Hagaha Waalidka: Sid dhallinta loogu diyaariyo mamnuucidda baraha bulshada

Hearing a father's advice

Because social connection is central to teenagers’ wellbeing, parents can help them plan alternative ways to stay in touch. Credit: ridvan_celik/Getty Images

Australia ayaa caruurt ka yar16-jir ka xaddideysa baraha bulshada, waana arrin ay qoysas badani ka walaacsan yihiin. In kasta oo ay xeerarku mas’uuliyadda saarayaan shirkadaha, ayay haddana culays saari kartaa waalidka iyo caruurta baraha u isticmaasha xidhiidhka. Wax ka ogow sida mamnuuciddu u shaqayn doonto, sida xidhiidhka carruurtu weli muhiim u yahay iyo talada ay bixiyeen khubaradu.


Key Points
  • Australia ayaa carruurta ka yar 16 sano ka xaddideysa isticmaalka baraha bulshada laga bilaabo 10 December 2025
  • Baraha bulshada ayaa ka mas’uul ah hubinta da’da. Waalidku mas’uul kama aha.
  • Carruurta oo si furan loola taliyaa waxay ka caawisaa la qabsiga is-beddelka
  • Waalidku waxay carruurta ka caawin karaan inay helaan siyaabo kale oo ay ula xidhiidhaan asxaabtooda, is-beddelka ka dib.

Waa maxay sharciyada cusubi, xaggee ka heli karaa xogta?

Shirkadaha baraha bulshada ayaa lagu waajibin doonaa inay qaadaan tallaabooyin macquul ah, si ay dadka ka da’ yar 16 jir uga joojin lahaayeed akoonnada baraha bulshada la mamnucay. TikTok, Instagram, Snapchat, Facebook, Kick, Reddit, Threads, Twitch, X iyo YouTube ayaa bogga hore kaga jira liiska, waxaana laga yaabaa in baro kalena lagu daro.

Masu’uulka ugu sarreeya eSafety, oo maamusha hirgelinta sharcigan, ayaa sheegtay in laga yaabo in dhammaan akoonnada dadka ka yar 16 jir ay baaba’aan 10-ka December, oo ay noqon doonto in si isku xigxigta loo xidho.
A child using smart phone lying in bed
Shirkada ayaa laga filayaa inay isticmaalaan tiknooliji ay ku qiyaasaan da'da carruurta. Dhallintu weli waa daawan karaan waxyaalaha iska caadiga ah ee laga daawado Youtube iyo Tik Tok oo kale. Source: iStockphoto / Suzi Media Production/Getty Images
Shirkaduhu ayaa laga filayaa inay adeegsadaan tignoolajiyada xaqiijinta da’da si ay u qiyaasaan da’da isticmaalaha, waxaana sharcigu ku qasbayaa in ay bixiyaan ikhtiyaarro ka baxsan inay sawirtaan kaarka caddaynta ee dowladda.

Dhallinyarad weli waxyaalaha qaarkood way ka daawan karaan Youtube iyo Tiktok-ba iyaga oo aan isticmaalin akount.

TMas’uuliyaddu waxay saaran tahay shirkadaaha baraha bulshada laftooda. Haddii uu ilmo ka yar 16 sano uu weli haysto barahaa la mamnuucay ama midkood, waalida iyo cunugga midna laguma ciqaabi doono.

Baraha bulshada ee la xaddidayo iyo macluumaadkii ugu dambeeyeyba waxaa ka heli kartaa eSafety Commissioner’s website.

Sidee baan carruurta ugaa hadlaa is-beddelka?

Khubarada ayaa soo jeedinaysa in carruurta goor horeba lagala sii taliyo is-beddelka cusub ee kusoo aaddan.

Dr Catherine Page Jeffery, oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Sydney Univeristy, ayaa sheegaysa in baraha bulshadu aad muhiim ugu yihiin dhalinyarada. "Waa hab aad u muhiim inay ku wada xiriiraan. Waa inay waalidiintu fahmaan sida ay warbaahintu, gaar ahaan baraha bulshad, uga weyn yihiin nolosha dhalinyarada" ayay tiri.

Fadlan kusoo podcast-ka Australia Explained si aad u hesho macluumaad iyo talooyin kale oo kaa caawinaya inaad u la qabsato nolosha cusub ee Australia.

Haddii aad qabto su’aalo ama waxyaabo aad rabto inaannu ka hadalno, fadlan noogu soo dir: australiaexplained@sbs.com.au

Share
Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand