF / Fotografía de eLuVe/Getty Images
Maxaad uu baahan tahay inaad ogaato shukaansiga ka hor?
Andrew Gung waa tababare xiriir iyo shukaansi oo ka shaqeeya Melbourne.
Wuxuu lasoo shaqeeyay in ka badan kun nin, oo kasoo kala jeeda dhaqammo iyo dalal kala duwan, isagoo ka caawinayey isku-kalsoonaanta iyo xirfadaha xiriirka.
Wuxuu sheegay in dhaqanka shukaansiga ee Australia uu gebi ahaan ka duwan yahay kan ay dad badani ku yaqaanneed dalalkii ay ka yimaaddeen.
"Waxaan maalin kasta codsiyo ka helnaa, rag ka kala yimid dalal kala duwan, inta badanna Hindiya iyo dalal ka mid ah Aasiya. Fahamkooda shukaansigu waxuu ku salaysan yahay filimo ay daawadeen, waayo iyagu waxay yaqaanneen guur la abaabulay. Sidaas darteed, ma yaqaannaan sida dumarka loo soo jiito, waayo maba yaqaannaan nooca soo jiidashada Australia..”]]," he says.
Mr Gung ayaa sheegaya in xishood iyo saaxiibtinnimo keliyihi aanay ku filleyn shukaansiga.
“Dating apps-ku waa App-yada la isku shukaansado’, way shaqeeyaan, Laakiin -waxaan ku talinayaa inaanay dadku niyad-jabin haddii dhakhso u heli waayaan waxay rabeen. . Waa inay u horumariyaan habka ay isu xayaysiiyaan.”]] ayuu yiri.
Xaggee iyo sidee loo bilaabaa shukaansiga Australia?
“Meetup.com waa meel fiican oo laga samaysto xidhiid bulsho. Ha u qaadannin meel loo shukaansi tago, balse waa meel laga samaysto saaxiibo, lagu barto dhaqammo kala duwan, lagu tago munaasabado, xitaa laga helo fasallo luqadda laga barto iyo qoob-ka-ciyaar-ba. Waa meel wanaagsan oo laga bilaabo xiriirro cusub.”]] ayuu soo jeediyey
Andrew wuxuu sheegay in geeddi-socodkani uu qaadan karo waqti dheer, balse barnaamijyada shukaansiga ee onlayn-ka (dating apps) ay sidoo kale shaqayn karaan.
“Dating apps-ku waa App-yada la isku shukaansado’, way shaqeeyaan, Laakiin -waxaan ku talinayaa inaanay dadku niyad-jabin haddii dhakhso u heli waayaan waxay rabeen. . Waa inay u horumariyaan habka ay isu xayaysiiyaan.”]] ayuu yiri.

Tre and Yovnne iyo cunnugooda.
Waa maxay adeegyada matchmaking?
Laakiin qofkii doonaya in lagu aaddiyo qof leh astaamo gaar ah oo uu isagu doortay, wuxuu la xidhiidhi karaa adeegyayda isku-aaddinta sida kuwa la yiraahdo “matchmakers” oo ka jira Australia.
Yvonne iyo Tre, oo ah lammaane degan Sydney, waxay ay 2019-kii isku barteen nidaamkan ‘matchmarkers’-ka.
“Mar aan dal kale aaday, ka dib markii aan dib ugu soo laabtay dalka, ayaan soo jeclaaday inaan la kulmo qof kasoo jeedaa dhaqanka waddankii si aan nolosha ula wadaago,.. Adeegga matchmaker-ka ayaa iga caawiyay inaan la kulmo Yvonne. Is-faham degdeg ah ayaa naga dhex abuurmay. Waxaan labadeenuba doonaynay xiriir dhab ah, kalsooni iyo is-faham. Taasina waa waxa xiriir adag dhisa.”]] ayuu yiri.

Addeega matchmaking ee Australia wuxuu isku xidhaa dadka keligood ah ee raba xidhiidh dhab ah oo waara. Source: Moment RF / Ippei Naoi/Getty Images
Adeegyada isku-aaddintu 'matchmaking' sidee u shaqeeyaan?
Katherine Wei, oo ah isku-aaddiye ama matchmaker ka howlgasha Sydney, ayaa sheegtay in dadka hore u degganaa dalka iyo kuwa dhowaan soo degeyba ay isticmaalaan adeeggeeda, laakiin ay filashada dhaqankooda ku salaysani kala duwan tahay.
“Waxaan la shaqeeyaa dad badan oo ka yimid Japan, Shiinaha, iyo Koonfurta Bari ee Aasiya. Dhaqankoodu wuxuu soo horreysiiyaa su’aasha ah ‘ma doonaysaa guur?’ Laakiin Australia way ka duwan tahay sidaas: Nin macaamiishadayda ka mid ah oo kasoo jeeda bulshada Caucasian-a ama caddaanka loo macnayn karo, ayaa yiri: Waa markii labaad oo keliya ee aan la kulmay gabadhan. Aqoon wacanba uma lihi, laakiin waxa durba igu bilowday, “maxaa kuu qorshaysan. Guur ma rabtaa?" ayay tiri
Dabcan, qofk kasta oo guur doon ahi, ma raadsado adeegga tabo-bare ama matchmaker.
Dad badan ayaa ka qaybqaata ciyaaraha bulshada, fasallada luqadda, ama shaqo iskaa-wax-u-qabso ah, hakaana ka hela, qofkii ay nolosha la qaybsan lahaayeen.
Laakiin raadinta jacayl ama guurka nocaa loo raadiyo, waxaa ku hoos duugan halis – sida nooca halista la yiraahdo ‘khayaanada jacaylka’.
Andrew Gung ayaa dadka uga digaya khiyaanada jacaylka ee internetka.
Haddii iyo markii, buu leeyahay, aad la kulmayso qof aadan hore u aqoonnin, kula kulan meel dad kale joogaan. Usii sheeg saaxiib ama qof aad ku kalsoontahay meesha aad kula kulmayso, hana u sheegin qofkaas, haba-yaraate’e, wax ku saabsan dhaqaalahaaga.
Haddii ay adiga ama qof aad taqaanno ay ku dhacdo rabsho qoys ama mid guriga ah, la xiiriir 1800RESPECT adigoo wacaya 1800 737 732, ama qoraal u dir 0458 737 732, ama booqo 1800RESPECT.org.au.
Haddii aad ku sugan taha halis -wac 000.
Adeegga dhinaca ragga - Men’s Referral Service,- oo ay maamusho
No to Violence, waxaa lagala xiriiri karaa 1300 766 491.
Kusoo biir oo la soco podcast-ka Australia Explained si aad ula socoto mucluumaad kaa caawiya degitaankaaga iyo noloshaada cusub ee Australia.
Ma noo haysaa su'aal, feker-se ma nagu soo biirin? Noogu soo diri australiaexplained@sbs.com.au






