New South Wales iyo Victoria ayay mar kale tirada keysaska COVID-19 record-kii hore jebiyeen. Ra'iisal wasaare Scott Morrison ayaa weli diiddan inuu Rapid Antigen Test-ga bilaash ka dhigo. Western Australia-na waxaa shuruud laga dhigayaa in qofku xaqiijiyo tallaalkiisa inta aanu gelin goobaha iyo dhacdooyinka qaarkood.
Share





