Key Points
- Dadaallada sharciyeed ee lagu ilaalinayo hiddaha iyo aqoonta gaarka ah ee dadka loogu yimid Australia ayaa weli si habsaami ah u socda.
- Waa muhiim inaa su’aalaha saxda ah weydiiso kuwa iibiya farshaxanka iyo alaabta dadka Aboriginal iyo Torrest Strait Islander.
- Iibsashada farshaxanka rasmiga ah ee dadka First Nations waxay faa'iido wadaag ah u tahay sameeyaha, bulshada uu ka dhashay, iyo qofka iibsanaya intaba
Dharka iyo walxaha kale ee sameeyaan dadka dhulka loogu yimid, mid kasta oo ka mid, shayga qudhhisa ha ahaado ama muuqaallada ku xardhan ha ahaade’e, waxaa ku dhex duugan qiso, sheeko, dhaqan iyo sooyaal kumannaan sannadood soo jirey. Dadka dhulka loogu yimidna, gaar ahaan kuwa hal-abuura ama farshaxameeya, waxay walxahooda iyo farshaxankoodu ugu fadhiyaan qiimo aan la qiyaasi karin. Uma aha oo keliya shay la iska xirto ama walax gidaarka la surto.
Haddaba ma ogtahay in saddex ka mid afartii shay oo gudaha Australia lagu iibiyo, ee u eg kuwa dadka dhulka loogu yimid ay sameeyaan, la ogaadey in ay yihiin been-abuur?
Dadka dhowaan-yimid dalka iyo dalxiisayaasha intooda badani, ma oga dhibaatada ay u geysanayaan farshaxannada iyo bulshooyinka dhulka loogu yimid, marka ay iibsadaan dhar, muuqaallo ama farshaxan lagu been-abuurtay dadka Aboringinalka iyo kuwa Torres Strait Islander-ka.
Warbixintanna waxaad ka ogaan aysaa, sida si sax ah Australia looga iibsado dharka, sawirrada, walaxaha kale iwm, ee ays sameeyaan dadka dhulka loogu yimid.

Ereyga ICIP (Indigenous Cultural and Intellectual Property) wuxuu qeexayaa xuquuqda ay dadka hiddaha u leh u leeyihiin dhaxalkooda iyo dhaqankooda.
Haddaba, maxay tahay inay ogaadaan dadka raba inay iibsadaan farshaxankaas? Waxaan weydiinnay Stephanie Parkin, oo ah qareen ku takhasustay xuquuqda aqoonta, kana soo jeeda dadka Quandamooka.
"Magaca kale ee ay ICIP leedahay waa dhaxalka dhaqanka. Waxaana ku lifaaqan waxyaabo badan oo kala duwan sida aqoonta hidaha, sheekooyinka, heesaha, iyo luqadaha ay awoowyaasheen abuureen kumanaanka sano. ICIP ma aha oo kaliya sawirka aad gidaarka sudho; waxaa ku jira wax kasta oo aadan indhaha ku arki karin—nuxurka uu farshaxanku ku saleeyey, iyo waxyaabihii ku dhaliyay farshaxankaas inuu sheekadaas qaabkaas u sheego."]] ayay tiri
Dawladda Australia ayaa ballan qaadday inay soo saarto sharciyo gaar ah oo lagu difaacayo hiddaha dadka First Nations-ka, gaar ahaan si wax looga qabto "farshaxanka beenta ah iyo alaabada lagu farsameeyo meelaha ka baxsan bulshadaas."
Stephanie Parkin waa guddoomiyaha Indigenous Art Code, oo ah urur qaran oo la aasaasay sanadkii 2007-dii si loo ilaaliyo fannaaniinta, naqshadeeyayaasha iyo xuquuqdoodaba. Waxay sheegtay inay jiraan dhowr waddo oo loo iibsan karo farshaxan asal ah, sida in si toos ah looga iibsado sameeyaha qudhiisa, bandhigyada farshaxanka, ama in ka badan 100 xarumood oo farshaxan oo ku yaalla dalka oo dhan.
Sidee baad farshaxanka Aboriginal iyo Torres Strait Islander ugu iibsataa si ku habboon?
Saretta Fielding waa farshaxan iyo ganacsade ka soo jeeda qowmiyadda Wonaruah, {Wannaruuwa] waxayna xubin ka tahay guddiga agaasinka ee Indigenous Art Code. Waxay leedahay iibsashada farshaxanka First Nations-ka waa iibsi ku dhisnaan caddaalad iyo barasho dhaqan." waxayna ku soo koobtay saddex tallaabo oo muhiim ah:
"Waa in dadku bartaan sida loo weydiiyo su'aalaha saxda ah, inay maraan marinada saxda ah, iyo inay iska hubiyaan sax-ahaanta farshaxanka."]] ayay tiri

Maxaan weydiiyaa dadka iibiya farshaxanka dadka Indigenous-ka ah?
Haddii aad iibsanayso muuqaal naqshadaysan oo ah mid asal ah, ama mid, kii asalka ahaa si ruqsad loogu haysto, looga farsameeyeyba, waxaa kuu muhiim ah inaad hubiso qofka sameeyay iyo qaabka loo soo iibiyay.
"Inaad xog haysato oo aad diyaar u tahay inaad su'aalo weydiiso waa tallaabada koowaad. Waxaad ka heli kartaa mareegta Indigenous Art Code’s website. su'aalaha aad weydiin karto: 'Yuu yahay sameeyuhu? Xagee buu ka soo jeedaa? Waa maxay qisada ku duugani? Ma la siiyay sameeyaha lacag caddaalad ah?'"] aya tiri
Kusoo biir oo la soco Australia Explained podcast si aad uga hesho macluumaad kaa caawiyo degitaanka dalkaaga cusub.
Ma qabtaa wax su'aal ah? Mase noo haysaa talo iyo tusaale? fadlan nooguu soo dir australiaexplained@sbs.com.au







