KEY POINTS:
- More than 17 million Australians are registered to vote in the referendum later this year.
- The passage of the Voice referendum bill triggers the process of setting a firm date for the vote.
- The date must be set within two months and six months from today.
Shacabka Australia ayaa si rasmi ah ugu codayndoona Codka Baaralamaanka 6 bilood ee soo socda gudohooda, kadib markii sharcigii aftida lagu ogolaaday uu aqalka Senatku ku ansixiyay 52 cod oo haa ugu codaysay halka 19 ay maya ugu codeeyeen.
Baarlamaanka ayaa ugu dambayntii ka gudbay caqabadii ugu danbaysay ka hor aftida Isniintii, iyada oo shacabka Australia lagu wado inay go'aan ka gaaraan in Codka lagu daro dastuurka iyo in kale. Codka ayaa ah tiirkii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay kulankii Uluru Statement from the Heart oo la doonayay in dastuurka lagu daro.
Kooxaha u ololaynaya in aftida Haa loogy codeeyo ayaa ku dhawaaqay in 'shaqadii baarlamaanku dhamaatay', doodana hadda ay hogaamin doonaan bulshada caadoga ah iyo ururadu iyaga oo riixaya in isbadal lagu sameeyo dastuurka.
- Key architect answers your questions on the Voice
- Not all Liberals oppose the Voice. Here's where they stand
- We asked mining giants whether they'll follow the Voice's advice
Wasiirada arimaha dadka dalka loogu yimid ee Australia Linda Burney ayaa sheegtay in ansixinta sharcigan ay 'hal talaabo ku dhawaysay' in lagu garowsado dadka dalka loogu yimid dastuurka sidaasna dalkan awalba aad ka u fiicnaa uu ka sii fiicnaado.
"Waa bilaabatay...maanta, doodii siyaasadu waa dhamaatay, maanta, waxaan bilaabi karnaa wadahadalka qaran ee heer bulsho," ayay tiri.
"Waqti dheer ayay dadka dalka loogu yimid ee Australia ka liiteen ama ka nolol xumaayeen bulsho waynta Australia. Waa nidaam burburay. Codkuna waa fursada ugu fiican ee lagu kabi karo nidaamka burburay, sababtoo ah dadka deegaanka ayaan dhaysandoonaa oo la tashanaynaa, ayaga ayaan go'aan gaaraya oo natiijo tii hore ka fiican gaaraya."
Xisbiga Laborka ayaa hoosta ka xariiqay Codku uu noqondoono oo kaliya hay'ad talo bixin, oo dadka dalka loogu yimid siinaysa fursad ay kala talin karaan baarlamaanka iyo dawlada arimaha iyaga sida gaarka ah u quseeya.
Laakiin qaar ka mid ah dadka ka soo horjeeda arintan ayaa ku doodaya in hindisahan qataro ka buuxaan, halka qaar kale ay ku doodayaan in Codku uusan awood ku filan siinayn dadka Indijinooska ah.
Aftidan oo noqonaysa tii koowaad ku dhawaad rubac qarni ayaa dhici doonta inta u dhaxaysa labo ama lix bilood laga bilaabo Isniinta 19 June, inkasta oo RW Anthony Albanese laga dhadhansaday in la qabanayo sanadkan gudihiisa.
"Tani waa fursad hal mar nolosha oo dhan la helo oo dalkeena meel ka saraysa meeshaan joognay gaarsiinaysa," ayuu sheegay Mr Albanese.

Independent Senator Lidia Thorpe reacts after the passing of the Voice to Parliament in the Senate chamber at Parliament House. Source: AAP / Lukas Coch
"Tani waa fursad wax lagu hagaajinayo, oo intii wax loo samayn lahaa dadka Indijinooska ah, isbadal lala sameeyo dadka Indijinooska ah."
Isbahaysiga oo is-dhaafiyay sharciga aftida
Inkasta oo ay ka soo horjeedaan Codka, Isbahaysiga ayaa subixii isniintii is-dhaafiyay hindisaha.
Michaelia Cash oo ka tirsan madaxda xisbiga Liberalka ayaa ku dooday in aftidan oo Haa loogu codeeyo ay isbadal aan dib looga noqon karin ku samaynayso Dastuurka Australia, iyada oo sheegtay in xisbiga Laborku ku guuldaraystay inuu faahfaahin ku filan ka bixiyo sida Hay'adan (codka) umadda kala qaybinaysa u shaqayndoonto.
"Laakiin shacabka dalkan ayaan ixtiraamaynaa, iyo xaqa ay u leeyihiin inay codkooda ka dhiibtaan arintan," ayay tiri.
"Waa mid aan waxba laga ogayn, waa mid dadka kala qaybinaysa, waana mid aan dib looga noqon karin. Haddii aaddan garanayn sida Codku u shaqayndoono, aragtidaydu waxaa weeye: Maya u codee."
Afhayeenada arimaha Indijinooska ee Isbahaysiga mucaaradka Jacinta Price oo lafteedu u dhalatay beelaha Warlpiri/Celtic ayaa ku dooday in siidaynta faahfaahinta aftida kadib ay qatarteeda sharci leedahay.
"Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu doonayaa inaynu si indho la'aan ah u aamino oo aan iska sa xiixno wuxuu rabo oo aan u ogolaano in hindisihiisa qatarta ah lagu daro Dastuurka, isagoo aan waxba balan qaadayn," ayay tiri.
Xubno dhowr ah oo ka tirsan Isbahaysiga ayaa ka soo horjeestay sharciga oo maya ugu codeeyay, farsamo ahaana taasi waxay u ogolaanaysaa inay qayb ka noqdaan ololaha maya iyagoo si rasmi ah loogu darayo qoraalada Aftida ee loo qaybinayo cod bixiyayaasha.
Xisbiga Greenka ayaa soo dhaweeyay 'maalin runtii taariqi ah'
Afhayeenada Greenka u qaabilsan arimaha Indijinooska Dorinda Cox, oo ka tanaasushay waxa ay doorbidaysay oo ah heshiis dhexmara dadka Indijinooska iyo Australia in laga hormariyo Codka ayaa ku tilmaantay 'maalin runtii taariqi' ah inay u tahay shacabka wadanka loogu yimid.
"Shaqadii baarlamaanku waa dhamaatay. Waxaa la gaaray markii bulshada qaybeheeda hoose ay u ololeeyaan Haa oo ay isu soo baxaan ayna la wadaagaan dhamaan shacabka Australia sababta Aftida ay muhiimka u tahay iyo sababta Codka Baarlamaanku muhiimka u yahay." ayay tiri.

Ms Burney, seated left, was present for the debate. Source: AAP / Lukas Coch
Iyada oo Senatorad Cox hoosta ka xariiqday in Codku uusan wiiqayn qaranimada dadka dalka loogu yimid, waxaa hadalka ka soo dhex galayay Senatorada madaxa banaan Kidia Thorpe oo iyadu uga baxday xisbiga Greenka si ay si xoriyad ah ugu ololayso diidmadeeda Codka.
"Cadee taas!" ayay Senator Thorpe ku celcelinaysay.
Lidia Thorpe ayaa ku sheegtay 'Been iyo iska yeelyeel' Codka
Senator Thorpe, oo ka soo jeeda beelaha DjabWurrung, Gunnai iyo Gunditjmara ayaa ku tilmaantay Isniintii "assimilation day" oo ay ula jeedo maalin dhaqankii, taariiqdii dadkeeda la tirtirayo waxayna ku boorinaysaa shacabka Australia inay qaadacaan Aftida.
Marka u kacday inay hadasho, Senatorad Thorpe ayaa ku tilmaantay sharcigan "musbaarkii u danbeeyay uu lagu dhuftay naxashka", laakiin waxay sheegtay inay Maya ugu codaynayso Aftida lafteeda.
"Maya ayaan ugu codaynayaa fikradaan masiibada ah oo aan na siinayn wax awood ah." ayay tiri.
"Laakiin ma taageri karo wax aan dadkeena siinayn wax awood ah. Ma taageri karo wax qofka kasta oo awooda haya uu xulanayo."

Minister for Indigenous Australians Linda Burney poses for a photo with 40 members of Jawun at Parliament House in Canberra. Source: AAP / Mick Tsikas
"Haa, waxaan halkan u jogaa inaan dhex galo oo burburiyo caadaanka isla wayn ee halkan wakiilka ka tahay."
Senator Thorpe, oo xirnayd funaanad lagu xardhay kalmada Gammin intii doodu baarlamaanka ka socotay ayaa ka dalbatay baarlamaanka inuu hirgaliyo talooyinkii ka soo baxay Gudigii Qaran ee loo saaray dadka Aboriginalka ee ku dhinta xabsiyada.

Independent senator Lidia Thorpe reacts during debate on the Voice to Parliament in the Senate chamber at Parliament House. Source: AAP / Lukas Coch
"Waxaan maqlaynaa sheekooyin qurux badan oo niyad fiican oo ka sheelaynaya sida wax walba nolosheena wax looga qabanayo. Wax walba waa xalinaysaa. Waxba ma samayn karo illaa aftida kadib. Dhanka kalana, caruurta ayaa lagu jir dilayaa xabsiyada."
Iyadoo hadlaysa intii doodu socotay ayay Malarndiri McCarthy oo ka tirsan Laborka ayaa ku boorisay shacabka Australia inay Haa u codeeyaan si mustaqbal fiican loo helo iyada oo intaa ku dartay in Codka macne wayn u leeyahay bulshada Indijinooska ah.
"Dadka Indijinooska ee Australia waxay ka doonayaan dhamaan shacabka Australia inay awoodaan inay ku farxaan waqtigan taariiqda dalkeena, oo uu noqdo dad iskaashan karna," ayay tiri.
Walaaca sida loo doodayo kadib hadalkii Pauline Hanson
Kadib markii Senatorada xisbiga One Nation Pauline Hanson ay ku boosisay shacabka Australia inay is waydiiyaan sababta uu dhacay waxa loo yaqaan Jiilkii la xaday, Senatorad McCarthy ayaa qirtay inay ka walaacsan tahay sida doodani u dhici doonto bilaha soo socda.
Senatorad McCarthy ayaa ku boorisay shacabka Australia inay 'dhinacooda wanaagsan maqlaan' inta doodu socoto.
“Waxoogaa walaac ah ayaan qabaa, marka aan maqlo hadalada qaarkood." ayay tiri.

Senator McCarthy conceded concern over the tenor of the debate, just moments after Pauline Hanson's (pictured) comments. Source: AAP / Lukas Coch
Senatorad Hanson ayaa hore ugu dooday in dad badan oo ka mid ahaa Jiilkii la xaday aysan badbaadeen haddii aan reerkooda laga qaadi lahayn.
"Waa ogtihiin, waxaad ka hadashaan "Jiilkii La xaday". Way dhacday waqtigaas. Is waydii sababta," ayay tiri.
Warbixin balaaran oo soo baxday 1977 oo loo bixiyay Bringing Them Home ama gurigooda keena ayaa lagu ogaaday in caruurta Indijinooska ee qoysaskoodii laga qaatay ay ahayd xadgudub xaquuqul binaadan, ayna u badan tahay in faracii caruurtii la qaatay ay u badan tahay inay xabsi qalaan, caafimaad xumo ku dhacdo ayna u badan tahay inay shaqo helaan.
Mr Albanese ayaa sheegay inuusan arkin hadalka Senatorad Hanson, laakiin uu u haysto inaysan waxba ka duwanayn wixii ay hore u sheegi jirtay.
“Ma doonayo inaan ka jawaabo, sababtoo ah ma aaminsani inay u qalanto in RW u jawaabo. Waxaan dadka oo dhan ugu baaqayaa dood ixtiraam leh," ayay yiri.
“Dhankay doonaanba dadku ha u codeeyaane, waa intii tabartooda isku dayaan inaysan xaqiiqda ka tagin, oo aysan sheegin wax aan waxba ka jirin."
Linda Burney ayaa sheegtay in Codku isbadal wayn keenayo
Aftiyada ayaa lagu ansixiyaa waxa loo yaqaan labo aqlabiyadood. Aqlabiyada shacabka oo dhan iyo aqlabiyada gobolada dalka. Dadka degan NT iyo ACT laguma xisaabiyada tirada gobolada ee waxaa lagu daraa oo kaliya tirada guud.
David Pocok oo ah Senator madaxa banaan ayaa sheegay in dadka degan ACT iyo NT aysan lahayn cod la mid ah gobolada kale.
