Watch FIFA World Cup 2026™ LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Dhibbanayaashii la illaaway: Kaalinta dadka Aboriginal-ka iyo kuwa Torres Strait Islander ee xuska ANZAC Day

First Nations Anzac

The Australian War Memorial For Our Country memorial recognises the military service of Aboriginal and Torres Strait Islander peoples. Credit: Tracey Nearmy/Getty Images

Maalinta la yiraahdo, ANZAC Day waa mid ka mid ah maalmaha qaranka ee ugu muhiimsan Australia. Sannad kasta, dadku waxay isugu soo baxaan inay xusuustaan kuwii u soo adeegay dalkan, xilliyadii dagaallada iyo hawlgallada nabad-ilaalinta.


Key Points
  • The Australian War Memorial estimates 1200 Aboriginal men attempted to enlist in the First World War, and 6,500 in the Second World War.
  • Aboriginal people faced many restrictions to enlisting in the armed forces.
  • Many went to extraordinary lengths to enlist including hiding their heritage.
  • On their return, discrimination and restrictive laws were still part of everyday life for Aboriginal veterans. 

Dad badan oo ka tirsan dadka asalka ah ayaa u soo dagaallamay ciidanka Australia, iyagoo xilliyadii Dagaalkii Koowaad iyo kii Labaad ee Adduunka, is-garab taagay, dadkii dhoofka ku yimiod dalkan, —xitaa xilliyadii sharcigu uu ka mamnuucay inay ciidanka ku biiraan.

Maantase, waxaa jira dadaal weyn oo lagu aqoonsanayo soo-yaalladaas shakhsiyeed.

Michael Bell oo ah nin u dhashay qowmiyadaha Ngunnawal iyo Gomeroi, kana shaqeeya masxafka Australian War Memorial, ayaa ku hawlan soo saarista xaqiiqadaas.

Tirada ciidankii Aboriginal iyo Torres Strait Islander ee dagaalkii 2aad ee adduunka

"Waxaannu hadda ognahay, in ka badan 1,200 oo nin oo u dhashay dadka asalka ah, kuwaas oo iska qoray ama isku dayay inay iska qoraan Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Dagaalkii Labaadna, waxaan qiyaasaynaa inay kor u dhaafi doonaan 6,500 oo nin. Waa mashruuc weli socda, tiraduna toddobaad kasta way isbeddeshaa marka aan aqoonsanno oo aan liiska ku darno rag cusub." ]] ayuu yiri Bell.

Indigenous Australians Honoured On Anzac Day At Coloured Diggers March
Understanding ANZAC Day means recognising the contributions and challenges faced by Aboriginal and Torres Strait Islander peoples.  Credit: Brendon Thorne/Getty Images

Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah: sidee ayay dadkan asalka ahi u barbar-dhaceen kuwa kale ee ciidanka, ee aan ahayn kuwa dhulka loogu yimid?

"Markii aan dhinaca tirakoobka ka eegnay, dadka asalka ah ee isu soo qoray ciidanka marka loo eego tiradooda guud, waxay la mid yihiin ama la siman yihiin walaalahooda kale ee reer Australia ee aan asalka ahayn." ]] ayuu yiri Bell.

Maxaa dadka First Nations ka hor-taagnaa inay is qoraan ciidanka?

Si kale haddii loo dhigo, inkasta oo ay caqabado adagi horyaalleen, dadka asalka ahi waxay ciidanka u soo galeen si la mid ah dadka kale. Hadaba, maxay ahaayeen caqabadahaasi?

Waqtigaas, dadka asalka ah looma aqoonsanayn inay yihiin muwaadiniin buuxa, xitaa sharcigu uma aqoonsanayn inay yihiin "dad".

Waa loo diidi jiray inay dalka dhexdiisa si xor ah ugu socdaalaan, xeerarka ciidankuna waxay ka mamnuucayeen qof kasta oo aan asalkiisu Yurub ahayn inuu ku biiro ciidanka. Taas oo ay jirto, dad badan ayaa dadaal aan caadi ahayn u galay inay ciidanka ku biiraan.

Stories like this illustrate determination, resilience and a strong desire to serve country, even when that country did not offer equal rights. 

[[Waxaa jirey nin u dhashay dadka asalka ah, oo ka soo lugeeyay gobolka Queensland illaa Albury (oo ku taal xadka NSW iyo Victoria). Intii uu jidka ku soo jirey, shan jeer ayuu isku dayay inuu ciidanka is-qoro, ugu dambeyntiina waa laga aqbalay. Nasiib-darro, ma uusan helin fursad uu ku dagaallamo sababtoo ah wuxuu u dhintay xanuun isagoo saaran markabkii sidey, ee ku sii jeeday goobta dagaalka. Tani waxay ku tusaysaa go’aanka iyo dhabar-adayga raggayaga; in kasta oo loo diidayay inay yihiin dadka asalka ah, haddana ay marar badan isku dayeen inay ka mid noqodaan ciidanka. ]] ayuu yiri Michael Biell.

Laakiin maxaa dhacay markii ay askartaasi dib ugu soo laabteen dalka? Askartaas kasoo jeeda dadka Asalka ah, ee dagaalka kasoo qayb galay, kusoo-noqoshadoodii dalka ka dib, ma ay helin, xuquuq la siman tii ay askartii kale heliin.

