Kooxda Khillafada Islamka isku magacowda ayaa sheegatay inay masuul ka yihiin qaraxyo isdabajoog ah oo ka dhacay Brussels oo ay ugu yaraan 34 qof ku dhinteen. Qaraxyadan ayaa waxaa canbaareeyay RW Belgian iyo hogaamiyayaasha caalamka. Nin sadexaad oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa weerarka ayaa waxaa raadinayaa ciidanka.
Share




