Waa maxay guur khasab ah? Taageero noocee ah ayaa laga helaa Austarlia?

Bride praying in the attic

Forced marriage most often affects young women and girls, especially those aged 14 to 18. Source: Moment RF / kuroaya/Getty Images

Guurka khasabka ah, labada qof midkood ama labadaba ayaan si xor ah u oggolaannin guurka, iyadoo mararka qaarkood ay sababto, hanjebaad, cadaadis ama khiyaano, iyo haddii qofka loo guurinayo ay da'diisu ka yartahay 16 sano, amaba uu qabo xaalad maskaxeed oo saamaysa awooddiisa go'aan-qaadasho. Muddada aad joogtey Australia intay doontaba ha le'ekaate'e, waa muhiim inaad ogaato, inaad adigu xaq u leedahay inaad doorto qofka aad guursanayso. Warbixintanna, waxaannu ku iftiimin doonaa, farqiga u dhexeeya guurka la soo abaabulay (arranged marriage) iyo guurka qasabka ah (forced marriage) – iyo meesha aad ka heli karto gargaar, haddii adiga ama qof aad taqaanid ay dhibaatadaasi saamaysay.


Key Points
  • The difference between arranged marriages and forced marriages is consent.
  • Forced marriage is considered a commonwealth crime under the Crimes Legislation Amendment Act of 2013.
  • Forced marriage can impact anyone—young or old, women or men, from various cultural or religious backgrounds.
    Digniin: Warbixintani waxay ka hadlaysa guurka khasabka ah. Waxaa laga yaabaa inay dhegeystayaasha qaar ku abuurto murugo

    Dad badan ayaa laga yaabaa inay u maleeyaan in guurka khasabka ahi uu ka dhacdo oo keliya waddamada dibadda, balse xaqiiqda ayaa ah in ay sidoo kale ka dhici karto dalkan Australia – wayna ka dhacdaa. Waana arrin sharciga dalka kasoo hor-jeedda.

    Booliiska Federaalka Australia (AFP) ayaa sannadkii 2023-24, ka jawaabay 91 warbixinood oo la xiriira guurka qasabka ah, taasoo saami ahaan afar-meeloodkii meel ka ah, isku-darka dhammaan kiisaskii sannadkaa ee dadka dhoofintooda laga ganacsado  

    Maxaa u dhexeeya guur khasab ah iyo guur lasoo abaabulay?

    Dhaqammada dunida qaarkood, guurka la soo abaabulay waa iska caadi, laakiin farqiga ugu weyn ee u dhexeeya guurka la abaabulay iyo guurka qasabka ahi waa ogolaanshaha

    Guurka khasabka ah, labada qof midkood ama labadaba ayaan si xor ah u oggolaannin guurka, iyadoo mararka qaarkood ay sababto, hanjebaad, cadaadis ama khiyaano, iyo haddii qofka loo guurinayo ay da'diisu ka yartahay 16 sano, amaba uu qabo xaalad maskaxeed oo saamaysa awooddiisa go'aan-qaadasho. 

    Ms Kudzayi Nhatarikwa [Koo-dza-yee, N-ha-ta-ree-kwa], oo ah La taliye ka tirsan Barnaamijyada Taageerada Socdaalka ee Red Cross, ayaa sharxeysaa in haddii labada qof midkood ama labadoodaba la cadaadiyo, loo hanjebo, la marin-habaabiyo ama la khiyaano, si loogu khasbo guurka, aanu guurkaasi ahayn mid la ababuley (arranged marrigae) laakiin uu yahay guur khasab ah. 

    "Wuxuu noqonayaa guur khasab ah. Waa muhiim markaa in la iftiimiyo farqiyada u dhexeeya labada, waayo, aalaaba way iskaga gedsamaan dadka. Xataa dad guurka khasabka ah soo maray baa u maleeya inuu ahaa guur la abaabuley (arragned marriage" ayay tiri.
    Ms Nhatarikwa waxay intaa kusii dartay in guurka khasabka ahi uu saameyn ku yeelan karo cid kasta, ha yaraado ama ha weynaado'e, rag ama dumar kuu doono ha ahaado,e, ama ha kasoo jeedo dhaqammo iyo diimo kala duwane.