Aboriginal And Torres Straight Islander Veterans
A wreath is laid during the annual ANZAC coloured diggers service in Sydney. Credit: Lisa Maree Williams/Getty Images

Maxaa ku dhacay ciidankii First Nations markii ay dib usoo laabteen?

"Raggayagu waxay u dagaallamayeen xuquuq dalal shisheeye, iyadoo dalkooda hooyo ay kaga qatanaayeen xuquuqdaas. Waxay dalka dib ugu soo laabteen bulsho si ba'an u kala qeybsan. Waxay dib ugu laabteen nidaamkii takooridda, aqoonsi la'aan dhinaca sharciga ah, iyo xayiraado ka dhex jiray dhulka, mushaharka, iyo xitaa maamulka carruurtooda; xilligaas oo nidaamkii 'Stolen Generations' (waa carruurtii laga kaxaystay waalidkoode) uu si xoog leh u socday." ]] ayuu yiri

Xitaa meelaha ay ku kulmaan askartii hore (RSL Clubs) looma oggolayn inay galaan dadka asalka ahi, taas oo ka dhigtay inay xitaa waayaan meel ay kaga sheekeystaan oo isku weydaarsadaan calool-xumadii dagaalka.

Maantase, soo-yaalkaas waa la aqoonsanayaa. Matxafka Australian War Memorial hadda wuxuu sooyaalka iyo soo-werintii dadka asalka ah u soo bandhigaa, si la mid ah kuwa kale.

Sidee bay Australia u aqoonsatay adeeggii ciidanka ee dadka dhulka loogy yimid?

Sheekooyinkayaga iyo sooyaalkayagu, waxay si siman oo isu dheellitiran uga muuqdaan dhammaan qaybaha matxafyada. Macluumaadkaygu wuxuu yaallaa qay kasta oo ka mid ah masxafyada. Ma jirto meel gaar u ah, oo loogu talagalay dadka asalka ah oo kaliya. Si siman ayaannu u sheegtaa taariikhda, sidii ay askartii hore naga codsadeen. Markii ay dareeska ciidanka xirnaayeen, isumay arki jirin midab duwan, balse waxay isku arki jireen midabka ciidanka ay ka tirsan yihiin; e cagaarka, buluugga, ama cawlka ah." ]] ayuu yiri

Marka laga soo tago aqoonsiga rasmiga ah, dib u helista sawirrada iyo diiwaannada askartan waxay macne weyn u leedahay qoysaskooda.

There is no Black corner at the Australian War Memorial. What we do is tell the story equally throughout, as the veterans have asked us to do.
Michael Bell

"Mararka qaar haddii aan helno sawirka kaliya ee la aqoonsaday oo nin u dhashay dadka asalka ah, qoyskiisuna aysan waligood arkin, ama aanay aqoonin sida uu u ekaa awoowgood, waannu siinnaa sawirkaas iyadoo lagu sharfayo adeeggii uu u soo qabtay dalka. Taasi aad ayay ii taabataa, sharaf baanay ii tahay, inaan xogtan la wadaago qoysaska, si ay u ogaadaan in sooyaalkoodi hore, hadda lagu hayo meel sharaf leh." ]] ayuu yiri

Aboriginal And Torres Straight Islander Veterans
The annual ANZAC coloured diggers event in Sydney celebrates the contributions of Aboriginal and Torres Strait Islander servicemen and servicewomen. Credit: Lisa Maree Williams/Getty Images

Maxaa laga rabaa inaad ka ogaato ANZAC Day, haddii aad dalka ku cusubtahay?

Hadaba, maxaa laga rabaa inaad ka ogaato ANZAC Day, gaar haddii aad dalka ku cusubtahay?

[["Waa in la fahmo taariikhda guud ee Australia iyo sida ay maanta tahay... ee aanu ku koobnaan dadkii qarsoonaa ee sannadihii hore. Raggaas Dagaalkii Koowaad ku jiray waxay ku khasbanaayeen inay qariyaan asalkooda, laakiin hadda waxaannu rabnaa, inaannu dadka ku dhiirigelino inay arkaan taariikhda dhabta ah ee Australia, ee aan ahayn, taariikhdii ay qoreen nidaamyadii hore ee naga saaray aqoonsigu." ]] ayuu yiri Mr Bell.

Maalinta ANZAC Day waa waqti la xusuusto dadkii u soo adeegay dalkan, waana daqiiqad ay dad badani isugu yimaadaan, si ay u sharfaan taariikhda.

In la fahmo ANZAC Day waxay ka dhigan tahay in la fahmo sheekada dhammaystiran ee Australia—oo ay ku jirto aqoonsiga kaalintii iyo dhibaatadii aydadka asalka ahi soo mareen.

Marka ay sooyaalladani noqdaan kuwo la wadaago, waxay naga caawinayaan, inaynu sawir buuxa ka helno, waayihii hore ee Australia iyo halka ay maanta joogto.

Fadlan kusoo biir oo la soco Australia Explained podcast si aad ug hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka dalkaaga cusub.

Ma noo hasyaa su'aal, mase nagu soo biirin kartaa wax feker ah? Email

Fadlan noogu soo diri Email-ka australiaexplained@sbs.com.au


Share

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now