SKIP TO MAIN CONTENT

Australia Explained: Baaritaanka Kansarka Naasaha

Australia Explained: Breast Screening
Female gynecologist helping a patinet get in posicion for a mammogram both looking happy and smiling Credit: andresr/Getty Images

Baadhitaanka kansarka naasaha ayaa gacan ka geysta in cudurka lagu ogaado marxalad hore, ka hor inta aanay calaamaduhu muuqanin. Dadka u qalma adeeggan ayaa si bilaash ah ku heli kara baaritaanka, kaas oo qaata qiyaastii 20 daqiiqo labadii sannaba mar. Qaybtan Australia Explained waxay sharxaysaa sababta baaritaankani muhiim u yahay iyo waxa laga filan karo ballanta.


Published

By Melissa Compagnoni

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS



Skip to podcast episode content

Baadhitaanka kansarka naasaha ayaa gacan ka geysta in cudurka lagu ogaado marxalad hore, ka hor inta aanay calaamaduhu muuqanin. Dadka u qalma adeeggan ayaa si bilaash ah ku heli kara baaritaanka, kaas oo qaata qiyaastii 20 daqiiqo labadii sannaba mar. Qaybtan Australia Explained waxay sharxaysaa sababta baaritaankani muhiim u yahay iyo waxa laga filan karo ballanta.


Key Points

  • A 20-minute screening every two years could save your life.
  • Women between 50 and 74 are invited every two years to book a free breast screening appointment.
  • Breast screening is inclusive of women, trans and gender-neutral people and Aboriginal and Torres Strait Islander women from 40 years.
  • In-language support is available to women from migrant backgrounds and clinics respect modesty and privacy.

Baaritaanka naasuhu waa baaritaan caafimaad oo joogto ah, oo lagu sameeyo naasaha, si loo ogaado kansarka naasaha ama cudurro kale.

Kansarka naasuhu wuxuu dhici karaa mararka qaarkood, isaga oo aan calaamado hore samaynin. Taasina waa sababta baaritaanka joogtada ahi uu muhiimka u yahay.

Bronwyn Morley - Bronwin Morley waa madaxa sawir-qaadayaasha caafimaadka ee BreastScreen NSW, oo qayb ka ah barnaamijka qaran ee BreastScreen Australia.

[[ "BreastScreen ama mammogram-ku waa raajo la saaro naasaha, si loogu ogaado calaamadaha hore ee kansarka naasaha. Waxaa lagu ogaan karaa burooyin xataa yaraantoodu le’eg yihiin xabbad bariis ah, ka hor inta aan la dareemin ama calaamado la arkin. Marka kansarka naasaha la ogaado goor hore, qofku wuxuu haystaa fursad wanaagsan oo uu kaga bogsado, daaweyntiisuna way fududaan kartaa." ]] ayay tiri Bronwyn.

Australia Explained: Breast Screening
Doctor examining mammography scan on hospital computer Credit: FG Trade/Getty Images

Taasi waa sababta ay muhiim u tahay inaad qabsato ballan baaritaan.

Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyaduna way howl yareeyeen arrintaa. Xitaa uma baahnid warqad uu kuu qoro GP-gaagu.

Haddii aad ka mid tahay dadka lagu taliyey inay maraan baaritaankan, waxaa laga yaabaa in BreastScreen ay boostada kuugu soo diraan, casuumad ah inaad ballan qabsato, ama adigaaba iskaa u qabsan kara ballanta baaritaanka.

BreastScreen NSW waxay ka shaqeeyaan in ka badan 250 goobood oo ku yaalla NSW.

[[ "Baaritaanku gebi ahaanba waa bilaash. NSW gudaheeda, dumarka da’doodu u dhexayso 50 ilaa 74 jir waxaa lagu dhiirrigeliyaa inay is-baaraan labadii sannadoodba mar. Haweenka Aboriginal iyo Torres Strait Islander-na waxaa lagula talinayaa inay baaritaanka ka bilaabaan 40-jir. Dadka ka weyn 75 jirna waxaa lagu talinayaa inay GP-gooda kala tashadaan in baaritaanka joogtada ahi ku habboon yahay baahidooda caafimaad." ]] ayay tiri Bronwyn.

BreastScreen waxay kale oo leedahay xarumo baaritaan oo loogu talagalay dadka trans-ka la yiraahdo, dadka leh aqoonsiyo jinsi oo kala duwan ama kuwa isticmaala hormoonnada la xiriira aqoonsigooda jinsi, waana muhiim inay ogaadaan inay ka mid yihiin dadka looga baahan yahay baaritaankan iyo in kale.

Felicia Belagia ((fe-LEE-sha be-LA-gi-a)), oo ka tirsan Multicultural Centre for Women’s Health (MCWH) oo ku taalla Melbourne, waxay ka mid tahay dadka bulshada afaf kala duwan ku bara caafimaadka , waxayna haweenka ka caawisa inay fahmaan, waxa ay filaan karaan marka ay aadayaan BreastScreen – waa baaritaanka naasahe’e.

