Key Points
- Ilaalinta xuduuduhu waxay u jirtaa in lagu ilaaliyo deegaankeena iyo dhaqaaleheenna
- Qof kastaa waa inuu buuxiyo waraaqda Passnager Card. Waa dukumenti sharci ah.
- Food and plant items are high risk and must be declared.
- Cuntada iyo walxaha dhirta ka yimid aad bay u halis badan yihiin, waana in la sheego.
- Wixii aad sidato ee aanad hubin, iska sheeg.
- Maxay Austarlia ugu adagtahay ilaalinta noolaha?
- Waa maxay Incoming Passenger Card?
- Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta card-ka?
- Maxaa ka mid ah walxaha aan la oggolayn?
Maxay Australia ugu adagtahay ilaalinta noolaha?
Xeerarka bedqabka noolaha ee Australia ayaa lagu tiriyaa kuwa ugu adag adduunka oo dhan, waxaana jira sabab wanaagsan oo loo adkeeyey.
Maadaama ay Australia tahay dal jasiirad ah, waxay ka badbaaddey cayayaan iyo cudurro badan—balse waa badbaado ku xiran sida uu dalku u feejigan yahay. Waxaa jira liis dheer oo cuntooyin iyo dhir ah oo aan loo ogolayn in lala soo galo dalka, maadaama ay wadan karaan cayayaan dhib u geysta beeraha iyo degaanka.
Vikki Fischer, oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Siyaasadda Socdaaleyaasha ee Waaxda Beeraha, kalluumaysiga iyo kaymaha, ayaa sharraxaysa muhiimadda ay tani u leedahay dalka:
((“Xaaladda bedqabka noolaha ee jasiiraddan weyni, waa mid muhiim u ah ganacsigeenna, raaxada bulshadeenna, waxsoosaarka beeraha iyo degaankeenna quruxda badan. Taas ayaana ah waxa aan isku dayayno inaan ilaalino—waa dhaqaalaha, bulshada, hab-nololeedkeenna iyo degaankeenna.”)) ayay tiri
Beeruhu waa laf-dhabarta nolosha kumanaan qof oo ku nool dalkan. Sidoo kale, xeerarka adagi waxay xaqiijiyaan, in ay Australia ganacsi caalami ah la geli karto dalalka kale iyadoo la og yahay in alaabteedu ka madax-bannaan tahay cayayaan.

Waa maxay Incoming Passenger Card?
Sidaas darteed, markay Australia ku soo gelayaan diyaarad ama markab, rakaabka waxaa laga rabaa inay buuxiyaan Kaarka Soo-gelitaanka Rakaabka ee loo yaqaanno (Incoming Passenger Card). Waa kaarka jaallaha ah ee nalagu siiyo gudaha diyaaradda ama marka aan soo galayno garoonka.
Markaad ka jawaabto dhammaan su'aalaha ku qoran kaarkaas, waxaad saraakiisha Booliska Xuduudaha (Australian Border Force) u sheegaysaa alaab kasta oo laga yaabo inay khatar tahay oo aad sidato—xitaa haddii aadan adigu hubin.
((“Kaarkaas jaallaha ah, ee IPC, waa dukumiinti sharci ah. Waxaad dukumiintigaas sharciga ah ku caddeynaysaa inaad sidato nooc kasta oo cunto ah iyo in kale. Tusaale ahaan, alaab kasta oo dhir ah, alaabta xoolaha ka timaada, xitaa haddii ay dhoobo ku dhegan tahay kabahaaga. Dhammaan cuntooyinka, dhirta, iyo alaabta xoolaha ee laga yaabo inay u muuqdaan kuwo aan dhib lahayn, waa in la sheego (declare).”)) ayay tiri
All food, plant material, animal products that might seem harmless, must be declared.Vikki Fischer
Khasab ma aha in lagaa qaado haddii aad sheegto walax aad sidato. Marar badan, saraakiishu waxay kaliya eegaan khatarta shayga, ka dibna waxay kuu ogolaadaan inaad la gudubto haddii aanay khatar ahayn
Waa muhiim inaad si dhab ah u ogaato waxa ku jira boorsooyinkaaga, sida ay ka digayso ELENI Mooh-tseh-looh]] Eleni Moutselou oo ah qof safarka ku takhasustay. Markii ay soo mareysay koontaroolka, saraakiisha ayaa boorsadeeda ka dhex helay hilib iyo caano khatar ah oo aysan ogeyn:When going through customs, ABF Officers discovered high-risk meats and dairy products in her bags.
((“Aad bay uga xanaaqeen, aniguna dabcan aad baan u baqay. Balse sidii ay wax u dhaceen waxay ahayd inay hooyaday boorsada iigu riday alaabtaas daqiiqaddii u dambeysay anigoo aan ogeyn. Markaan u sheegay, alaabtii waa iga qaadeen, balse waxay i siiyeen digniin. Waxay igu yiraahdeen: ‘Ma ogtahay inaad muteysan kartid ganaax ama xabsi arrintan darteed?’”)) ayay tiri
Ma u baahantahay in lagaa caawiyo buuxinta card-ka?
Haddii ay kugu adagtahay inaad buuxiso card-ka soo gelitaanka, weydiiso kaalmo saraakiisha ABF markaad soo gaarto safka immigration-ka.
The International Passenger Card comes in 48 different languages so we can cater for people from all different countries that arrive into Australia.Neil Singh

Maxaa ka mid ah walxaha aan la oggolayn?
Mr Singh wuxuu leeyahay haddii aad shakido, iska sheeg (declare it), sababtoo ah mararka qaar wax aad moodeyseyt in la oggol yaha, ayaa keena ganaaxyada ugu waaweyn. Sidoo kale waxaa ganaaxyo waaweeyn lagu muteystaa hubka, daroogada, iyo walxaha wax gooya sida mindida oo kale, waana kuwo aan la oggolayn in lasoo geliyo dalka.
“Haddii aad sidato shay mamnuuc ah adigoon ogayn, sida wadhafka oo kale (slingshot), haddii uusan ahayn mid aad qarisay, waraysiga aanu kaa qaadno ayaanu ku go’aaminnaa nooca ganaaxa. Caadiyan haddii aadan ula kac u samayn qaladka, shayga waa lagaa qaadayaa uun. Laakiin haddii aad ula kac u qarisay, waxaa ka dhalanaya ganaax lacageed ilaa xabsi.” ayuu yiri

Subscribe to or follow the Australia Explained podcast for more valuable information and tips about settling into your new life in Australia.
Fadlan kusoo biir oo la soco Australia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiyo inaad fahamto oo ku xasisho dalkaaga cusub.
Ma qabtaa su'aal, ama feker ma nagu soo biirin kartaa? Fadlan noogu soo dir Email australiaexplained@sbs.com.au




