- Walxaha ku jira cuntadu ma qoran yihiin baakadda?
- Weedha "contains" (waxaa ku jira)
- Dadka cunta cuntad Kosher?
- Ma cuntaa cunto xalaal ah?
- Ma sahlan tahay in la helo cunto Kosher ah?
- Ma sahlan tahay in la helo cunto Halal ah??
Waxaa laga yaabaa inaynu badankeennu leennahay cuntooyin aynu ku dhiirrano cuniddooda, kuwo aynu ka cago-jiidno ama kuwo aynu cuniddooda kaba caaggannahay. Waxaana sabab u noqon kara diin, dhaqan, arrimo caafimaad ama ikhtiyaarba.
Aan ku bilowno dhinaca cuntada’e, waxaa jira nooc xasaasiyad ah oo laga qaado cuntada loona yaqaanno xasaasiyadda cuntada ama food allergy, taas oo haddii la iska indho tiro keeni karta dhibaato halis ah ama xitaa dhimasho.
Australia gudaheeda, tobankii carruur ahba illaa hal ka mida ah, ayaa qaba xasaasiyad cunto, iyadoo ukuntuu ay tahay tan ugu daran. Dadka qaan-gaarka ahna, kontonkii qofba midkood ayaa qaba xasaasiyadda cuntada.
Walxaha ku jira cuntadu ma ku qoran yihiin baakadda?
Taasina waa sababta ay muhiim u tahay in la fahmo calaamadaha ku qoran, ku daabacan ama sawiran baakadaha cuntada, si ay dadku isaga ilaaliyaan cunidda nooca ama noocyada cuntada ee ay xasaasiyadda ka qaadaan.
Ingrid Roche, oo ah khabiir nafaqeyn, kana tirsan National Allergy Council, ayaa sharaxaysa nidaam cusub oo loo sameeyey ogaanshaha walxaha ku jira cuntooyinka kala duwan ee Australia.
“Nidaamka loo yaqaan ‘Plain English Allergen Labelling’ waxaa loo sameeyay, si ay dadku, si fudud u akhriyi karaan calaamadaha cuntada, marka ay raadinayaan waxyaabaha ay ka xasaasiyad qabaan. Haddii cunto ay ku jirto wax xasaasiyad keena, waa in si cad loogu qoraa liiska walaxdaas k,, laguna qoro Af-Ingiriisi fudud oo cad.”]] ayay tiri

Noocyada qamandiga sida sarreenka, rey barley iyo boorash waxaa ku jira gluten. Sidaa darteed waa khasab in lagu qoro digniinta baakadda si loogu sheego dadka qaba cudurka Coeliac.
Waxa ku qoran dhammaan waxyaabaha cuntada laga sameeyay, gaar ahaan kuwa xasaasiyadda keena.
Noocyada laws-ka, iyo noocyada kale ee beerka leh, sida almond, cashew, hazel-nut iyo macamadamia, si kala soocan ayaa magacyadooda loogu muujiyaa baakadaha cuntada, si uu markaa, qofkii mid ka mid ah xasaasiyad ka qabaa, uu si sahlan ugu dhex arki karo.
Sidoo kale quudka badda, ee qolofta leh, sida kuwa la kala yiraahdo shrimp iyo mussels ayaa si kala gaar ah loo qoraa iyagana.
Noocyada badarka ay ku jirto walaxda gluten-ka la yiraahdo, sida qamadiga, galleyda, boorashka, iyo mid Barley la yiraahdo, ayaa iyagana si cad magacyadooda loo qoraa, ama loogu muujiyaa baakadaha cuntada, si dadka loogu digo dadka qaba jirro magaceeda la yirahdo (Coeliac) ama kuwa u nugul gluten-ka.
Weedha 'Contain' (waxaa ku jira)
Plain English Labelling also requires a ‘contains’ statement.
Next to or underneath the ingredients list there's another sentence that says ‘contains’. It's like a summary list of all of the common allergens that are in that food product.Ingrid Roche
Waxay sidoo kale ku talinaysaa inaad isku beegto maqaaxida waqtiyada aanay mashquulka ahayn si ay kuugu sahlaanaato la-hadalka shaqaaluhu. Waxay kale oo ku talinaysaa inaad marka hore si taxadder leh u doorato maqaaxida aad ka cuntaynayso, isla markaana aad dalbato, cuntooyin aan kakanayn oo walxaha ku jiri karaa yar-yihiin.
Iska ilaali bay kusii dartay, maqaaxiyaaha cuntooyinka, saf-saf la isu-dhinac dhigo, oo dadku iskood u xushaan. Waxaa dhici karta in cuntooyin kala duwani is-taabtaan, oo walxihii mid ku jirey, si aan ula-kac ahayn loogu gudbiyo cunto kale.
“Hay’adda Allergy & Anaphylaxis Australia waxay samaysay kaar yar oo jeebka lagu qaato, kaas oo ay ku qoran yihiin cuntooyinka aad xasaasiyadda ka qabto. Marka aad maqaaxi gasho, soo bixi kaarka oo u sheeg shaqaalaha, inaad qabto xasaasiyadda cuntada oo ay kaarka u tusaan cunto-kariyaha, si ay cuntadaada uga ilaaliyaan walxaha aad xasaasiyadda ka qabto”]] ayay tiri
Tan ugu muhiimsani waa, in marka aad cunto-cunid u baxayso, aad qaadato daawooyinkaaga xasaasiyadda. Haddii dawadaadu tahay irbadda adrenaline-ka ama nooc kaleba, waa inaad sii qaadataa, sii haddii aad cunto ku jirrato ay diyaar kuugu yihiin.

In makhaayadaha laga helo cunto Xalaal ah, ayaa aad u adag, waayo sida la sheegay, makhaayadaha iyo meelaha cuntada iibiya qaarkood, ma rabaan inay calaamadda xalaasha ka muujiyaan mehereddooda. Credit: FreshSplash/Getty Images
Dadka cuna cuntada Kosher
Shosh Landau, oo ka tirsan Kosher Australia, ayaa sheegaysa in hay’addoodu tahay mid ka mid ah, laba hay’adood oo waaweyn oo xaqiijiya Kosher-ka dalka Australia.
“Calaamaddayadu waa khariidadda Australia oo uu xarafka ‘K’ ku dhex yaallo. Laakiin calaamaddu kuma qorna cuntooyinka oo dhan. Qiyaastii 40 boqolkiiba oo keliya ayay ku taallaa. Sidaas darteed, si aannu dadka ugu caddayno, in cuntadaasi tahay mid kosher ahaan loo xaqiijiyey iyo in kale, waxaannnu isticmaalnaa App muujinaya dhammaan cuntooyinka Kosher-ka ah oo aannu si joogto ah u cusboonaysiinno.]] ayay tiri
App-ka Kosher Australia hadda waxaanu u samaynay calaamadda barcode-ka la yiraahdo, taas oo iibsadaha uu sahlaysa, inuu cunto ka iibsado meel kasta, oo aanu ku koobnaan oo keliya dukaammo gaar ah.
Ma cuntaa cunto xalaal ah?
Qiyaastii 3 boqolkiiba dadka Australia ayaa cuna cunto Xalaal ah, waana suuq si degdeg ah u koraya.
Dr Muhammad Khan, oo ah madaxa Halal Australia, ayaa dadka wax iibsanayana ku-la talinaya, inay eegtaan calaamadaha xaqiijinta xalaasha, ee hay’ado lagu kalsoon yahay.
“Haddii aad aragto calaamadda xaqiijinta Xalaasha, waa mid illaa xad lagu kalsoonaan karo in cuntadaasi xalaal tahay.. Laakiin Australia waxaa ka jira olole ka dhan ah Xalaasha, taasoo keentay in shirkadaha qaarkood aanay isticmaalin calaamadda xalaasha. Waan mid aan iibsadaha u sahlaynin doorashada. Laakiin waxaad website-kayga halal-australia.com.au ka heli kartaaa talooyin kaa caawiya ogaanshaha cutooyinka aan xalaasha ahayn iwm”]] ayuu yiri
Waxaa iyaguna jira App-yo uu ka mid yahay Halal Advisor, oo talooyin muhiim ah laga heli karo, in kasta oo aanay hay’adda The Halal Australia xaqiijinin. Dr. Khan-na wuxuu iib-sadayaasha kula talinayaa, inay iyagu xil iska saaraan sahamintooda wixii aan xalaal ahayn, ayna la xidhiidhaan Halal Australia hadday u baahdaan.
Ma sahlan tahay in la helo cunto Kosher ah?
Marka aanu u baxdo cunto-cunid Kosher ah, bay kusii dartay, maqaaxi uun iskama gelno, si aanu uga dalbanno cunto Kosher ah. Waa ina maqaaxidu idilkeedba tahay mid Kosher loo xaqiijiyey.

Allergenic foods in bowls, still life. Credit: SCIENCE PHOTO LIBRARY/Getty Images/Science Photo Libra
Ma sahlan ahay inaad hesho cunto halaal ah?
Dhinaca kalena, in makhaayadaha laga helo cunto Xalaal ah, ayaa iyaduna ah mid adag, waayo sida la sheegay, makhaayadaha iyo meelaha cuntada iibiya qaarkood, ma rabaan inay calaamadda xalaasha ka muujiyaan mehereddooda.
“App-yo ayaa jira laga hubiyo xalaasha, waanan ku amaanayaa kooxaha caawiya bulshada, sida Halal Food Sydney iyo Halal Food Melbourne. Waxay sameeyeen macluumaad arrintaa ku saabsan. Kuman yaal macaamiil ah baa jira oo u baahan in wax la kala caddeeyo. Laakiin, waxaanu aragnaa is-khilaaf ka dhex jira hababka xalaasha loo xaqiijiyo”]] ayuu yiri Dr Muhammad Khan.
Ugu dambeyn, baa lagu talinayaa, sida ugu ammaansan ee aad ku ogaan karto cuntooyinka ama cabbitaannada aad ka caagantahay, isla markaana aad isaga ilaalin karto walxaha aad xasaasiyadda ka qabto, waa haddii aad qabte’e, waa inaad adigu samaysato sahimin iyo baarid kuu gaar ah oo aad ku ogaato.
Useful resources
- Reading food labels for food allergens
- Coeliac disease
- Eating out with food allergies
- Menu planning for halal meals
- Menu planning for kosher-style meals
Kusoo biir oo la soco Austarlia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawibnaya noloshooda cusub ee Australia.
Ra'yi ma noo haysaa? Su'aal'se ma qabtaa? Fadlan noogu soo dir E-mailka
australiaexplained@sbs.com.au










