Key Points
- Blood donation is voluntary.
- Australian Red Cross Lifeblood manages blood donations.
- Lifeblood needs blood donations from all backgrounds to match Australia’s diverse population.
- If you’re unsure whether you can donate, you can call the Lifeblood hotline on 13 14 95.
- Dhiigga lagu deeqo sidee loo isticmaalaa?
- Qof kastaa ma bixin karaa dhiig?
- Maxaa ku dhiirri geliya qof inuu bixiyo dhiig?
- Maxaan filan karaa waqtiga ballanta?
- Xaggee lagu bixin karaa dhiigga?
Australia waxay leedahay mid ka mid ah nidaamyada dhigaalka dhiigga ee ugu ammaan badan adduunka, balse marar badan ayuu dhigaalku ka hooseeyaa meeshii la rabey. Waxaana toddobaad kasta loo baahan yahay in ka badan 33,000 oo deeq-dhiig ah si loo daboolo baahida bukaanada isbitaallada dalka.
Sidee loo isticmaalaa?
Emily Granland, oo ah afhayeenka Lifeblood — waa hay’ad dowladda ka tirsane, oo maamusha dhigaalka dhiigga ee Laanqayrta Cas ee Australia'e, ayaa sheegtay in Dhiiggu yahay kheyraad qiimo leh oo nolosha u badbaadin kara dadka u baahan..
“Wuxuu badbaadin karaa dad galay xaalad halis ah. Wuxuu dheerayn karaa nolosha dadka la tacaalaya cudurrada uu ka mid yahay kansarku, dadka u baahan in lagu shubo dhiig joogto ahna waxay ka heli karaan nolol tayo leh. Wuxuu kaloo caawiyaa dadka qalliinka gelaya, kuwa shil ku dhaawacmay, dadka qaba cudurrada dhiigga, haweenka dhalaya iyo xataa carruurta weli uurka ku jirta"]]

Lifeblood waxay deeq dhiig uga baahan tahay dadka Australia oo dhan, asal ahaan, meeshay doonaanba ha kasoo jeedeene.
Qof kastaa ma bixin karaa dhiig?
Qof kastaa kuma deeqi karo dhiigga mar kasta. Laakiin badankeennu waxaynu ku deeqi karnaa, ugu yaraan qaybo ka mid ah dhiiggeena, oo aynu weliba si is-dabajoog ah ugu deeqi karnaa.
“haddii da'daadu u dhexayso 18 ilaa 75 sano, miisaankaaguna ugu yaraan yahay 50 kiilo, islamarkaana aad caafimaad qabto, waad bixin kartaa dhiig” ayay tiri Ms Granland.
“Hay’adda Lifeblood waxay sidoo kale ururisaa noocyada dhiigga ee la kala yiraahdo plasma iyo platelets, oo ah qaybo ka mid ah dhiigga bini’aadamka. Waxaad kale oo dhiig bixin kartaa 12-kii toddobaadba mar, halka plasma-ha la bixin karo labo toddobaad kasta.”
Xaaladaha qaar ayaa laga yaabaa inay kaa hor istaagaan inaad dhiig bixiso. Tusaale ahaan, ma bixin kartid dhiig, haddii aad uur leedahay ama uu stroke kugu soo dhacay, ama aad qabto xaalado caafimaad oo kale, sidaana waxaa loo yeelay, si loo ilaaliyo caafimaadkaaga.
Xanuunada dhiigga, sida haemophilia iyo thalassaemia (tha-la-SEE-mee-uh) ayaa sidoo kale kaa hor istaagi kara inaad bixiso dhiig.
Haddii aadan is hubin, waxaad wici kartaa khadka tooska ah ee Lifeblood oo lambarkoodu yahay 13 14 95. Koox caafimaad ayaa diyaar u ah inay ku hagaan.

