Booliiska Australia waxay leeyihiin awoodo kala duwan oo sharcigu u oggol yahay inay isticmaalaan, sida inay su’aalo ku weydiiyaan, inay kugu amraan inaad goob ka dhaqaaqdo, ama inay ku baaraan. Halkan waxaannu kuugu sharraxaynaa xuquuqdaada aasaasiga ah iyo waajibaadka ku saaran marka aad boolis la macaamilayso.
Key Points
- Police powers may differ across states and territories.
- Not complying with a breath test is an offence.
- You may be legally required to provide identification details but choose not to answer more questions.
- Seek legal advice if you have concerns about a police interaction.
Hordhac
Awoodaha boolisku way ku kala duwan yihiin gobollada kala duwan Australia. Laakiin, waxaa jira xeerar iyo xuquuq 'sharci' oo guud ahaan, dalka oo dhan iskaga mid ah, marka aad la macaamilayso booliska.
Haddii lagugu joojiyo meel fagaare ah ama lagu istaajiyo adigoo gaari wada, inaad ogaato xuquuqdaada iyo waajibaadkaagu waxay kaa caawinaysaa inaad kala fahamto waxa ay boolisku samayn karaan iyo waxa aysan samayn karin. Waxay kaloo kuu sahlaysaa inaad ilaaliso xuquuqdaada sharci, isla markaana aad si deggan oo kalsooni leh ula fal-gasho xaaladda.
Warbixinta
Australia gudaheeda, boolisku waxay leeyihiin awoodo sharci ku qotoma oo ay ku ilaaliyaan amniga bulshada, ku baaraan dambiyada, kuna dhaqangeliyaan sharciyada waddooyinka.
Awoodahaas waxaa ka mid ah inay su'aalo ku weydiiyaan, inay ku siiyaan amar ah inaad goob ka dhaqaaqdo, ama in ay ku baaraan, laakiin waxay samayn karaan oo keliya marka sharcigu oggol yahay.
Samantha Lee oo ah qareen sare oo ka tirsan Redfern Legal Centre ee gobolka New South Wales, ayaa sheegaysa in dad badan—ha ahaadeen kuwo Australia ku dhashay ama kuwo dalka ku cusubba'e, aanay aqoon u lahayn xadka awoodaha booliska, gaar ahaan goorta ay sharci ahaan xoog isticmaali karaan.
"Waa muhiim in ay dadku ogaadaan in aanay boolisku xaq u lahayn inay xoog isticmaalaan, keliya maaddaama ay boolis yihiin. Waxay xoog u isticmaali karaan oo keliya xaalado gaar ah, haddii ay duruufuhu kellifaan ama ay noqoto lagama maarmaan." ayay tiri Samantha Lee.

Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado in sharciyadu ay ku kala duwan yihiin gobollada kala duwan ee Australia.
"Gobol kastaa wuxuu leeyahay sharciyo u gaar ah oo qeexaya awoodaha booliskooda. Sidaas darteed waa muhiim inaad ogaato sharciyada ka jira meesha aad ku nooshahay." Samantha Lea
Inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho gobollada u dhexeeyaa, haddana waxaa jira mabaadi' sharci oo si isla-mid ah uga shaqeeya dalka oo dhan marka aad booliska la macaamillayso.
"Australia gudaheeda sharcigu kuma qasbayo dadka, inay mar kasta sitaan aqoonsigooda. Laakiin waxaa jira xaalado gaar ah oo ay boolisku kugu weydiin karaan aqoonsigaaga. Marka ay ku joojiyaanse waa inay kuu sheegaan sababta ay kuu joojiyeen iyo sababta ay aqoonsigaaga u rabaan. Taladaydu waa in aad marka hore ka codsato inay shitaan kamaradda wax duubta ee ay xiran yihiin, dabadeedna aad weydiiso sababta laguu joojiyay." ayay tiri

Goorma ayay haddba boolisku ku weydiin karaan inaad tusto aqoonsigaaga?
[Maarliin]Marlene Dixon oo ah agaasimaha adeegyada sharci ee Inner Melbourne Community Legal ayaa sharxaysa xaaladaha ugu waaweyn ee ay booliisku kugu weydiin karaa aqoonsigaaga.
