25 April sanad walba, Australia waxaa laga xusaa Anzac day. Waxaa markii ugu horaysay lagu xusay askartii Australia iyo New Zealand ee ka soo dagaalamay Gallipoli 1915 intii uu socday dagaalkii koowaad ee aduunka.
Haddase, waxaa lagu xusaa dhamaan askartii Australianka ee dagaaladda ka soo qayb qaatay iyo kuwii ku dhintay.

Attend your local Dawn Service
Maalinta Anzac Day, xaflado ayaa subaxa hore lagu qabtaa dalka oo dhan. Waxay xafladahaas bilowdaan 4:30 subaxnimo oo ku aaddan markii askarta Australia ay ka degtay Gallipoli. Waqtiga ay bilaabato way ku kala duwanaan karaan magaalooyinka dalka Australia.
Waa xaflad lagu xuso oo lagu xasuusto dadkii dhibku ka soo gaaray dagaaladii iyo kuwii ku dhintay.
Waxaa inta badan xafladaha dabasocda 'Gunfire Breakfasta' qoraac lagu qabto kalaabayada RSL (Returned and Services League).
Magaca Gunfire waxaa loogu bixiyay maadaama ay askartu qoraacda cuni jireen subixii ka hor dagaalka.

Your local Anzac Day March
Isla subixiina, askartii soo dagaalantay ayaa socod ku wadooyin dalka oo dhan.

Xagee looga qaybgalaa?
Gobol walba caasimadiisa ayaa waxaa lagu qabtaa xaflad subaxa hore iyo socod. Canberra xuska waxaa lagu qabtaa Australian War Memorial. Sydney waxaa lagu qabtaa , The Cenotaph in Martin's Place, Melbourne, waxaa lagu qabtaa Shrine of Remembrance.
Xafladaha, quraacda iyo socodka waxaa isku soo dubarida RSL Australia.
Askartii soo dagaalantay iyo qoysaskooda ayaa inta badan maalinta oo dhan jooga RSL-ka xaafadooda.

Astaamaha Anzac Day
Waxaa jira dhowr astaamood oo lala xariiriyo Azac Day sida inay dadku xirtaan calaamo yar yar oo ka baxa Gallipoli oo askartii dib u soo noqday abuurkiisii Australia ku soo celiyeen.
Waxay sidoo kale xirtaan ubax guduudan oo aad uga baxay goobihii dagaalka kadib dagaalkii labaad. Wuxuuna ubaxaas astaan u noqday xuska askartii Australia ee dagaalka ku dhintay.
Ode of Remembrance waa gabay caadiyaan lagu gabyo xafladaha Anzac Day oo lagu xuso dadkii naftooda u huray dagaalka. Iyadoo kaa is a poem that is commonly recited at Anzac Day services to commemorate wartime sacrifice.
Buskudka Anzac waa astaan kale oo xusku leeyahay.

Anzac biscuits
Anzac biscuit waa buskud macaan oo aad looga isticmaalo Australia iyo New Zealand.
Waxaa la aaminsan yahay in buskudkaas ay xaasaskii askatu ay u direen askartii dibadda jirtay sababtoo ah waxa laga sameeyay buskudku ma aha wax dhaca ama waqti dhow ku halaaba inta safarka uu ku sii socdo.
READ MORE

How to bake Anzac biscuits at home

Learn more about Anzac Day
The Australian War Memorial website waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan Anzac Day iyo taariiqda milatariga Australia. Waxaad kaloo booqan kartaa Canberra.


