Australia ugu codaysay 'Maya' aftidii Codka baarlamaanka dadka Indigenous-ka

Hindisaha Codka baarlamaanka oo laga adkaaday kadib aftidii ugu horaysay oo Australia lagu qabto mudo 25 sano ah.

MicrosoftTeams-image (1).png
Key Points
  • The Indigenous Voice to Parliament referendum has resulted in a resounding 'No' vote.
  • Six states and the Northern territory recorded a 'No' vote, while the ACT voted 'Yes'.
  • Prime Minister Anthony Albanese urged Australians to come together.
Shacabka Australia ayaa diiday hindise la doonayay in Cod dadka Indijoosku baarlamaanku ku leeyihiin dastuurka lagu daro.

Dhamaan 6 gobol ee dalka ayaa Maya u codeeyay iyo waliba Norther Territory aftidan taariiqiga ah ee Sabtii la qabtay.

Codadka Maya ayaa sidoo kale hogaaminaya tirada guud mararka codadka la isku daro.

ACT ayaa ah maamulka kaliya ee Haa ku codeeyay.

Ra'iisaul Wasaare Anthony Albanese oo ka xun natiijada ayaa ku adkaysanaya in natiijadan aysan ahayn mid "nakala qaybinaysa."

"Anaga ayay hadda na jirtaa inaan isu nimaadno oo aan helno wado kale oo anagoo heshiis ah aan ku gaarno yoolka."
PM Anthony Albanese .jpg
Australian Prime Minister Anthony Albanese delivers a statement on the outcome of the Voice Referendum at Parliament House.
Hogaamiyaha Mucaaradka Pater Dutton ayaa ku baaqay dalku inuu midoobo, isagoo ku tilmaamay aftida howl Australia "aysan u baahnayn in loo qabto."

"Waxay ahayd in hindisaha iyo nidaamka loo marayo ay noqdaan kuwo shacabka Australia lagu mideeyo ee aan lagu kala qaybin," ayuu yiri.

Qaar ka mid ah bulshada Indigenous-ka Australia ayaa qaadanaya "todobaad aamusnaan ah" kadib natiijada aftida, halka qaar kale ay isha ku hayaan waxa xiga ee dhicidoona.

Wasiirada dadka Indigenous-ka Australia oo doodaysay Haa Linda Burney ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in jiila cusub oo hogaamiyayaal Indigenous ah ay ka soo bixi doonaan aftidan.


Warren Mundine oo ah nin ka soo jeeda bulshada Nyunggai aad na ugu ololaynayay Maya ayaa sheegay in natiijadu muujinayso in shacabka Australia "doonayaan in wax la qabto" marka laga hadlayo arimaha ay bulshada Indegenus-ku wajahayaan.

"Dadku waa inaysan indhaha ka qarsan, rabshada, tacadiyada, hab dhaqanka burburka keenaya ee ka jirta bulshooyinka Indegenous-ka," ayuu yiri.

Stay informed on the 2023 Indigenous Voice to Parliament referendum from across the SBS Network, including First Nations perspectives through NITV.

to access articles, videos and podcasts in over 60 languages, or stream the latest news and analysis, docos and entertainment for free, at the Voice Referendum hub on SBS On Demand.

Share

Published

Updated

Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand