Sagaal dab ayaa lagu tilmaamay heerka xaalad degdeg ah gabi ahaanba gobolka NSW iyadoo 9 kale oo gubanayaa yihiin heerka isha in lagu hayo.
9 ka dab ayaa 3 ka mid ag isqabsadeen markaasna abuuray dab aad u xoogan oo dhulka uu ka holcayo ka waynyahay inta Sydney ku fadhido.

Koofur galbeed Sydneyna shaqaalaha dabdamiska iyo dadka deegaanka oo caawimaadka ka helay diyaarado ayaa la dagaalamayay dab kusoo dhawaaday guryaha.
Rae Johnson oo ka tirsan NITV ayaa twitterka soo dhigtay sawir holaca oo 100m usoo jirsaday gurigeeda oo ku yaal Werombi, NSW.
Qiiqa dul hoganaya Sydney ayaa u muuqda mid aan tagayn
Sawiro lagu qaaday Radar ay sii daysay hay'ada saadaasha hawada ayaa muujinya wax u muuqda daruuro roob hase yeeshee muuqaalka ayaa ah qiiq u daul maraya gobolka.

Qiiqa ayaan la filayn inuu qaado intii waqti ah, haddii aysan dabaylo dhanka bari ka yimaada aysan imaan sida lagasoo xigtay dabdamiska NSW.
Tirada dadka ka cabanaya neefta oo dhagaysa oo tagay cisbitaalada ayaa 25% korotay sida lagasoo xigtay saraakiisha caafimaadka NSW.
Dadka xanuunka neefta qaba ayaa lagu booriyay inay guryaha ku jiraan ayna haystaan daawooyinka neefta loo qaato markasta.
Shaqaale dabdamis oo aduunka oo dhan kakala yimid ayaa ka qaybqaadanaya.
21 shaqaale dabdamis ayaa ka yimid Canada oo Australia soo gaaray, waxaana warbixin laga siinayaa xaalada dabka ka hor inta aan laga howlgalin woqqoyiga gobolka barito.
Shaqaale dabdamis oo ka yimid maraykankan ayaa sidoo kale la howlglinayaa dhamaadka asbuucan.
