Qiimaha Batroolka iyo naaftada ee dalka Australia ayaa weli ku jira xaalad adag. Go’aanka Bangiga Dhexe ee Australia (RBA) uu bishan ku kordhiyey dulsaarka amaahda ayaa ina sii kordhiyey culayskii dhaqaale ee haystay qoysas badan. Qaybtan, waxaan ku eegaynaa adeegyada taageero ee bilaashka ah iyo kuwa madax-bannaan ee loo heli karo dadka la tacaalaya culayska dhaqaale.
Qiimaha Batroolka iyo naaftada ee dalka Australia ayaa weli ku jira xaalad adag, iyadoo dagaalka Mareykanka iyo Iran uu galay bilowgii bishii saddexaad. Qoysas badan oo Australiyaan ah, culaysku wuu ku laba-laabmay, ka dib markii uu Bangiga Dhexe ee Australia (RBA) bishan horraanteedii, kor u qaaday dulsaarka amaahda . Qiimo korodhka shidaalka, raashinka, kirada iyo amaahda guryaha ayaa hadda iyaguna noqday mid maalinle ah.
Qaybtan "Australia Explained: Fuel in Focus," waxaan ku eegaynaa adeegyada bilaashka ah ee loo heli karo dadka la tacaalaya culayska dhaqaale.
Imtiaz Ahmed, oo ku nool magaalada Melbourne, wuxuu ka shaqeeyaa shaqooyinka la xiriira computerrada ee la yiraahdo IT. Laakiin wuxuu maalmaha fasaxa (weekend) iyo habeenkii wadaa taxi iyo gaadiidka rideshare-ka si uu ugu kabo dakhligiisa qoyskiisa.
"Shaqo kaliyahi kuma filna nolosha, Taangiga naaftada ee gaarigayga markii hore waxaan ku buuxin jiray $103 ilaa $105, hadda wuxuu gaaray $160, taasina way igu sii adkaysay xaaladda. Waana mid qof kasta ugu adag." ayuu iiri
Imtiaz wuxuu sheegay in UU qiimaha shidaalka yahay hal qayb oo ka mid ah dhibaatada. Tirada rakaabka oo yaraatay iyo kharashka shirkadaha tagaasida iyo ride-shareka oo kordhay, ayaa ku khasba inuu waqti badan ku lumiyo shaqada, sidaana kaga maqnaado qoyskiisa.
"Maalin ayaan garoonka diyaaradaha u tagay inaan rakaab ka soo qaado. Waxaan fadhiyey ku dhawaad afar saacadood mana helin rakaab. 1:30 ilaa 2:00 habeenimo ayaan guri ku soo laabtay anigoo madhan. Waana waqti aan la qaadan karayay qoyskayga, laakiin waxaan isku dayayay inaan nolol raadsado." ayuu yiri
Imtiaz wuxuu hadda ku talo jiraa, inuu la xiriiriyo adeegga la yiraahdo National Debt Helpline. Waa adeeg bilaash ah, madax-bannaan, oo qarsoodi ah oo laga helo guud ahaan Australia. Adeeggani wuxuu dadka deymaha la dhibaataysan ku xiraa lataliyayaal maaliyadeed oo sharxi kara xuquuqdooda.
Vicki Staff oo ka tirsan National Debt Helpline ayaa sheegtay inay dad badani hadda dakhligooda intiisa badan geliyeen shidaal iyo cunto, taas oo meesha ka saaraysa kharashyada kale ee muhiimka ah.
"Waqtigan la joogo, dad badan ayaa ka walwalsan bixinta amaahda guryaha (mortgage). Waxaan sidoo kale maqlaa dad la tacaalaya daynta kaararka bangiga, daynta cashuuraha, iyo daynta amaahda gaadiidkaba" ayay tiri Ms. Staff
Dad badani ma oga inay xaq u leeyihiin inay dalbadaan, inuu bangiga ama shirkadda deynta ku lehi ka khafiifiyo shuruudaha deynta, ku-meel-gaarba ha ahaate’e, xaaladda dhaqaale ee adag ee aan la filaynin awgeed. Waxaana la yiraahdaa "Financial Hardship Arrangement"
" Financial Hardship Arrangement, waxa uu noqon karaa in muddo kooban la hakiyo bixinta daynta, ama in si tartiib-tartiib ah qaddar yar loo bixiyo muddo dheer. Waxaa jira fursado badan oo u furan dadka, waana waxa ay lataliyayaasha maaliyadeed kaa caawin karaan" ayay tiri Ms. Staff.
Lataliyayaashu waaa inay fahmaan xaaladdaada dhaqaale si ay kuu siiyaan macluumaadka saxda ah.
"Waxaanu dadka kala hadli doonnaa dakhligooda, kharashkooda, iyo dayntooda. Marka aannu sidaas samayno, waxay naga siin kartaa, fikrad fiican oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee aan uga caawin karno, inay ka gudbaan xaaladda adag ee dhaqaale" ayay raacisay Ms. Staff.
Saddex siyaaabood oo kala duwan ayaa jira oo aad ula xiriiri karto National Debt Helpline, haddii aad u baahato:
· Wac: 1800 007 007
· Booqo: ndh.org.au
· Live Chat: Iyo inaad Isticmaasho adeegga lagu sheekeysto ee bogga internetka.
Haddii aadan afka Ingiriisiga ku fiicnayn, adeeggan wuxuu kuu qaban karaa turjubaan. Lacalla uu khadku mashquul yahay ammintaa aad wacayso, isku day mar kale ama isticmaal Live Chat.
Sidoo kale, waxaa dadka lagula talinayaa inay adeeg bilaash ah ka raadsan karaan Salvation Army (Moneycare), Anglicare, ama Community Legal Centres.
Fadlan kusoo biir oo la soco Australia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya degitaankaaga dalkaaga cusub.
Ma qabtaa wax su'aal ah? Mase noo haysaa wax feker? Fadlan noogu soo diri Email-ka: australiaexplained@sbs.com.au