"Boolisku waay ku weydiin karaan aqoonsiga haddii ay rumaysan yihiin inaad dambi gashay ama aad ku dhowdahay inaad gasho. Haddii aad gaari ama doonni waddana, waa inaad tustaa laysankaaga ama rukhsaddaada. Haddii aad saaran tahay gaadiidka dadweynahana, kormeerayaasha, saraakiisha ilaalinta iyo booliskuba way ku weydiin karaan aqoonsi. Sidoo kale haddii aad joogto goob khamri lagu iibiyo ama lagu cabbon way ku weydiin karaan. Waxa kale oo ay ku weydiin karaan haddii ay rumaysan yihiin inaad hayso xog iyaga ka caawin karta baaritaanka dambi culus." ayay tiri Marlene Dixon
Midda Austarlia oo dhammi ka simmantahay waxaa weeye, inay wadayaasha gaadiidku istaagaan, haddii iyo markii ay booliisku shidaan nalalka xaaladda degdegga ah ama ay yeeriyaan dhawaqa xaaladda degdegga ah.
Marlene Dixon ayaa sharxaysa mar kale.
"Marka ay timaaddo joojinta gaadiidka iyo baaritaanka khamriga laga baaro neefta, boolisku waxay leeyihiin awoodo aad u ballaaran. Arrintani waa mid cad oo aan muran ku jirin. Waa inaad u hoggaansantaa baaritaanka. Haddii aad diiddo, waxaa lagugu soo oogi karaa dambi, ciqaabtiisuna way culus tahay."]] ayay tiri Marlene Dixon

Marar badanse, inaad aqoosigaaga dhiibto ka sokow, sharci laguuguma laha inaad ka jawaabto su’aalo intaas dhaafsiisan.
Laakiin taas macneheedu ma aha, inaad u darraato ama aad la muranto booliiska. Adigoo sharcigaaga ku taagan ayaad haddana si asluubeysan oo ixtiriaam leh ula dhaqmi kataa, su’aalo u weydiin kartaa, uguna jawaabi kartaa.
Sidaana waxaa sheegtay Klaire Coles oo ah agaasimaha adeegyada sharci ee Caxton Legal Centre oo ku taalla magaalada Brisbane .
"Marka aad booliska la macaamilayso waa inaad ula shaqeysaa si ixtiraam iyo edeb leh. Laakiin sidoo kale waa muhiim inaad ogaato xadka awoodaha ee ay booliisku leeyihiin. Waxaad xaq u leedahay inaad aamusto oo aadan sheegin ama orannin, wax kaa dhigi dhigi kara inaad adigu isku eedeeysay dambi.]] ayay tiri Klair Coles
Waa in aad u hoggaansantaa neefta laga eego khamriga. Haddii kale waxaa lagugu oogi karaa dembi.Marlene Dixon
Awood kale oo ay boolisku isticmaali karaan, waa waxa la yiraahdo 'move-on direction', oo ah amar sharci ah, oo lagu farayo qof, inuu ka tago goob gaar ah muddo cayiman, badanaa aan ka badnayn 24 saacadood.
Mar kale, gobollada Australia way ku kula duwan yihiin sababaha gaarka ah ee booliiskooda u oggolaanayaa inay muquuniyaan “Move-on direction”.
Sababaha booliisku kuu fari karaan inaad ka dhaqaado ama ka tagto goob, waxaa ka mid noqon kara, haddii ay boolisku rumaysan yihiin inaad carqaladaynayso isu socodka gaadiidka, in aad qof dhibayso ama aad abuureyso khatar amni.
Klaire Coles waxay leedahay; Xaq baad u leedahay inaad si asluubaysa u weydiiso booliiska sababta amarkaas lagu siiyay.
"Waxaad xaq u leedihiin inaad si deggan oo edeb leh u weydiisaan booliska sababta ay idiin joojiyeen, waxa ay idinka doonayaan ama sababta ay amar idiin siinayaan. Haddii la idinku yiraahdo goobtan ka taga, waa muhiim inaad fahamtaan sababta, muddada aad ka maqnaanaysaan iyo meesha la idinka doonayo inaad aaddaan intaba."]] ayay tiri Klaire Coles
Haddii dhacdadaasi ka dhacayso meel fagaare ahna, waxaa sharcigu kuu oggol yahay inaad filim ka duubto waxa dhacaya.
