Australia Explained: Sharicyada Sawir-qaadidda Australia

Woman taking photograph.jpg
For many people, photography is a favourite pastime. Credit: Pia Jessen

Sawir-qaade cusub, qof baraha bulshada u sameeya muuqaal, ama xirfadle kasta ha noqotee, waxaa muhiim ah inaad ogaato meelaha sharci ahaan laga oggol yahay iyo meelaha laga mamnuucay sawir-qaadista. Warbixintan waxay sharxaysaa qodobbada muhiimka ah ee ay tahay inaad tixgeliso ka hor intaadan qaadin sawirkaas ugu fiican.


Published

By Phil Tucak

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS




Share this with family and friends


Sawir-qaade cusub, qof baraha bulshada u sameeya muuqaal, ama xirfadle kasta ha noqotee, waxaa muhiim ah inaad ogaato meelaha sharci ahaan laga oggol yahay iyo meelaha laga mamnuucay sawir-qaadista. Warbixintan waxay sharxaysaa qodobbada muhiimka ah ee ay tahay inaad tixgeliso ka hor intaadan qaadin sawirkaas ugu fiican.


Key Points

  • You can take photographs of people in public areas, but you can't use the images for commercial purposes without their consent.
  • You must gain permission to photograph private property, including farm paddocks.
  • Photography of military facilities is prohibited.
  • It’s best to follow any signage or local advice regarding photography of Indigenous areas or public memorials.

Qof ma ku sawiri karaa goobaha dadweynaha?

Sawir-qaadistu waa wax ay ku raaxaystaan dadku, dad’day doonaan ha jireen, heerka aqaoontooduna intuu doonaba ha le’ekaade’e.

Barasha bulshada waxaa ka buuxa muuqaalloo dad iy goobo kala duwan oo bilcan. Isticmaalayaashuna way jecel yihiin inay barahooda geliyaan sawirro kuwaas oo kale ah.

Waxaase lagu talinayaa, inta aadan wixii kaa soo hor-baxanba sawir ku boobin, inay muhiim tahay inaad fahamto cidda iyo goobaha aad sawir ka qaadi karto.

Guud ahaan, haddii aad joogto meel dadweyne sida waddo, jardiin ama xeeb, dadka halkaas jooga, waad ka qaadi kartaa sawir.

Laakiin haddii aad doonayso inaad sawirkaas u isticmaasho ganacsi ama xayeysiis, badanaa waxaad u baahan tahay oggolaanshahooda.

Pia Jessen waa madaxa Australian Photographic Society.

“Guud ahaan Australia gudaheeda, dadka waa lagu sawiri karaa meelaha dadweynaha iyadoo aan fasax laga haysan. Taas macnaheedu waa in aanu qofka la sawirayo ee goobtaa dadweynaha joogaa aanu xaq u lahayn inuu yiraahdo lama ima sawiri karo . Laakiin haddii sawirka loo isticmaalayo ganacsi, oggolaansho ayaa loo baahan yahay. Sidoo kale sawir-qaadistu sharci darro ayay noqon kartaa haddii ay isu beddesho dhibaatayn ama lagu qaado meel qofku ka filayo asturnaan, sida musqulaha ama qolalka dharka lagu beddesho." ayay tiri Pia Jessen.

Waxaa kale oo jira arrimo kale oo sharciga la xiriira.

Garyaqaan Sharon {Givani] Givoni oo ku takhasustay sharciga farshaxanka iyo ganacsiga ayaa sheegaysa, in uu qofku dacwo kaa gudbin karo, haddii aad si dhaawac ama gef ah u soo bandhigto sawirkiisa.

Waxay kaloo sheegaysaa in goob kasta ay leedahay xeerar u gaar ah.

There are other things to be aware of too, says Sharon Givoni, a commercial and creative arts lawyer.

“If you do take a photograph of someone in a particular way that's disparaging or hurtful or otherwise, they may have a cause of action against you,” she says.

“Every single place, once we leave our doorstep, has rules. So for example, your gym might have rules, your local pool might have rules. So I guess the best advice is always check.”

Beeraha ma geli karaa si aan sawir uga qaado?

Haddii aad ku socdaalayso ama aad booqanayso miyiga oo aad rabto inaad sawir ka qaaddo beer, tusaale ahaan, waa inaadan beerta gudaha u gelin oo aad bannaanka xuduuddeeda ka qaaddo sawirka illaa uu mulkiiluh kuu oggolaado mooyee.

With social media, it becomes a colour palette, it becomes fields of gold... We can see this paddock and we can think, 'wow', that's going to be our content. But that's someone's workplace, or it might be a farmer's annual income.
Sharon Givoni
A canola field.jpg
Always seek permission before entering a paddock or field. Credit: Agustin Gunawan / Unsplash

Justin Hobson waa beeraley ku nool agagaarka mgaalada Ballarat ee gobolka Victoria.

Wuxuu sheegayaa in ay dad badani u soo galaan beeraha si ay sawirro uga qaataan ubaxa dalagga canola-ha la yiraahdo, taas oo khatar ku ah badbaadada beeraha.

"Dad badan ayaa soo gala beeraha marka canola-du ubaxa bixiyo si ay sawirro u qaataan. Taasi waxay keeni kartaa khatar caafimaad oo beeraha ka dhalata. Haddiise qof ku dhaawacmo beerta gudaheeda, yaa mas'uul noqonaya? Waxaa kale oo jira dad qashin kaga taga ama aan xirin albaabbada beerta. Beertu waxay la mid tahay guri qof leeyahay. Sida aanad oggolaasnsho la'aan ugu geli karin guri qof kale, ayaadan sidoo kale u geli karin beer qof leeyahay" ayuu yiri Justin.

Ma jiraan meelo aan la oggolayn in la sawiro?

Sidoo kale goobaha cibaadada, taallooyinka xusuusta iyo xarumaha macdanta ee gaarka loo leeyahay waxay yeelan karaan xeerar sawir-qaadista u gaar ah.

Saldhigyada difaaca qarankana sawir-qaadistoodu waaba arriin amni qaran.

"Goobaha difaaca qaranku waxay leeyihiin xeerar aad u adag. Sawir ka qaadistooda waxay mararka qaarkood abuuri kartaa arrimo amni, xitaa haddii aad bannaanka xayndaabka taagan tahay." ayay tiri

Defence comes in a very different category. Access is restricted. Photographing sensitive facilities can raise national security issues, even from outside the fence in some cases.
Sharon Givoni

And whilst places like shopping centres and botanical gardens are open to the public, permission is required for professional photography.

Drones-ka sawirro ma ku qaadi karaa?

Xeerarka muhiimka ah waxaa ka mid ah, inaan drone-ka lagu duulin wax ka sarreeya 120 mitir, iyo in ugu yaraan 30 mitir laga fogaado dadka kale, isla markaana aan loo adeegsanin si khatar gelinaysa dadka, hantida ama diyaaradaha kale.

Waxaa kale oo jira xeerar khuseeya, duulimaadyada ka ag dhow dababka kaymaha iyo xayawaanka qaarkood sida nibiriga.

Photographer in field.jpg
Keep in mind respect for people and nature when taking photos. Credit: Maureen Gilbert

Kusoo biir oo la soco barnaamijka Australia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka dalkaaga cusub.

Su'aal ma qabtaa, fekerse ma nagu soo biirinaysaa? Fadlan noogu soo dir Emial-ka australiaexplained@sbs.com.au


Latest podcast episodes

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now