Australia Explained: Sida dharka (lebbiska) First Nations ugu fidayo Australia

AUSTRALIA EXPLAINED - INDIGENOUS FASHION

Back in Blak Runway 2025 Source: AFP / WILLIAM WEST

Waxaa Australia ka jira nooc ama moodo kale oo dhar ah oo Australia lagaga lebisto, laakiin aanay dadka Australia soo degaa horey u ogaannin. Waana kuwa dadka dhulka loogu yimid ee Aboriginal-ka iyo Torres Strait Islander-ka oo la isku yiraahdo First Nations. Qaybtan Australia Explained, waxay ku baraysaa sida uu dharka dadka First Nations uga duwan yahay dharka kale, xidhiidhka ka dhexeeya cimilo-deegaanka iyo sida aad u taageeri karto hal-abuurayaasha dharke ee dadka First Nations.


Key Points
  • Dadka Aboriginal iyo Torrest Strait Islander waxay lahaayeen dhar ay xidhan jireen kumannaan sannadood oo ku habboon cimilada, dhaqankooda iyo soo werinta sooyaalkooda.
  • Dadka First Nations ee hal-abuur moodoyinka dharka adduunka oo dhan bay ku baaheen
  • Moodooyinka dharka First Nations waxaa ku yaalla naqashado ay sameeyeen farshaxanno First Nations ah oo xuquuqdooda ka hela
  • Hal-abuurka dharka iyo lebbista First Nations waxay joogteeyaan ilaalinta deegaanka.

Ka hor gumaysigii, dadka First Nations ee ku kala noolaa Australia waxay samaysan jireen dhar ku habboon cimiladooda, deegaankooda iyo hab-nololeedkooda.

Dharku umuu ahayn oo keliya wax la xidho; wuxuu cidda ama qofka xiran ka muujin jirey, halka uu ka yimid iyo bulshada uu ka tirsan yahay.

Dad badan oo ka mid ah hal-abuurrada dharka ee First Nations, weli sidii uun bay u arkaan dharkooda, oo ah inuu xambaarsan yahay soo-yaal, dhaqan iyo ku xidhnaanta iyo daryeelka, waxay ay u yaqaannaan “Country” oo ah kelmed kulmisa, dhulka, biyaha, cirka, bulshada iyo dhaqankoodaba.

Muddo dheer, moodadooyinka dharka ee dadka Aboriginal iyo Torres Strait Islander, aad looguma arki jirin warbaahinta caadiga ah. Dharka qaabka Reer Galbeedka ah, ayuun baa la faafin jirey, ha loo maro xarumo diimeed, dugsiyada amd siyaasado dowladeedba’e.

Bulshooyinka First Nations waxay cayaarahooda iyo xaflado-dhaqameedkooda u xidhan jireen, welina u xidhaan dharkooda. Waxayna ka mid tahay sababaha uu dhar-dhaqameedkoodu usoo badbaadey. Laakiinse, tobaneeyadii sano ee ugu dambeysey ayuu si deeraad ah usoo shaac baxay.

Yatu Widders Hunt, waa reer {DANGAATI iyo ANAIWAN] Dunghutti iyo Anaiwan, waana aasaasaha bulshada online-ka ah ee Aus Indigenous Fashion. Waxayna marag ka ahayd soo shaac-baxa moodooyinka dharka First Nations.

AUSTRALIA EXPLAINED—FIRST NATIONS FASHION
You can see Aboriginal and Torres Strait Islander fashion at national events like Australian Fashion Week. Credit: Rob Hookey/Getty Images

“Soo shaacbixinta moodooyinka dharkayagu wuxuu ku saabsan tahay in la arko dadkayaga iyo quruxdooda, dhaqankoodana la ixtiraamo. Waana sida ay tahay”]] ayuu yir Nathan McGuire

Haddaba moodooyinka dharka ee First Nations-ku maxay kaga duwan yihiin kuwa kale?

