COVID-19 update: NSW oo ciidanka xoogga howl galisay, Queensland oo balaarisay xanibaadihii

Australian Defence Force personnel and NSW police are seen being deployed from Fairfield Police Station in Sydney, Monday, August 2, 2021.

Australian Defence Force personnel and NSW police are seen being deployed from Fairfield Police Station in Sydney, Monday, August 2, 2021. Source: AAP Image/Mick Tsikas

  • NSW waxaa wali ka jira dad badan oo iyagoo COVID-19 qaba bulshada ku dhex jira.
  • Inta badan kaysaska cusub ee Queensland laga helay waa caruur.
  • Victoria waxaa laga diiwaan galiyay labo kays oo cusub.
  • South Australiana waxay qafiifinaysaa xanibaadaha COVID-19.

New South Wales
NSW ayaa diiwaan galisay 207 kays oo gobolka gudihiisa lagu kala qaaday, iyadoo ugu 50 ka mid ah ay iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jireen. Nin 90 meeyo jir ah oo hal mar qaatay talaalka AztraZeneca ayaa ku dhintay cisbitaalka Liverpool.

Ku dhawaad 300 oo askari oo ka tirsa ciidanka xooga ayaa ka caawinaya booliska NSW inay cunto qaybiyaan, dadka baahiyaha qaba guryohooda ku booqdaan sidoo kalana ay hubiyaan in dadka karantiilan ay guryohooda joogaan. Howlahan ayay ciidanku ka wadaan 8 gole deegaan. Ciidanka xoogu ma hubaysna.

Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa ku boorisay dadku inay is-talaalaan. Halka ka fiirso liiska xarumaha talaalka.

Queensland
Queensland ayaa laga diiwaan galiyay 13 kays oo COVID-19 oo bulshada dhexdheeda lagaha la isku qaadsiiyay oo intooda badan yihiin caruur 10 sano da'doodu ka yar tahay. Dhamaan kaysaskan ayaa lala xariirinayaa dad hore looga helay xanuunka. Tirada guud ee dadka qaba gobolka ayaa hadda gaaray 31 qof.

Xanibaadaha oo hadda soconaya ilaa Axadda 8 bishan Agoosto, ayaa saaran Brisbane, Gold Coast, Ipswich, Lockyer Valley, Logan, Moreton Bay, Noosa, Redland, Scenic Rim, Somerset iyo Sunshine Coast.

24kii saacadood ugu dambeeyey Australia
  • Victoria waxaa laga diiwaan galiyay labo kays oo gobolka dhexdhiisa lagu kala qaaday oo lala xariirinayo kaysas la ogaa oo karantiil ku jiray inta ay xanuunka qabeen.
  • South Australiana dadka waxaa wali ku qasab ah inay afdaboolka xirnaadaan iyadoo dib loo bilaabayo tartamada cayaaraha balse sharuudo dhanka tirada daawadayaasha ay jiraan.

Karantiil, socdaalka, goobaha baadhidda, iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Howlaha karantiilada iyo baaritaanka coronavirus waxaa maareeya oo fuliya dawladaha gobolada.


Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad dalban kartaa oggolaansho. Halkan riix si aad macluumaad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofidda Australia. Waxaa jira xogo iyo shuruudo ku-meel-gaadh ah oo ku xidhan duullimaadyada caalamiga ah oo si is-dabo-joog ah dowladdu hadba dib ugu qiimayso, xogtaasoo laga helo website-ka Smart Traveller




 War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood sbs.com.au/coronavirus



Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:

Goobaha tallaalka ee gobol walba:


NSW 
ACT 

Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:

NSW 
ACT 

Share

Published

Presented by SBS/ALC Content
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand