Australia Explained: Waa maxay GP?

Female legal advisor lawyer helping her client

JPs waxaa la ogolaaday inay u dhaqaan markii aad saxiixaato xanuunada sharci ah Source: Getty / ilkercelik

Haddii aad Australia deggantahay, gooray ahaataba, waxa laga yaabaa inaad u baahato qof cinwaankiisa shaqo la yiraahdo Justiice of the Peace oo loo soo gaabiyo JP. Caawimadaasi waxay ku saabsanaan kartaa, inaad qaan-dhow ka dalbaynayso Insurance-kaaga, guur ama furitaan ama in laguu xaqiijiyo in waraaqo luqaddaada ku qoran laguu la caddeeyo inay sax yihiin iwm


Justice of the Peace ama JP wuxuu ku caawin karaa waqtiyada ugu muhiimsan noloshaada. Waxaa lagu aaminay mas'uuliyadda ah inay kaa caawiyaan dukumeentigaaga sharciga ah.

JP-yadu waa xubno bulsho oo la aammino, oo ay gaar ahaan u magacaabeen dawlad-goboleedyadaa ama territorigu, iyadoo marka la dooranayo la mariyo hubin adag.
JP-yadu kama qaataan lacag bixinta adeegyadooda. Waa mutadawiciin qaatay doorka la wada leeyahay ee ah is-caawinta.

Dean Beck, waa mid ka mid ah dadkaas.. Waa JP isla markaana ah Isuduwaha Xarunta Saxiixa Dukumentiga ee Victorian Pride Centre. Waxa uu inala wadaagayaa wixii ku kallifay in uu noqdo JP

“Justice of Peace, waa qof loo magacaabay oo loo idmaday inuu qabto hawlo kala duwan, gaar ahaan inuu noqdo markhaati idman oo saxeexa dukumentiyo kala duwan. Sidaa darteed, Justice of Peace waxa inta badan raadsada dadka u baahan in loo xaqiijiyo in documetiyadoodu sax yihiin.”
Waxaan u maleynayaa inaan leeyahay dareen xooggan oo caddaaladda bulshada iyo sinnaanta ah, dhammaantoodna waa sifooyin wanaagsan oo aan u maleynayo inaan inay tahay inuu JP-gu lahaado]] ayuu yiri
Dean Beck

Muxuu JP idiin sameyn karaa?

Haddii si sahlan loo yiraahdana, JP-ku wuxuu kaa caawiyaa in dokumetiyadaadu kuu saxan yihiin.

Marar badan sharciga yaa khasbaya in waraaqaha ama dokumentiyada qaarkood, uu saxiixo qof JP ah sii uu caddeeyo in saxeexa dokumentiga ku yaallaa uu sax yahay, macluumaadka kuugu qoranna uu sax yahay, haddii aad nuqul ka samaysayna ay iyana yihiin kuwo sax ah oo la hubiyey

Su'aal ma qabtaa feker'se ma nagu soo biirin karta? Noogu soo dir email australiaexplained@sbs.com.au.

Share
Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand