Dalkan Australia waxaa laga qabtaa tirakoob guud oo lagu tiriyo shacabka dalka. Tirakoobka ayaa ujeedadiisu tahay in dawladu ay siyaaasadaha iyo adeegyada shacabka loo fidiyo ku salaysan macluumaad sax ah.
Tiraakoobka ayaa 5tii sanadaba ma la qabtaa iyadoo dadka la waydiiyo su'aalo badan oo lagu ogaanayo meesha ay ku nool yihiin, shaqadooda, afka ay guriga uga hadlaan, heerkooda wax barasho iyo daqliga soo gala.
Tirakoobkii u danbeeyay ee la qabtay 2016kii, dadka Soomaalida ah ee Australia deggan ayaa lagu sheegay inay yihiin 14,075 oo qof oo kala bar ay deggan yihiin Melbourne, halka intooda kale ku nool yihiin magaalooyinka kale ee dalka.
Waxaa kale oo lagu ogaaday tirakoobkii u danbeeyay in 49% Soomaalida ku nool Australia ay ku dhasheen Soomaaliya halka ku dhawaad 29% ay ku dhasheen Australia.

Source: SBS
Sidoo kale sida laga soo xigtay hay'adda ABS ee tirakoobka 18.4% dadka Soomaalida ah waxay shaqeeyaan full-time taas oo aad uga yar tirada guud ee dadka Australia ee 38 saacadood shaqeeya todobaadkiiba.
Xaafada Soomaalida ugu badan ay deggan tahay sida laga soo xigtay ABS ayaa ah Heidelbeg West oo ay deggan yihiin 562 qof oo Soomaali ah iyadoo ay ku soo xigtay xaafadda Inala oo ku taal Queensland.
Habeenka tirakoobku waa habeenka Talaadada ah ee bishan ay tahay 10 Agoosto.
Dadka qaar waxaa loo soo diray waraaqo ay ku qoran yihiin lambar u gaar ah dadka deggan guriga oo ay ku gali karaan website si ay buuxiyaan foomka.

Source: SBS
Halka dad qaar loo soo diray foom waraaq ah oo ay qalin ku buuxin karaan,