Senator Pocock ayaa ku tilmaamay isku dayga Isbahaysigu ku doonayaan ka dhigaan Aftida 'Cod Canberra" ay been cad tahay."
"Tani (codka) waxay ka dhalatay nidaamkii ugu wadatashiga badnaa taariiqda Australia. Haa waa sax waxaa la dhihi karaa, haddaan waxba qaldanayn maxaa la saxayaa, laakiin waxbaa qaldan, in la saxaana loo baahan yahay. Tani waa fursad lagu saxayo," ayuu yiri.
Cod ay dadka Indijonooska ah Baarlamaanka ku yeeshaan ayaa ka mid ah codsiyo ay hogaamiyayaashu ka soo saareen shirki Uluru Statement from the Heart ka soo saareen 2017.
Shacabka Australia ayaa sanadkan dhamaadkiisa la waydiisanayaa inay Haa ama Maya u codeeyaan isbadal lagu sameeyo Dastuurka loona asaaso hay'ad madax banaan oo dawlada federalka iyo baarlamaanka kala talisa arimaha saameeya dadka dalka loogu yimid.
Naqshada iyo nooca hay'adan ayay xildhibaanadu go'aamin doonaan haddii Aftidu guulaysto.
Ms Burney ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in hindisahan yahay mid wax looga qabanayo caafimaad xumada, nolosha adag iyo cimri gaabnida ay wajahaan dadka Aboriginalka iyo Torres Strait Islanderku.
Warbixintii u danbaysay ee laga soo saaray yoolalka lagu xiray farqiyada nololeed uu dhexeeya bulshada Indijinooska iyo shacabka intiisa kale ee arimaha caafimaadka, arimaha bulshada ayaa muujinaysa in 4 ka mid ah 19 yool lagu guulaystay.
"Isbadal wayn ayay keenaysaa, wuxuuna wax ka qabanayaa arimo ay ka mid yihiin xirida farqiga nololeed,' ayay sheegtay.
"Awooda hay'adu waxay ka imaanysaa mabaadiida, waxay noqonaysaa hay'ad madax banaan oo aan talo siinayn oo kaliya ee waxay sidoo kale talo siinaysaa dawlada federalka.
"Waxay noqonaysaa hay'ad lala xisaabtamo. Waxay noqonaysaa mid miisaaman. Waxay noqonaysaa mud bulshadu hogaamiso.
'Gacanta dawlada ka saar'
Hogaamiyaha xisbiga Nationalka, David Littleproud, ayaa ku dhawaaqay bishii Nofember sanadkii la soo dhaafay in xisbigiisu u ololaynayo in loo codeeyo Maya Codka Baarlamaanka.
Waqtigaas ayuu sheegay inuusan aaminsanayn in hindisuhu uusan runtii xirayn farqiga nololeed ee u dhexeeya bulshada Injinooska iyo bulsho waynta kale ee dalka.
Wuxuu sheegay inuu booskaas u qaatay maadaama uusan aaminsanayn xalku ka imaanayo in Cod Baarlamaan Dastuurka lagu daro.
"Dawladuhu waxay ku bixiyeen balaayiin doolar inay isku dayaan inay dhibkan ku xaliyaan laakiin si qaladan ayaan u samaynay," ayuu u sheegay ABC.
"In sinaan la gaaro waligeed waa la rabay, qaladku waa sida aan u fulinayno," ayuu yiri, isagoo qiray in xisbigiisa oo qayb ka ahaa isbahaysiga 12 sano ee lasoo dhaafay ay qayb ka ahaayeen talaabooyinka lagu guul daraystay.
"Waan guuldaraysanay. Waa ka xumahay inaan dhaho in nooc kasta oo dawlada ahaa way guul daraysteen. Haddii nidaamyada sharuucda badan ka saarno meesha, waan soo xiri karnaa farqiga nololeed.'
Wuxuu shegay in jawaabtu taalo heer bulsho, ee aan loo bahnayn Cod Baarlamaan.
"Waxaa loo baahan in heer bulshada deegaan ma ah heer gobol lala hadlo oo awood la siiyo. Waa sharuucda Canberra meesha laga saaro oo la geeyo xaafadaha iyo duqayda oo la dhagaysto."