Somali: The Uluru Statement from the Heart

Uluru Statement from the Heart in your langauge

Source: Jimmy Widders Hunt

May 2017kii, wufuud ka socotey dadka Aborijiniska ah iyo dadka Torres Strait Islanders-ka ayaa isugu yimid Shirka Distuurka Qaran ee Qawmiyadaha 1aad meel u dhow Uluru waxay qaateen waxa loo yaqaan Uluru Statement from the Heart (Bayaanka Wadnaha). Bayaanku wuxuu bixiyaa dhabo lagu aqoonsanayo Qawmiyadihii 1aad Distuurka Australia, laguna soo jeedinayo dib u habaynta qaabka saddex jaho; Codka, Cahdiga iyo Runta (Voice, Treaty and Truth). Wuxuu socdey laba sanadood Wada-xaajoodka Ka-Baaraandig ah waxaana qaatay wufuud ka kooban 250 qof oo isugu jira Aborijinis iyo Torres Strait Islander. Waxaa lagu doonayey asaasida cilaaqaad u dhexeeya Qaranka Australiyadii 1aad iyo Qaranka Australia oo ku dhisan run, cadaalad iyo aaya-ka-talis si horay loogu socdo dib u heshiisiin, iyada oo aan laga tanaasulayn qaranimada. Muyuusig uu qaadayo Frank Yamma.


Waxaanu isugu nimid Shirka Distuurka Qaranka 2017, annaga oo ka kala nimid dhamaan jahada dhulka koonfureed, waxaana samaynay bayaankaan kaas oo ka yimid qalbigayaga: qabiiladayada Aborijiniska iyo Torres Strait Islander-ka ah ayaa ahaa ummaddii ugu horraysay oo qaarada Australiya iyo dhulka deriska la ah waxayna ku yeesheen sida sharcigayagu qabo iyo xeerarkayagu ay qabaan.

Tan waxaa sameyey kuwaan ku abtirsano, sida waafaqsan waxa dhaqankayagu sheegayo, xagga abuurka, sida waafaqsan qaanuunka guud ‘ waqti aan la xasuusan karin’, sida waafaqsan sayniska in ka badan 60,000 sano ka hor. Qaranimadaasi waa aragti ruuxi ah: xiriirka dhalashada ee u dhexeeya dhulka, ama ‘hooyada dabeecada’ iyo Aborijinaalka iyo dadka Torres Strait Islander oo ku dhashay sidaas, ayaa weli ku xiran kuwaas, maalin uuna ku noqon doona halkaas si ay ula midoobaan kuwii aanu ka nimid.  

Xiriirkaan ayaa ah asaaska lahaanshaha ciida, ama ka fiican, oo ah qaranimada. Weligeed lagama tanaasulin lama baabi’in cidna shirka kulama ahayn taajka qaranimada. Sidee kale oo ay ahaan lahayd? Dadkaasi waxay lahaayeen dhul ilaa lixdan milyan xiriirkaasi barakaysani wuxuu ka baxay taariikhda adduunka qiyaas wax laba boqol oo sanadood?

Wax ka bedelka distuurka wax ku oolka ah iyo dib u habaynta qaabku, waxaanu aaminsanahay xoriyadaas mudada badan laga joogo inay ku soo ifbixi doonto sharaxaad ballaaran oo qaranimada Australia. Saami ahaan waxaanu nahay dadka ugu badan oo lagu go’doomiyey dunida dusheeda. Ma aanu nihin dad dembi u dhashay. Carruurtayadii ayaa looga qaaday qoysaskoodii si aan la xisaabin karin. Tan ma ay noqon karto sababtoo ah ma aanu jeclayn. Dhalinyaradayadiina waxay ugu baabe’een xabsiyada si aad u fooxun.

Waa inay noqdaan rajadeena mustaqbilka. Cabiradaan oo qalalaasahayaga ayaa si cad u sheegaya qaab-dabeecadeedka dib tayada. Tani waa ciqaabta awoodaridayada. Waxaanu raadinaynaa dib-u-qaabaynta distuurka si loo awoodgeliyo dadkayaga ayna uga qaataan boos xalaala wadankayaga. Markaanu leenahay awood meeshaan ku socono carruurtayadu waa bulaalayaan. Waxay ku socon doonaan laba adduun dhaqankooduna wuxuu ahaan doonaa hadiyada dalkooda.

Waxaanu ku baaqaynaa asaasida Codka Qaranka 1aad oo lagu muujiyey (xardhay) distuurka. Makarrata ayaa ah hadafk ajandahayaga: wadajir u gaarida halgankayaga ka dib. Waxay yeellanaysaa rajadayadu cilaqaad run iyo xaq ah oo aan la yeellano dadka reer Australia iyo mustaqbil fiican oo carruurtayada kaas oo salaysan cadaalad iyo is-xukun.

 Waxaan ka dalbanaynaa Guddiga Makarrata in loo kormeero habka samaynta heshiis u dhexeeya xukuumadaha Qawmiyada 1aad iyo run-ka-sheegida taariikhdeena. Sanadii 1967 waa nala tiriyey, sanadii 2017 waxaan dalbanay in nala maqlo. Waxaan ka tagnay asaas waxaana bilawnay socod aan ku dhexmarayno wadankaan ballaaran. Waxaanu kugu martiqaadaynaa inaad la socoto dhaqdhaqaaqa dadka Australian-ka ah si loo helo mustaqbil fiican.

Macluumaad intaas ka badan booqo Uluru Dialogue website oo ah www.ulurustatement.org ama email u dir Indigenous Law Centre, UNSW oo ah ilc@unsw.edu.au     

SBS waxay samaysay Bayaanka Uluru oo ka yimid Wadnaha (Heart) in lagu hello 63 luqadood si loo wado wada xaajoodka qarameed oo jaalliyadaha Dhaqan ahaan iyo Luqad ahaan Kala-duwan.  


Share
Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand