Key Points
- Dadka Aboriginal iyo Torres Strait Islander waxay ka kooban yihiin qoymiyado iyo dhaqammo band.
- Bandhigyada ururrada dadka dhulka loogu yimid waxaa laga bartaa sida loola fal-galo dadka First Nations-ka iyo dhaqammadooda
- La fal-galka waxaa ka mid ah u tagto si aad u barato, u dhegeysato si maskax furan leh, iyo inaad su'aalo si ixtiraam leh u weydiiso
- Sideen ku bartaa dadka leh dhulka aan deggenahay?
- Xaggee lag helaa macluumaadka Aboriginal and Torres Strait Islander Australia?
- Sidee baan kula saaxiibaa dadka First Nations ee Australia?
Shannan Dodson, haweeneyda Yawuru ah, oo ah Maamulka Guud ee Healing Foundation, ayaa sheegtay in la fahmo kala-duwanaanshaha dhaqamada iyo bulshada dhulka loogu yimid ay muhiim u tahay qof kasta oo Australia ku nool.
“Fahamka in aysan jirin hal dhaqan oo isku mid ah ayaa muhiim ah. Dalka waxaa ku nool bulshooyin boqolaal luuqadood oo kala duwan.”
“Waana muhiiim inaad fahamto oo barato bulshooyinkaa iyo dhaqammadooda.”

"Waa muhiim in qof kasta oo Australia ku nooli ogaado in dadka "\'Indigenous'- ka ee dhulka loogu yimid ay dhulka ku noolaayeen oo daryeelayeen kumannaan sannadood" ayay tiri Shanon dodson: Photo: The Healing Foundation.
Sidee ku bartaa dadka leh dhulka aan degganahay?
Brashada koowaad waxaa laga heli karaa Internet-ka ama online, iyada oo ku qoran Ingriisi fahamkeedu fudud yahay. Inaad barato kala duwanaashaha dadka dhulka loogu yimid ee la yiraahdo Indigenous People-na, waxay kaa caawin kartaa, sida aad si kalsooni ah ula hadli karto markaa aad fool-ka-fool ula kulanto.
Ka dib barashada qaybta hore, waxaa kuugu xigta inaad iyadana barato oo fahamto macnaha kelmedda laga yaabo inaad durba maqashay, oo ah kelmedda “Country”. In kasta oo macneheedu qoto dheer yahay, haddana waxaynu si sahlan ugu macnayn karnaa dhulka ay leeyihiin dadka Indigenous-ku ee aynu innaguna soo degney ee ku noollahay. Waa dhulka aynu ku dul soconno, ka dul shaqayno, carruur ku korsonno iwm.
Si aad u aragto khariidadda dhulka dadka dhulka loogy yimid iyo qoymidda leh dhulka aad deggan tahay booqo website-ka Australian Institute of Aboriginal and Torres Strait Islander Studies

Ururrada dadka Indigenous-a qaarkood waxay ku kooban yihiin arrimaha gobolkooda, halka kuwa kalena aya ka shaqeeyaan dalka oo dhan. Credit: davidf/Getty Images
Xaggee laga helaa macluumaadka Aboriginal and Torres Strait Islander Australia?
Ururka la yiraahdo Healing Foundation waxay taageeraan hadhaagii ka badbaadey dadka loo yaqaanno Stolen Generations-ka – oo macneheedu yahay jiilkii la xaday, iyo ururrada kale ee iyana la shaqeeya jiilashii la xaday.
Waxaa kaloo jira Australian Institute of Aboriginal and Torres Strait Islander Studies, oo ah mac-had laga barto culuunta dadka Aboriginal iyo Torres Strait Islander-k ah, oo leh agab badan oo lagu barto luqadaha, dhaqanka iyo taariikhda. Sidoo kale Reconciliation Australia ayaa iyana bixiya macluumaad ku saabsan habka isu soo dhowaanshaha iyo sida loo wanaajin karo, xiriirka u dhexeeya dadka Indigenouska iyo kuwa aan ahayn
Waxaa iyaduna kuu furan ,inaad ku biirto kooxo ama ururro ka mid ah bulshooyinka Indigenous-ka oo qabta bandhiyo iwm, oo aad wax ka korodhson karto. Australia oo dhan ayaad ka heli kartaa, waana meelo lugu soo dhoweeyo dadka soo galootida ah, meeshay doonaan ba ha ka soo jeedeene.
Waxaa ka mid ah dabbaal-degyada toddobaadka National NAIDOC Week oo dhaca toddobaadka hore ee bisha July sannad kasta.
Waxaa jira NAIDOC Week oo ah toddobaad dhaca sannad kasta bisha Luulyo, oo loogu talagalay in si farxad leh oo furan loogu xuso dhaqamada Aboriginal iyo Torres Strait Islander. Waxaa kaloo jira National Reconciliation Week, oo macnihiisu yahay toddobaadka heshiisiinta ama isu-soo-dhoweynta oo isna dhaca sannad kasta dhammaadka bisha May iyo bilowga Juun.
Ururkayagu wuxuu leeyahay oo kale dhacdo weyn oo iyaduna sannadle ah oo ahApology to Australia’s Indigenous People, oo dhacda bisha February, iyo sidoo kale National Sorry Day,oo dhacda bisha May

Way sahlan tahay inaad khalad ku dhacdo haddii haad hore u maqashay haddalo been-abuur ah oo ku saasan dadka boriginal iyoTorres Strait Islander iyo dhaqankooda. Credit: WANDER WOMEN COLLECTIVE/Getty Images
Sidee baan ku saaxiibaa dadka First Nations ee Austrlia?
Dadka badankoodu way fahmayaan marka si ixtiraam leh loo hadlo—ha ahaado qof Indigenous ah ama qof kale; e
Inaad dhisato xiriir macno leh, gaar ahaanna la samaysato bulshada Indigenous-ku waxay u baahan yahay waqti iyo kalsooni. Laakiin dhegeysiga uun baa ah xirfadda ugu muhiimsan ee sahli karta barashada iyo dhex-gelka bulshada.
Laakiin bay kusoo xidhaysaa Ms Dodson, horta qaad tallaabada koowaad:
“Taladaydu waa inaad timaaddo horta—taas ayaan dhihi lahaa. Bulshooyinkeennu waa kuwo soo dhaweynta ku wacan, waxaanan rabnaa inaanu kula wadaagno cidda aanu nahay, taariikhdayada, dhaqankayaga iyo bulshooyinkayaga. ]] ayay tiri
Tallaabada koowaad oo xiriir wacan lag samaystaa waa inaad u timaaddo oo baratoShannan Dodson, CEO of the Healing Foundation

Sawir-kooxeed muujinya sannad-guuradii National Apology ee jiilasha la xaday (Storlen Generations). Waxaa ka mid ah badbaadayaashii farcankoodii iyo shaqaalaha The Healing Foundation, iyo weliba wasiirka dadka Australalia ee Indigenous-ka ah, Malarndirri McCarthy. Photo: The Healing Foundation
Dad badan oo ka mid ah soo-galootidana waxay taasi u noqon kartaa mid dareensiin karta in aanay ahayn qariib.
Fadlan kusoo biir oo la soco Australia Explained oo aad ka heli karto macluumaad kaa caawiya degitaanka iyo ku xiasilkaaga Australia.
Haddii aad hayso talo iyo tusaaleba, fadlan noogu soo dir Australiaexplained@sbs.com.au