    "Australia gudaheeda, waxaa loo aqoonsaday inuu yahay nooc ka mid ah addoonsiga casriga ah ama dhaqan la mid ah addoonsiga. Kumana koobna oo keliya koox dhaqan gaar ah, diin, qowmiyad, waddaninimo, da’ ama jinsi-ye – qof kasta wuu saameyn karaa. Waa arrin saamaysa dhaqammada oo dhan" ayay tiri
    SAKINA MUHAMMAD JAN COURT
    Sakina Muhammad Jan oo soo geleysa maxakamadda County Court of Victoria, Melbourne, Isniin, July 29, 2024. Jan waxaa lagu xukumayaa inay gabadheedii si khasab ah ugu guurisay nin markii dambe dilay gabadhii.(AAP Image/Diego Fedele) Source: AAP / DIEGO FEDELE/AAPIMAGE

    Cidii samaysa guur khasab ahi maxay mudanayaan?

    Australia gudaheeda, guurka qasabka ah ma aha arrin qoys u gaar ah oo keliya — waaba dembi.

    Panos Massouris, Director of Immigration Services and Forced Marriages Program at Life without Barriers, explains that forced marriage is considered a commonwealth crime under the Crimes Legislation Amendment Act of 2013. This legislation applies to cases occurring in Australia where an individual is taken overseas.

    Panos Massouris, oo ah agaasimaha Barnaamijka Services and Forced Marriages Program, ee hay'adda Life without Barriers, ayaa sheegaya in marka laga eego xagga sharciga, guurka qasabka ahi uu yahay dambi, sida uu qabo Crimes Legislation Amendment Act, 2013. Sharcigani wuxuu khuseeyaa guurarka ka dhaca gudaha Australia, iyo sidoo kale marka qof loo dhoofiyo waddan kale oo khasab lagu guuriyo.

    "Maadaama uu yahay dambi federaal-na, Booliiska Federaalka Australia ayaa baara oo ilaaliya guurarka qasabka ah. Dembigan guurka qasabka ahna waxaa lagu dabbaqi karaa guurarka rayidka ah, guurka dhaqanka iyo diinta ku salaysan, iyo sidoo kale xiriirada diiwaangashan," ayuu yiri Massouri .

    Dadka guurka khasabka ah ku dhacaa taageero ma ka helayaah Australia?

    Qof kasta oo halis ugu jira guur khasab ah, waxaa u furan dhowr jid oo uu ka heli karo taageero.

    Ms Nhatarikwa ayaa sheegtay inay Red Cross taageeraysey dadka ku dhaca guurka khasabka ah, illaa 2014-kii.

    "Haddii uu qof ku sugan yahay khatar oo ay u baahan yahay taageero degdeg ah, waa inay isla markaaba booliiska ka wacaan Triple Zero (000). Waxay kale oo wici karaan booliiska Federalka, haddii ay halis ugu jiraan guur khasab ah ama ka walaacsan yihiin qof guur khasab ah halis ugu jira. Numberkooda ayaad ka wici kartaa ama online baad ku bixin kartaa xogta" aya tiri

    Lagasoo bilaabo Janaayo 2025, Australia waxay soo saartay barnaamij taageero oo cusub, magaciisana la yiraahdo: Forced Marriage Specialist Support Program (FMSSP). Barnaamijkan waxaa loogu talo galay on lagu caawiyo dadka lagu qasbay guur aanay raalli ka ahayn ama halis ugu jira. Qofku iskii buu isaga diiwaan gelin karaa barnaamijka, ama waxay ka wixi karaan numberka telephonekooda oo ah 1800 403 213 ama ay kala xidhiidhi karaan boggooda Internet-ka 

    Ms Nhatarikwa waxay si adag ugu talinaysaa in haddii qof ku sugan yahay khatar oo u baahan yihiin kaalmo degdeg ah, ay isla markaaba wacaan Triple Zero (000).

    Haddii aad la kulantay dagaal qoys ama aad taqaan qof ay ku dhacday, ka wac 1800RESPECT oo numberkoodu yahay 1800 737 732 amd text u dir 0458 737 732, ama booqo 1800RESPECT.org.au

    Raggu waxay wici karaan, adeegga 'No to Violene' oo numberkoodu yahay 1300 766 491

    Fadlan kusoo biir podcast-ka ama faceboogga 'SBS Somali" kalana soco Australia Explained si aad ugu hesho macluumaad kaa caawiyo degitaankaaga Australia.

    Ma noo haysaa su'aal? Fikirse ma nagu soo biirniyasaa? Email noogu soo dir: australiaexplained@sbs.com.au 

    Share
    Follow SBS Somali

    Download our apps
    SBS Audio
    SBS On Demand

    Listen to our podcasts
    Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
    Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
    Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

    Watch on SBS
    Somali News

    Somali News

    Watch in onDemand