SKIP TO MAIN CONTENT

Australia Explained: Khudaar ma goosan kartaa geed qof kale leeyahay?

Verge planting.jpg
A verge garden in Freemantle, WA. Credit: City of Fremantle

Weli adigoo jidka lugaynaya ma kusoo baxday midho la cuno oo ku yaalla geed ka baxay guri iyo jid dhexdood? Dabcan dhulkaas waxaa maamusha dowladda hoose? Miraha ku yaalla geedkaas ma goosan kartaa idam-la'aan? Haddiise aad ku jirto guryaha dabaq-yada sidee baad u beeran kartaa khudaar? Qaybtan Austarlia Explained ka dhegeyso waxa sharcigu ka qabo.


Published

Updated

By Phil Tucak

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS



Skip to podcast episode content

Weli adigoo jidka lugaynaya ma kusoo baxday midho la cuno oo ku yaalla geed ka baxay guri iyo jid dhexdood? Dabcan dhulkaas waxaa maamusha dowladda hoose? Miraha ku yaalla geedkaas ma goosan kartaa idam-la'aan? Haddiise aad ku jirto guryaha dabaq-yada sidee baad u beeran kartaa khudaar? Qaybtan Austarlia Explained ka dhegeyso waxa sharcigu ka qabo.


Key Points

  • In khudaar ama miro idam-la’aan looga goosto daaradda ama qof kale gurigiisa hortiisu waxay la mid tahay xad-gudub ama xatooyo.
  • Oggolaansho weydiiso qofka guriga deggan ama leh, inta aadan miraha goosannin, haddii aanu mulkiiluhu fasax qoraal ah hore u bixin.
  • Si aad khudaar u beerato, ku biir bulsho beer-wadaag ah.

Marka iyo haddii aad dhex-marto xaafadaha magaalooyinka Australia, waxaa laga yaabaa inaad aragto miro, khudaar iyo dhir kala duwan oo ka baxaya jardiinooyinka guryaha, sida liinta, yaanyada iyo noocyada kale ee khudaarta iyo cagaarka.

Laakiin ma iska qaadan kartaa wax ka baxaya beerta qof kale, ama ku yaalla gurigooda hortiisa hortiisa?

Qaybtan Australia Explained, waxaad ka baranaysaa waxa kuu bannaan iyo wixii kale, iyo sida aad beeraha bulshada uga baran-karto aqoon iyo xirfad aad adiguba ku beeran karto cunto.

Xaafadaha Australia waxaa ku badan oo ka baxa geedaha midhaha iyo cagaarka kala duwan ee la quuto. Qaarkood waxay ka baxaan guryaha hortooda, qaarna in kasa oo uu guri gudhihii ka baxay, qayb ka mid ah ayaa bannaanka usoo bixi karta.

Haddba khudaartaas, guri bannaankiisa ka baxday ama debedda usoo foorarta, ma guran kartaa?

Jarrad Duggan [[DUGG-AN]], , wuxuu madax ka yahay Kooxda Amniga Bulshada ee Dowladda Hoose ee Fremantle - Western Australia,, wxuuna leeyahay, haddii aad mirahaa iska qaadato, idan la’aan, waxaa loo aqoonsan karaa ‘xatooyo’.

((“Sharciba ma aha inaad iska gasho dhul qof kale leeyahay adigoon fasax ka haysan. Sidaas darteed, laguuma oggola inaad, guri qof kale iska gasho oo aad wax iska qadato, waxayn noqon kartaa ‘Xatooyo”.”)) ayuu yiri Jordan Duggan.

Verge tree.jpg
It may be tempting to pick fruit from a neighbour's tree—but is it legal? Credit: Pexels/Strannik-sk

Haddii mirahu ama khudaartu ka baxayaan dhul gaar loo leeyahay, waa inaad marka hore oggolaansho ka heshaa qofka guriga deggan ama milkiilaha, ka hor intaadan gacanta gelin.

