Rural landscape, Western Australia, Australia
Rural landscape, Western Australia, Australia

Heesta Qaranka Australia iyo ballan-qaadka waddaninimada oo ku qoran luqaddaada

Heesta qaranka Australia iyo ballan-qaadka waddaninnimada waxaannu ku turjunney luqado badan oo lagaga hadlo Australia.

Published

Source: SBS

SBS waxay aqoonsan tahay dadka Aboriginal iyo Torres Strait Islander ee ku nool guud ahaan Australia inay yihiin Mulkiilayaasha dhaqan-ahaan u leh dhulka, iyo xidhiidhkooda sii socda ee ay la leeyihiin dhulka, biyaha, iyo bulshada.

Ereyada Advance Australia Fair waxaa sannadkii 1878-kii, qoray macallin/abwaan reer Australia ah oo la oran jiray Peter Dodds McCormick. Heestan waxaa 19-kii April,1984-kii loo aqoonsaday inay noqoto heesta qaranka ee Australia.

Sanadkii 2021-kii, ereyadii sadarka labaad ee heesta ayaa laga beddeley ‘young and free’ loona beddelay ‘one and free’ si loo muujiyo wada-joogidda iyo wada-lahaanta Australia.

Heesta Qaranka waxaa laga ciyaaraa xafladaha, tartamada ciyaaraha, iyo munaasabadaha kale ee bulshada.

Australian National Anthem lyrics (Somali)

Australinaayow aan dhammaanteen farxad ku dabbaaldegno

Maadaama aan midaysanahay oo xor nahay

Waxaan leenahay ciid dahabi ah oo qani ah

Dalkeena waxaa ku wareegsan bad

Dhulkeena waxaa ka buuxa hadiyado dabiici ah

Qurux iyo qaninimo naadir ah

Bog taariiqeed oo cidwalba- ku qoran tahay

Si caddaalad ah aan u horumarino Australia

Farxad aan ka dib ku heesno

Si caddaalad ah aan u horumarino Australia

Iftiinka xidigaha isku talaabta hoostooda

Gacmaha aan isqabsano oo wada shaqayno

Si aan uga dhigno dalkeena

Mid caan ka ah adduunka oo dhan

Kuwiina badaha kasoo gudbey

Waxaan leenahay dhul balaaran oo aan wadaagno

Si geesinimo leh aan dhammaan u midowno

Oo aan si caddaalad ah u horumarino Australia

Farxad aan ka dib ku heesno

Oo aan si caddaalad ah u horumarino Australia

Australians Celebrate Australia Day As Debate Continues Over Changing The Date
- Credit: Don Arnold/Getty Images

Australian Citizenship Pledge - Ballan-qaadka Waddaninnimada Australia

Tan iyo markii la bilaabay Australian citizenship sannadkii, 1949, in ka badan lix milyan oo qof ayaa si rasmi ah u noqday muwaadiniin Australian ah.

Xafladaha lagu noqdo muwaaddin waxaa qabanqaabiya dowladaha deegaanka, waxaana ka mid ah xuska Australian Citizenship Day oo la xuso 17-ka Sebtembar.

Heesta Qaranka Australia waxaa laga cayaaraa xafladda qaadashada muwaaddaninimada, dadka muwaaddinka noqonayaana waxay ballan qaadaan inay aqbalayaan mas’uuliydooda waddaninimo.

Waxaa jira labo nooc oo ballan-qaad ah, oo mid ka mid ah uu ku jiro magaca Ilaahay (God)

Q Ballanqaadka Nooca 1aad (Pledge version 1)

Laga bilaabo waqtigan, anigoo Ilaahay kaashanaya,

waxaan ballanqaadayaa daacadnimadayda Australia iyo dadkeeda,

oo aan la wadaago aaminsanaanta dimoqraadiyaddooda,

oo aan ixtiraamo xuquuqdooda iyo xorriyadahooddooda,

oo aan ilaalin doono kana dambayn doono shuruucdooda

Q Ballanqaadka Nooca 2aad (Pledge version 2)

Laga bilaabo waqtigan,

waxaan u ballanqaadayaa daacadnimadayda Australia iyo dadkeeda,

oo aan la wadaago aaminsanaanta dimoqraadiyaddooda,

oo aan ixtiraamo xuquuqdooda iyo xorriyadahooddooda,

oo aan ilaalin doono kana dambayn doono shuruucdooda.

Heesta Qaranka Australia iyo ballan-qaadka waddaninimada ku akhriso/dhegeyso luqaddaada


Share

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now