Xataa qof kale ayaa kuu duubi kara wada hadalkaaga iyo booliska. Booliskuna ma qaadan karaan taleefanka ama qalabka wax lagu duubayo, haddii qofka duubayaa uusan carqaladaynayn shaqadooda.
"Boolisku qofka muuqaalka duubaya kama qaadi karaan telephone-ka ama kamaradda. Dadku way duubi karaan booliska, laakiin waa inay meel ku habboon ka joogaan oo aysan shaqada booliska caqabad ku noqon."]] ayay tiri Klaire Coles
Boolisku waxay sidoo kale leeyihiin awoodo kala duwan oo ay dadka ku baari karaan goobaha dadweynaha, waxayse ku xirian tahay duruufaha markaa jira.
Inta badan'se waa inay u haystaan tuhun macquul ah oo ku salaysan xaqiiqooyin muujinaya inaad dambi gashay ama sabab kale oo sharci ah oo baaritaanka u oggolaanaysa.
"Tuhun macquul ah" marka la leeyahay, ma aha mala-awaal ama qiyaas aan sal lahayn iyo sabab sharci ah lahayn
"Tusaale ahaan, haddii eyga daroogada baaraa uu qof jooga xarun tareen , ka muujiyo calaamad, boolisku waxay awood u leeyihiin inay su'aalo weydiiyaan qofkaas. Laakiin taas keliyahi xaq uma siinayso inay baaraan. Si ay u baaraan waa inay marka hore helaan tuhun macquul ah. Tusaale ahaan, haddii ay arkaan daroogo jeebkiisa ka soo dhacday."]] ayay tiri Klaire Coles.
Ugu dambayn, booliska Australia oo dhan, gobol ay joogaanba, waxaa waajib ku ah inay ku shaqeeyaan sharciga oo ay raacaan habraacyo loo dejiyay.
Haddii aad aaminsan tahay inay ka baxeen awooddooda sharci ama ay si khaldan kuula dhaqmeen, waxaa muhiim ah inaad qorato, xafidato wixii dhacay oo aad sida ugu dhaqsaha badan ula xiriirto qareen ama xarun bixisa talo sharci.
"Haddii aad u malaynayso in boolisku sharci jebiyeen, si xun kula dhaqmeen ama hadallo cunsuriyad ah kugu yiraahdeen, waxaan kugula talinayaa inaad isla markiiba qorto wixii dhacay. Haddii aad filim ka duubtayna, xafid muuqaalkaas. Haddii aad dhaawacantayna dhaqtar u tag si dhaawaca loo diiwaangeliyo oo sawirro looga qaado. Intaas ka dibna la xiriir qareen ama xarun bixisa adeeg sharci si aad talo u hesho."ayay tiri Klaire Coles.
Ogow’se, xuquuqdaada oo aa taqaanno, kuna dhaqanto, macnaheedu ma aha inaad diiddo la shaqaynta booliska.
Waxay macneheedu tahay, inaad fahanto waxa sharcigu kaa doonayo adiga iyo waxa uu ka doonayo booliska labadaba, si haddii maalin uun lagu joojiyo, aad xaaladda ugu wajahdo degganaansho, kalsooni iyo aqoon.
Xirmadii Australia Explained ee toddobaadkanna intaas ayay ku dhantahay.
* Macluumaadkani waa mid guud, mana daboolayo dhammaan xaaladaha suurtagalka ah ama kala duwanaanshaha sharciyada gobollada Australia. Haddii aad rabto talo ku saabsan xaaladdaada gaarka ah, waxaa habboon inaad la tashato qareen ama khabiir sharci.
Fadlan kusoo biir oo la soco barnaamijka Australia Explained, si aad uga barato macluumaad kaa caawiya degitaanka iyo ku xasilka dalaakga cusub.
Ma noo haysaa wax feker ah, su’aalse ma qabtaa? Fadlan noogu soo dir Email australiaexplained@sbs.com.au





