((Intro))
Amnesty International ayaa oogu yeedhay dawlada Australia iyo dalalka ka tirsan isbahaysiga uu Maraykanku hogaamiyo ee ladgaalanka IS ka ee Syria ka hawlgala , in ay tafaasiil dheeraada ka bixiyaan kaalintii dal walba uu ku lahaa dhibaatooyinkii soo gaadhay shacabka Syria , si gaara weerarkii loo gaystay magaalada Raqqa ee IS ku ay ka talinayeen, oo qabashadeedii dad rayida oo badani ay ku dhinteen , kuwa kale oo badana ay ku dhaawacmeen.
Hay'adan xuquuqda aadamaha ayaa waxa ay cadaysay in ay jirto waxyaaba baal marsan qorshayaashii dalakani ay ku baaqeen, oo ahayd in aad looga fogaanayo waxyeelada rayidka, taasoo ay soo baxday in ay si xad dhaafa ugu dhinteen dadka rayidka ahi dagaalada ay ka mid ahaayeen kii magaalada Raqqa lagu qabtay.
Dalalkan oo mararka qaar kaalima kala duwan ka ciyaaray weerarada lagu wax yeeleeyay rayidka , ayaa ha'adu ay u ololaynaysaa in wadan walba masuuliydiisii uu qaato, ayna xanbaaraan dhibaatooyinka ay gaysteen.
Hay'ada ayaa sheegtay , in iyada oo ay kasoo wareegtay muda dheer dagaalada qaar ee lagu dhibaateeyay dadka rayidka ah, balse ay la il xunyihiin dadkii ku waxyeeloobay ilaa iyo haatan, iyagoon wali kasoo kabsanin, ayna weheliso dalalkii dhibaatadaas gaystay in ayna si ku haboon ooga qaybqaadanin xal u helida musiibooyinka ay sababta u ahaayeen.
faalo dheeraada, dhagayso qaybta codka.