Waxay sheegaysaa in marka qofku xarunta yimaado, uu buuxin doono form, in ta aan loo gudbin raajistaha.

[[ "Raajistuhu wuxuu kaa codsan doonaa inaad iska bixiso dharka qaybta sare ee jirka oo ay ku jiraan rajabeetada iyo shay kasta oo qaarka sare daboolaya. Haddii aad rabto-na, waxaad lagu siin karaa gown aad xirato. Inta baaritaanku socdo, raajistaha waad waydiin kartaa su’aalo, haddii aad dareento xanuun ama culaysna waad codsan kartaa in la joojiyo baaritaanka. Naaska si kooban ayaa loo cadaadiyaa, si sawir wacan loo helo. Woxoogaa wuu ku dhibi karaa, laakiin ma aha inaad xanuun dareento." ]] ayay tiri

Marka la eego ka qaybgalka baaritaanka kansarka naasaha, haweenka iyo dadka kale ee ka soo jeeda bulshooyinka dhaqammada kala duwani, way ka baaritaan yar yihiin dadka kale .

Hay’adda BreastScreen Victoria waxay sheegtay in intii u dhexeysay 2022 iyo 2024, tirada haweenka ka soo jeeda bulshooyinka dhaqammada kala duwan lehi, ee maray baaritaanku, ay boqolkiiba 13 ka hoosaysay celceliska guud ee Victoria.

Felicia Belagia ((fe-LEE-sha be-LA-gi-a)), ayaa sheegaysa, in ay arrimo badan sabab u yihiin heerkaas hoose. Khibrado hore oo ay dadka qaarkood kala kulmeen adeegyada caafimaadka, ha noqoto waddamadii ay ka yimaadeen ama Australia gudaheedaba'e, ayaa qayb ka noqon kara sababahaasi.

[[ "Sabab kale-na waxay tahay in fahamka nidaamka caafimaadka Australia uu mararka qaarkood adkaan karo, isla markaana aanu mar walba si buuxda uga jawaabin baahiyaha haweenka ka soo jeeda bulshooyinka dhaqammada kala duwan leh. Taasi waxay caqabad ku noqon kartaa helitaanka adeegyada caafimaadka. Waana halka ay hay’ado, sida Multicultural Centre for Women’s Health, ka kaalmeeyaan bulshada.." ]] ayay tiri Felicia.

Australia Explained: Breast Screening
A mature African-American woman in her 40s wearing a hospital gown, getting her annual mammogram. She is being helped by a technologist, a blond woman wearing scrubs. Credit: kali9/Getty Images

Maadaama dadka MCWH ka shaqeeyaa, ay inta badan haweenka ay taageeraan kula hadlaan luqadahooda, dhaqanka iyo waayo-aragnimada noloshan la wadaagaan, waxaa u sahlanaata inay fariimaha caafimaadka u gudbiyaan, si la fahmi karo oo bulshada ku habboon.

Felicia Belagia ayaa sheegtay inay la kulantay haween badan oo ka walaacsan ama ka cabsanaya baaritaanka kansarka naasaha.

[[ "Dumar badan oo soo-galooti ah iyo kuwo qaxooti ah ayaa ii sheegay inay ka xishoodaan in naasahooda la baaro. Qaar kalena waxay ka baqaan xanuunka, ama in cudur halis ah laga helo. Fariinta aan jeclaan lahaa inaan gudbiyo waa in ay jiraan siyaabo badan oo lagu fududayn karo baaritaankan, laguna howl yareyn karo." ]] ayay tiri Felicia.

Bronwyn {Bronwin Morley ayaa iyaduna sheegaysa in BreastScreen NSW ay ku dadaasho, sidii ay dad badan ugu dareemi lahaayeen kalsooni, marka ay yimaadaan baaritaanka.

Ujeeddaduna waa in la kordhiyo tirada haweenka ka soo jeeda bulshooyinka dhaqammada kala duwan leh, ee ka qaybqaata baaritaanka kansarka naasaha.

[[ "Waxaanu arrintan ku dhiirrigelinnaa bulshada, annaga oo adeegsanayna wacyigelin iyo ololeyaal gaar ah, sidoo kalena bixinayna macluumaad ku qoran afaf kala duwan, kuwaas oo laga heli karo internetka iyo qoraallo daabacanba. Waxaan la shaqaynaa ururrada bulshooyinka dhaqammada kala duwan leh, si aan ugu dhiirrigelinno inay dadku maraan baaritaannada kansarka. Waxa kale oo aanu qabanqaabinnaa ballamo-kooxeed, si haweenku isu-soo wehel yeelaan, isuna taageeraan. Sidoo kale waxaan bixinnaa turjubaano caafimaad oo aqoon leh, oo haweenka ka caawiya qabsashada ballamaha iyo ka qaybgalka baaritaanka, si ay si fiican ugu fahmaan macluumaadka la siinayo uguna helaan fursad ay ku waydiiyaan wixii su’aalo ah ee ay qabaan." ]] ayay tiri Browwyn.

