Shirkii Jaalliyadda Galbeedka Melbourne 5-tii April 2021

Source: Somali Community
Shir si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay isugu yimaaddeen jaalliyadda Soomaaliyeed ee deggan xaafahadaha galbeedka Melbourne, sida Tarneit, werribee, Hoppers Crossing ee dowlad-deegaanka Wyndham ayaa ka dhacay xarunta United Soccer Club ee Tarneit. Shirkaa waxay bulshadu kaga tashadeen xoojinta xidhiidhka iyo wax-wada-qabsiga bulshada, midaynta taladooda iyo arrimo kale.
Share