((“Khudaarta ka baxday guriga hortiisuna, waa la mid oo sharci ma aha in la iska qaato. Waannu ogahay inay tahay dhul ay dowladda hoose maamusho, laakiin weli sharci ma aha inaad iska qaadato waxa ku yaalla. Waxaad u baahan tahay oggolaanshaha qofka gurigaas ay hor baxday deggan ama leh. Oggolaanshahaas ka doonan maysid dowladda hoose’e, waxaad ugu baahantahay qofka guriga deggan ama iska leh.”)) ayuu yiri

Sidaa darteed, haddii aad aragto miro ama khudaar ka baxaysa guri hortii, haddii damac kaa galo, waxaa fiican inaad marka hore oggolaansho weydiisato cidda guriga deggan, ayuu ku talinayaa Mr Duggan.

((“Mar walba oggolaansho ayaad u baahan tahay. Albaabkaad ku garaaci kartaa ama qoraal asluubaysan baad u dhaafi kartaa. Haddii laguu oggolaadana, waxaa fiican inaad weydiiso inta aad ka qaadan karto. Sidoo kale, waa inaad ka taxaddartaa inaadan waxyeello u geysan geedka.”)) ayuu yiri

Milkiilayaasha guryuhu inta badan, way jecel yihiin in idan la weydiistao, marar badanna iyagaaba raalli ku ah inay dadka la wadaagaan miraha ama khudaarta guryahooda ka baxda.

Andrea Sciubba.jpg
Andrea Sciubba leaves out her excess lemons for neighbours to take. Credit: Josh Jenkins

Qaarkoodna, intay miraha ama khudaarta dheeraadka ah ee gurigooda ka baxda weel ku ridaan bay bannaanka dhigaan si dadka jidka maryaa u qaataan.

((“Mararka qaarkood waxaad arki kartaa khudaar kartoon ku jirta oo jidka dhinaciisa ama guriga hortiisa la dhigay oo lagu qoray “free” oo maneheedu yahay waa u idmantahay inaad qaadato. Waa astaan muujinaysa in khudaartan la hibeeyey, fasaxna uma baahnid si aad uu qaadato.”)) ayuu yiri

DugganSciubba [[[[SHOO-BA]] oo deggan xaafadda Nedlands ee magaalada Perth ayaa ka mid ah dadka khudaartooda dheeraadka ah bannaanka u dhiga dadka.

Waxaa daaraddda dambe ugu yaalla geed Liin-dhanaan ah oo bixiya dalag aad u badan.

Inta ugu badan ee aan awoodo ayaa kartoon ku guraa, markaas baan dadka bannaanka u dhigaa si ay uga qaataan.
Andrea Sciubba

Sida caadiga ah, Austarlia gudeheeda, dhulka u dhexeeya xayndaabka guriga iyo jidka waxaa iska leh oo maamula dowladda hoose.

Laakiin sharciyada dowladaha hoose, waxay inta badan, qofka guriga leh ama deggan ku waajibinayaan, inay dayac tiraan dhulkaas, sida jarista cawska.

Haddaba , sida uu sharraxayo Mr Duggan, inaad gurigaaga hortiisa wax ku beeran karto iyo in kale, waxay ku xiran tahay xeerarka dowladaada hoose.

((“Dowladaha hoose way ku kala duwanaan karaan arrintan. Qaarkood way oggolaan kaaraan, qaar kalena way reebi karaan. Dawladda hoose ee City of Fremantle, way oggoshahay in guriga hortiisa lagu beerto dhirta miraha la cuno, laakiin way la xadeeyaan nooca iyo xaddigaba. Sidaa darteed, taladayda ugu fiicani, waa inaad mar walba iska hubiso xeerarka dowladdaada hoose, inta aadan wax ku beerin gurigaaga hortiisa.”)) ayuu yiri

Urban produce.jpg
Produce can often be seen growing in a front garden. Credit: Pexels/Ivy Nguyen

Fadlan kusoo biir oo la soco taxanaha Australia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka iyo ku xasilka dalkaaga cusub.

Ma qabtaa wax su'aal ah? Mase noo haysaa feker? Fadlan noogu soo diri Email-ka australiaexplained@sbs.com.au


Latest podcast episodes

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now