Ubah Gabris, oo ah madaxa ururka Somali Council of New South Wales, ayaa ka warramaysa muhimmadda ay dadka Soomaaliyeed ee Australia deggan u leedahay inay si buuxda uga qayb qaataan Tiro-koobka (Census) 2026 oo dhici doona Talaadada 11 August 2026.
Habeenka Talaadada ee bishan August tahay 11, waxaa dhici doona tirokoobka dadweynaha Australia oo 5-tii sannadoodba mar la qabto. Isagoo sahlan, waxaa la tiriyaa qof kasta oo habeenkaas Australia usoo hoyda. Su’aalaha dadka la weydiiyana waxaa ka mid ah, da’dooda, waddanka ay ku dhasheen, dhaqanka ay kasoo jeedaan, sida ay u nool yihiin, shaqadooda iyo heerarkooda wax-barasho.
Su’aal kasta oo ku ka mid ah, su’aalaha tirokoobku waxay leedahay ujeeddo. Sida laga arki karo website-ka hay’adda tiro-koobkana, duuduubka ujeeddadu waa in la ogaado baahida Australia, hadda iyo aayaha dambeba.
Natiijada kasoo baxda xog-ururinta Tirokoobka waxay muhiim u tahay oo lagu saleeyaa go’aammada lagu ansixiyo hir-gelinta adeegyada dadweynaha, sida gaadiidka dadweynaha, iskuullada, daryeelka caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.
Tusaale, ahaan haddii natiijada laga ogaado, in deegaan gaar ah ay u badan yihiin bulshooyinka dalka ku cusub oo aanay Ingiriisidoodu horu-marsanayn, waxaa laga yaabaa in deegaankaas laga hir-geliyo ama loo kordhiyo adeegyo dadka ka caawiya luqadda Ingiriisida.

Waxa markaa si cad u muuqata, sida ay bulshada soo-galootida ah, oo ay Soomaalidu ka mid tahay muhiim ugu tahay, inay si buuxda isu tiriyaan, su’aalahana uga jawaabaan si daacad ah.
Macluummaad buuxa oo ku saabsan wax kasta ah, sida ujeeddada tiro-koobka, sida form-ka loo buuxiyo iyo sidii iyo meeshii laga heli karo taageero waxaa laga heli karaa bogga info.census.abs.gov.au
Waxaa haddaba olaha wacyi-gelinta bulshada Af-Soomaaliga ku hadasha ee Australia ka qayb qaadanaya ururka Somali Councill of NSW. Madaxa ururka, Ubax Gabris oo Sydney joogta ayaan ku waraystay khadka Telephone-ka.
Inta aanan bilaabin se, waxaa naga afeef ah, in macluumaadkani yahay oo keliyo wacyi gelin iyo is la-wadaagid macluumaad guud. Qofkii u baahan warka iyo xogta official-ka wuxuu ka heli karaa boggaas aan hore usoo sheegay oo cinwaankiisu yahay info.census.abs.gov.au
Dhegeyso waraysiga.





