Australia Explained: Sida looga soo kabto dab-kaymeedka

Australia Explained: Bushfire Recovery

A resident walks away from her flood-damaged house in the bushfire-affected town of Cooma on January 5, 2020. Source: AFP / SAEED KHAN/AFP

Australia waa dal leh cimilo kulul oo qalalan iyo qab-dhuleed u gaar ah, sidaana kaga dhigtaymid ka mid ah dalalka aduunka ee ugu nugul dab-kaymeedyada. Is-beddelka cimilada yaa sababi karo dabab tiro badan oo kasii xooggan kuwii hore. Sidee ayaad guriga si nabad ah ugu laabataa, haddii aad markii hore ka qaxday dabka? Sidee baad taageero ku heli kartaa, sidee baadse isu dar-yeeli kartaa? Halkan ka ogow.


Key Points
  • Return home only when authorities say it’s safe and take precautions like checking for lingering embers.
  • Recovery centres, financial assistance and mental health services are available to help you navigate the practical and emotional impacts of bushfires.
  • Bushfire recovery takes time, and leaning on community support and caring for your wellbeing is essential.

In uu ku qabsado dab-kaymeed, waa arrin argagax leh. Taasi waa hubaal.

Sharif Baytieh waa ku-xigeenka sarkaalka Rural Fire Service ee Nana Glen oo ah tuulo yar oo ku taalla New South Wales.

Australia gudaheeda, in ka badan boqol kun oo dab-damiye oo iskaa wax-u-qabso ku shaqeeya, ayaa qabta shaqada uu Sharif qabto oo ah wacyigelinta, la dagaallanka dabka, iyo taageerada soo kabashada.

Sharif wuxuu dab-kaymeedkiisii ugu horeeyey ka shaqeeyey sannadkii 2019, wuxuuna sheegay inay weli xusuustaasi maskaxdiisa kasii muuqato.

“Markaad waddo ku socoto oo aad aragto kayntii oo dhan oo gubatay, xayawaan yar oo ka cararaya hoygiisii gubtay… waa wax aan caadi ahayn. Laakiin saacado ka dib markaad fariisataan oo aad dib u eegtaan wixii dhacay, ayaad si dhab ah u dareemaysaan culayska iyo waxa ay dadka kale ka sheekeeynayaan. Wuxuu ahaa dabkii ugu weynaa ee aanuu iskaa-wax-u-qabso uga shaqaynay”]] ayuu yiri

Metropolitan Fire Service Firefighters in the front of the fire site house.
Metropolitan Fire Service Firefighters in the front of the fire site house. Credit: mastersky/Getty Images

Ku laabashada Guriga

Ku laabashada guriguna ma sahlana, kadib markii deegaankii uu ku yaalley gubtey, waxayna noqon kartaa mid naxdinteenda leh, gaar ahaan haddii horey lagaaga qaxiyey guriga intii aanu dabku bilaabmin.

Ku laabo guriga oo kaliya marka, ay hay’adaha gargaarka degdegga ah SES ama hay’adaha gurmadku kuu xaqiijiyaan inay ammaan tahay.

Markaad laabanayso:

· Ha iska dhaqaaqine, sug talada mas’uuliyiinta iyo inta mas’uuliyiintu kuu fasaxayaan.

· Horey usii qaado, cuntooyinka aan xumaannin, lacag cash ah, dhalooyin biyo ah, tooj iyo bayteriyo dheraad ah

Haddii gurigu weli taagan yahay, hubi burbur muuqda, ka hor intaadan gudaha gelin.

Haddii aad geleyso guri ama goob uu dabku saameeyey: Xiro maaskaro neefsashada, dhar gacmo dabool leh iyo kabo adag. Haddii ay suurto gal kuu tahayna, marka ugu horreysa, carruurta iyo xayawaanka rabbaayadda ah, hau kaxaysanin guriga.

Ka taxaddar meelo weli kulul ama dhuxulo garsoon oo xataa ayaamo ka dib, dab kale kicin kara.

Haddii aad caymis leedahay, wax kasta iyo shay kasta, sawir iyo muuqaal ka qaad ka-hor intaadan dhaqaajin ama nadiifin. Qor khasaaraha ku gaaray. Qaar ka mid ah shirkadaha caymisku waxay bixiyaan lacag degdeg ah oo lagu daboolo baahiyaha, sida hoy ku meel gaar ah.

Dadka dabku saameeyo oo guryahooda kasoo qaxa, waxaa badanaaba loo diyaariyaa xarumo gargaar bixiya oo laga heleo hoy ku-meel gaar ah, cunto, biyo iyo meelaha lagu danabeeyo qalabka korontada sida teleephanka gacanta.

Adeegyada dowlad goboleedyada sida Emergency Recovery Victoria, Service NSW ama Queensland Recovery Hotline ayaa iyaguna, gargaar ka bixin kara dhinaca hagidda iyo talooyinka. Waxaa kale oo jiri kara kaalmo dhaqaale oo musiibooyinka loogu talo galay ,oo ay dowladdu bixiso, in kasta oo ay ku xiran tahay xaaladda.

Sharif Baytieh wuxuu sheegayaa in waddada soo kabashadu, ay qof walba xaaladihiisa gaarka ah ku xidhan tahay.

[[“In qof, gurigiisii iyo hantidiisii oo dhan waayay dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahayd, waa wax aan suurtagal ahayn. Laakiin waxaa la samayn karaa, in waddooyinka la nadiifiyo, qashinka laga qaado, geedaha dhacay la jarjaro si aysan mustaqbalka dhibaato u keenin, waana geeddi-socod dheer. Wax walba waxay ku xiran yihiin hantida aad lumisay iyo siday wax u gaareen.”]] Ayuu yiri

Australia Explained: Bushfire Recovery
Aerial view of the Australian bush fire destruction with a burnt home & property. Bell NSW 2020 bush fires - Blue Mountains Credit: mikulas1/Getty Images

Fadlan kusoo biir oo soo raac Australia Explained si aad u hesho macluumaad iyo talooyin kaa caawinaya la qabsiga noloshaada cusub ee Australia.

Haddii aad qabto su’aalo ama aad nagu soo biirin karto fikrado, fadlan, noogu soo dir email: australiaexplained@sbs.com.au


Share

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now