Plasma la qaboojiyey( fadhiisiyey) - Hadii aadan hubin inaad dhiig ku deeqi karto, ka waca Lifeblood 13 14 95 Credit: /
Maxaa ku dhiirri-geliya qof inuu bixiyo dhiig?
Dhiig-bixiye magaciisa E.d lagu soo gaabiyey, wuxuu dhiig bixin jirey saddex ilaa afar jeer sannadkiiba, laga soo bilaabo 2009-kii.
Wuxuu sheegay in dad badan laga yaabo inaysan dhiig-bixinta si weyn uga fikirin, ama ay isaga maleeyaan inaynu had iyo jeer haysanno dhigaal dhiig oo innagu filan. Xaqiiqaduse waxay tahay in dhiig-bixintu, dadka qaar u tahay, nolol ama dhimasho.
“Waxa igu dhiirri geliya inaan dhiig bixiyaa waa inaan ka qayb ahaado nolol-badbaadin. Waan wax aan dadka kuu caawin karo oo aan aniga igu kacaynin qiimo aan ka ahayn dhiiggayga iyo waqtiga aan bixinayo. Waxaan kale oo leeyahay qoys iyo saaxiibo badan oo cisbitaal galay oo dhiig lagu shubay, taasina waxay igu dhiirrigelisay inaan bulshada wax u soo celiyo.”
I've had family and friends who’ve gone to the hospital, gone through blood transfusions, and something tells me that I should give something back to the community.Ed, regular donor
Maxaan filan karaa waqtiga ballanta?
The appointment should take about an hour for blood and 90 minutes for plasma. Your blood will be drawn from your arm for just a few minutes using a needle.
“Waxaan kaa codsaneynaa inaad cabto ku dhawaad 12 koob oo biyo ah maalinta ka horreysa dhiig-bixinta, isla markaana maalinta dhiig-bixinta aad sii wadato cabitaanka biyaha, si aad u hubiso, in jirkaagu si fiican u qoyan yahay oo dhiiggaagu si wanaagsan u qulqulo.
“Waannu ognahay inay dadka qaarkood welwel yar ka dareemaan dhiig-bixinta ama ay ka baqaan irbadda, laakiin shaqaalahayagaa aad u wanaagsan, kaana caawin doonaa inaadan cabsannin.
“Haddii aanay Ingiriisigu ahayn luqaddaada koowaad-na, waxaannu kuu diyaarinaynaa adeeg turjumaan. Qofkii ka cabsada inuu irbadda eegana, waxaanu haynaa daah aannu kaga gudubno.”
Qaybta hore ee ballantu waa ka jawaabidda su'aalo waraaq ku qoran, si loo hubiyo inaad u qalanto dhiig-bixinta maalintaas. Kadib, waxaa cabbiraad dhakhso badan lagu samaynayaa heerka macdanta iron-ka dhiiggaaga ku jirta iyo cadaadiska dhiigga.
“Kadib waxaad tegeysaa goobta dhiig-bixinta oo aad ku fadhiisanaysaa kursi raaxo leh” Ms Granland ayaa tiri. “Shubidda dhiigguna waxay qaadataa illaa shan daqiiqo.”
Intaas kadib, waad nasan kartaa oo aad cabbi kartaa cabitaanno bilaash ah.

Dhiig O-negative ah - Qof kastaa si joogto ah uma bixin karo dhiig, laakiin dadka badankoodu waxay ugu yaraan bixin karaan qayb ka mid ah dhiiggooda.

Goob Red Cross Lifeblood leedahay oo dhiigga lagu bixiyo.
Xaggee lagu bixin karaa dhiigga?
Lifeblood way soo dhoweysaa dhiig-bixiyeyaasha asalkay doonaanba ha ahaadeene.
Lifeblood waxay had iyo jeer soo dhoweyneysaa dadka cusub ee doonaya inay dhiig bixiyaan, iyadoon loo eegaynin asalka ay ka yimaadeen..
Waxaa jira ku dhowaad 80 xarumood oo joogto ah oo ay Lifeblood ku leedahay guud ahaan Australia
Laakiin waxaa jira xarumo ku meelgaad ah iyo gaadiid wareega oo uruuriya dhiigga.
Haddii aad haddaba jeceshahay inaa dhiig ku deeqdo, waxaad wici kartaa numberka 13 14 95 ama aad si online ah ballan uga dhigan kartaa, lifeblood.com.au. Waxaad kale oo soo rogan kartaa App-ka Donate Blood oo aad ballan ka dhigan karto.
Fadlan kusoo biir oo ku xirnow podcast-ka Australia Explained si aad uga hesho macluumaad muhiim ah oo kaa caawiyo degitaanka Australia iyo ku xasilkaaga noloshaada cusub..
Ma qabtaa wax su'aalo ah, mase nagu soo biirin kartaa fikir cusub? Fadlan noogu soo dir australiaexplained@sbs.com.au