Waxaa jira sumado ama Labels lagu kala tilmaansado moodooyinka kala duwan. Kuwo badan oo ka mid ahina, waxay isku sheegaan in moodadoodu xidhiidh la leedahay soo-yaalkooda iyo waxa ay u yaqaannaan Country. Country macneheedu dhul ama dal uun uma aha iyaga. Waa dhulka, biyaha, cirka, bulshada iyo dhaqankeedaba. Intaasoo dhan baa la isku yiraahdaa ‘Country’.

Sumad kasta ama naqshad kastana, waxa inta badan lala xiriiriyaa deegaan, luqad ama dhaqan gaar ah.

Naqshadaha ku daabacan dharka, waxaa laga soo qaataa naqshado ay horey ama markaaba allifeen farshanno reer First Nations ah. Magacooda ayaa lagu qiraa naqshadda, khidmadna waa laga siiyaan.

Mid ka mid ah naqshadeeyayaasha sidaas sameeyaana, waa agaasimaha ‘ganacsi dhar’ la yiraahdo Liandra oo iibisisa dharka ku habboon xeebaha, cimilada kulul iwm. Liandra Gaykamangu ayaa la yiraahda magaceeda.

Dunghutti and Anaiwan creative, and founder of online communityAus Indigenous Fashion,Yatu Widders Hunt, remembers how limited representation was when she was growing up in Sydney.

Markii aan da’yar ahaa, waxaan raadinayay hab aan ugu xidhmo astaantayda qowmiyadeed iyo muujinta casriga ah ee First Nations. Moodaynta dharkuna waxay ii noqotay dariiq aan ku gaaro taas. Markii aan yaraa, wargeysayadu kamay hadli jirn moodooyinka dharkayaga, macaamiishuna may ogaan jirin
Yatu Widders Hunt
Nathan McGuire.jpg
Whadjuk Noongar model and Mob in Fashion founder Nathan McGuire. Credit: Nathan McGuire

Yatu waxay xustay in ganacsiyada First Nations ay durba qayb weyn ka yihiin dhaqaalaha dalka. Waxay tiri taageeridda ganacsiyada First Nations-ku waa muhiim, maadaama ay naqshadeeyayaal iyo farshaxanno ay ka shaqeeyaan dalka oo dhan, xitaa meelaha fogfog.

Wuxuu haddaba qofka Australia ku cusubi is-weydiin karaa: Sidee ayaa si ixtiraam leh ugu xiran karaa dharka First Nations-ka?

Talooyin kooban:

· Xidhashada dharka qaarkood kuma koobna oo keliya First Nations. Waxaa xidhan kara cid kasta, waxaan ku taalla calaamad lagu garto.

• Qaar ka mid ahna, gaar ahaan kuwa xafladaha ama doorar dhaqameed oo gaar ah leh, waxa loo oggol yahay oo keliya dadka Aboriginal iyo Torres Strait Islander — badanaa si cad ayaa loo calaamadeeyaa.

• Summado badan waxay muujiyaan xog ku saabsan farshaxanka, bulshada iyo sheekada naqshadda,

Yatu waxay sheegtay in inta badan naqshadeeyayaasha First Nations ay abuuraan shaqo uu qof kastaa qaban karo ama heli karo, oo aan ku koobnayn dadka Indigenous-ka ah oo keliya. Waxay ku dartay in soo-werinta sheekooyinka First Nations ay udub-dhexaad u yihiin astaanta Australia.

Nathan, wuxuu isagu dharka First Nations u arkaa inuu yahay hab ay dadka Australia ku cusubi kula xidhiidhi karaan bulshooyinka First Nations.

Yatu Widders Hunt.jpg
Yatu Widders Hunt, founder of online community Aus Indigenous Fashion. Credit: Yatu Widders Hunt

Creating pathways for First Nations creatives.

A growing number of Aboriginal and Torres Strait Islander-owned labels and studios are creating pathways into paid work across the whole fashion ecosystem. 

Lian

David Jones Indigenous Fashion Projects
David Jones Indigenous Fashion Projects show during Australian Fashion Week Source: Getty / Jason McCawley for AFW

Kusoo biir oo la soco Australia Explained podcast si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya inaad ku xasisho dalkaaga cusub

Feker ma nagusoo biirinaysaa, su'aal'se ma qabtaa? noogu soo dir: Email australiaexplained@sbs.com.au


Share

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now