Felicia Belagia waxay leedahay, waa in aanay cabsidu qofna ka hor istaagin inuu qabsado ballan baaritaan.

Waxay sheegtay inay jiraan adeegyo iyo macluumaad loo diyaariyey si loo tixgeliyo dhaqamada kala duwan, loogana caawiyo haweenka, inay si kalsooni leh u maraan baaritaankan.

[[ "Haweenku waxay ka qayb geli karaan kulammo caafimaad oo lacag la’aan ah oo ay qabato Multicultural Centre for Women’s Health. Kulammadaasi waxay ka helayaan macluumaad ku saabsan baaritaanka kansarka naasaha, waxayna xogta ku heli karaan afkooda. Taasi waxay ka caawinaysaa inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan baaritaanka. Waxa kale oo haweenku ka hadli karaan arrimaha ay ka welwelsan yihiin, sida asturnaanta, xishoodka ama baahida turjumaanka, ka hor inta aanay imaan ballanta." ]] ayay tiri

Australia Explained: Breast Screening
attractive young brunette ponytail female asian doctor wear white coat with pink ribbon explaining breast self examination to woman at clinic Credit: PonyWang/Getty Images

Angela Laino [((La-EE-no))], oo martay baaritaannadan, ayaa sheegaysa inay fahamsan tahay sababta ay dad badan uga walwalaan, gaar ahaan markooda ugu horreysa.

Waxayse sheegaysaa in shaqaalaha BreastScreen ay dadka dareensiiyaan deggenaansho iyo kalsooni.

[[ "Muddada ballantu waa mid gaaban oo badanaaba ku dhammaata labaatan daqiiqo gudahood. Laakiin raajisada qudheedu waxay qaadataaa dhowr daqiiqo oo keliya. Intaa waxaa dheer, sawir-qaadayaasha caafimaadku dhammaantood waa dumar, waana dad fahamsan welwelka laga yaabo inaad dareemayso. Tallaabo kasta way kuu sharxayaan, waxayna ku dadaalaan inay baaritaanku kuu noqdo mid fudud oo aad ku qanacsantahay." ]] ayay tiri

Meel kasta oo Australia ah waxaad ka wici kartaa 13 20 50 si lagugu xiro BreastScreen-ka gobolka aad deggan tahay.

Waxa kale oo aad internetka ka raadin kartaa BreastScreen si aad u qabsato ballan.

Haddii aad u baahan tahay taageero luqadeedna, waxaad wici kartaa adeegyada turjubaanka ee TIS National oo numberkoodu yahay 13 14 50. Adeeggaasi wuxuu shaqeeyaa 24 saac maalintii, toddobada maalmood ee usbuucaba.

Waxaad sidoo kale soo kaxaysan kartaa qof ku taageera ama kaa caawiya luqadda.

Angela Laino ayaa xusuusinaysa haweenka, in ujeeddada baaritaankani tahay, in la ogaado isbeddellada laga yaabo inay tilmaamayaan kansar, ka hor inta aan la arki karin ama la dareemi karin.

Sidaa darteed, waa muhiim in baaritaankani noqdo qayb joogto ah oo ka mid ah daryeelka caafimaadkaaga.

[[ "Si kansarka goor hore loo ogaado, waxa ugu muhiimsan waa in baaritaanka la maro labadii sannadoodba mar.." ]] aya tiri

Haddii da’daadu u dhexeyso 50 ilaa 74 jir, baaritaanka kansarka naasaha ee labadii sannadoodba mar la sameeyaa, waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee kansarka naasaha lagu ogaan karo goor hore, laguna heli karo daaweyn waqtigeeda ku habboon.

Xusuusnow in BreastScreen loogu talagalay dadka aan qabin calaamado muujinaya kansarka naasaha.

Haddii aad naaska ka dareento buro, dareere ka soo baxaya ibta naaska, xanuun aan joogsanayn ama isbeddel kale oo aan caadi ahayn, ha sugin ballantaada baaritaanka naasah’e, La xiriir GP-gaaga.

BreastScreen-ka gobolka aadku nooshahay ka wac 13 20 50 si aad u hubiso inaad baaritaanka ku heli karto lacag la’aan.

To detect it early, it's most important to go every two years. So there are two breasts—every two years. That's how you should remember it.
Angela Laino

Qaybtii Australia Explained ee toddobaadkanina intaasay ku egtahay.

Fadlan la soco oo kusoo biir Australia Explained si aad uga hesho macluumaada kaa caawiya

degitaanka iyo ku xasilakagaa dalkaaga cusub.

Ma qabtaa wax su'aal ah, mase noo haysaa wax feker ah? Fadlan noogu soo dir Email-ka australiexplained@sbs.coma.au


Latest podcast episodes

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now