Key Points
- Maraakiibtii ugu horreysey waxay Botany Bay yimaaddeed 18 January 1788, may imaannin 26-kii January.
- Australia was formally founded on 7 February 1788, not on January 26.
- 26-ka January, waxay dadka dhulka loogu yimid u ahayd, maalin ay u adeegsadaan debedb-baxayda iyo ka-run-sheegidda taariikhda.
26-ka Janaayo, oo loo yaqaan Australia Day, waa maalin sannad kasta loo asteeyo fasax qaran oo laga xuso guud ahaan Australia. Laakiin taariikhda maalinkaasi, ma aha mid sahlan ama isku aragti ah laga yahay.
Dadka qaarkood waxay u arkaan maalintii ay maraakiibtii First Fleet loo bixiy ay yimaaddeedn magaalada Sydney sanadkii 1788. Laakiin dad badan oo kale, gaar ahaan dadka First Nations, maalintani waxay astaan u tahay bilowgii khasaare weyn, carqalad ku timid nololhoodii, iyo iska caabin.
Dad badan oo Australian ah ayaa weli aaminsan in First Fleet ay 26-ka Janaayo 1788 kasoo degeen xeebta Sydney Cove. Laakiin xaqiiqadu waa in maraakiibtaasi markii ugu horreysey yimaaddeen Botany Bay 18-ka Janaayo ee isla sannadkaas 1788.
Qaybtan Australia Explained, waxaad ku baran doontaa taariikhda ka dambaysa 26-ka Janaayo, sababta ay u noqotay fasax qaran, iyo sababta dad kala duwan ay si aad u kala geddisan u fahmaan una dareemaan maalintan.
- Maxaa dhacay 26-kii January?
- Maraakiibtii ugu horreysey ma waxay yimaaddeen 26 January?
- Goorma ayaa Australia si rasmi ah loo aasaasay?
Maxaa dhacay 26-kii January?
John-Paul Janke, oo ah Tifaftiraha Arrimaha Indigenous-ka Qaranka ee SBS, isla markaana wax ka soo daaya barnaamijka The Point ee channel-ka NITV ayaa dib inoogu naqtiimaya taariikhda maalinkan.
Wuxuu faahfaahinayaa sida 26-ka Janaayo ay u noqotay taariikhda si rasmi ah loo xuso Australia Day, iyo sababta macnaheedu weli isu beddelayo muranna uga dhaliyo dalka oo dhan.
Haddaba, xaggee ayay 26-ka Jannaayo kasoo bilaabatay, sideese wax u dhaceen?
“Dad badan ayaa u arka 26-ka Janaayo oo lagu xuso imaanshahii First Fleet ee Sydney sanadkii 1788 inay tahay bilowgii qaranka. Laakiin ma ogtahay in First Fleet, oo ka koobnayd 11 markab, ay soo gaareen Botany Bay,18-kii Janaayo 1788 oo ah sideed iyo maalmood ka hor,? Halkaas oo uu Captain Arthur Phillip ogaaday in Botany Bay aany ku habboonayn degmo.”]] ayuu yiri Joh-Paul Janke

Maraakiibtii ugu horreysey ma waxay yimaaddeen January 26?
No. The First Fleet began arriving at Botany Bay on 18 January 1788. After assessing the area, Phillip determined it was unsuitable for settlement due to poor soil and limited fresh water.
Strong winds delayed the fleet’s departure, and on 25 January two French ships, led by Captain Jean-François de La Pérouse, appeared offshore. Early the next morning, Phillip and a small party moved to Sydney Cove, where a brief ceremony took place on January 26.
Maya. Maraakiibtii ugu horreysey waxay kasoo degeen xeebta Botany Bay 18-kii January 1788. Markii uu qiimeeyeyna Captain Philib wuxuu go'aasaday in aanay ahayn meel ku habboon degsiimo, ciiddeeda oo xun iyo biyo-yaraan awgeed. Dabaylo xooggan ayaa nedaadiyey dhowr cisho. Laakiin 25-kii Janaury ayuu Captain Philip u shiraacdayu xeebtga Sdney Cove, halkaas oo ka calan ka taagey 26-kii January 1788.
Goorma ayaa Australia si rasmi ah loo aasaasay?
Degemadii ugu horreyse ee addoonsiga waxaa si rasmi ah oo taagey 7-dii February 1788, iyadoo hoggaamiye looga dhigay Captain Philip.








