Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Australia Explained: Calanka Aboriginal-ka - Astaan u Taagan Aqoonsiga iyo Lahaanshaha Dhulka

Australia Explained – Aboriginal Flag

Children wave the Aboriginal Flag. Source: AFP / STEVEN SAPHORE/AFP

Calanka midabada casaan, madow, iyo huruudda leh ee inta badan laga garab taago calanka qaranka Australia ee goobaha bulshadu, waa calanka dadka asalka ah ee dadka Aboriginal-ka. Wuxuu u taagan yahay astaan muujinaysa xiriirka qotada dheer ee ay dadkaasi la leeyihiin dhulka, bulshada, iyo taariikhdooda hodanka ah.


Published

By Nikyah Hutchings

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS




Share this with family and friends


Calanka midabada casaan, madow, iyo huruudda leh ee inta badan laga garab taago calanka qaranka Australia ee goobaha bulshadu, waa calanka dadka asalka ah ee dadka Aboriginal-ka. Wuxuu u taagan yahay astaan muujinaysa xiriirka qotada dheer ee ay dadkaasi la leeyihiin dhulka, bulshada, iyo taariikhdooda hodanka ah.


Key Points

  • Calanka dadka Aboriginal-ku waa mid ka mid ah saddexda calan ee qaranka Australia.
  • Calanka dadka Aboriginal -ka waxaa la naqshadeeyay sannadkii 1971-dii si loogu muujiyo dibad-baxyada xuquuqda dhulka, waxaana si rasmi ahl loo aqoonsaday sannadkii 1995-tii.
  • Midabkiisa madowga, gaduudka iyo jaalluhu waxay u taagan yhiin dadka Aboriginalka, Dhulka iyo Qorraxda.
  • Calanku wuu kasoo gudbey dibad-bax, isagoo noqday astaan maalinle ah oo loo adeegsado fagaarayaasha, hiddaha iyo soo dhoweynta. Ka dib ololihii “Free the Flag”, calanku hadda waa mid si madax-bannaan oo lacag-la'aan ah qof kasta u isticmaali karo.

Australia waxay leedahay saddex calan oo rasim ah:

  • Calanka Qaranka Australia
  • Calanka dadka Aboriginal-ka
  • Calanka dadka Torres Strait Islander 

Calankani dad badan oo Aboriginal ah, uma aha oo keliya maro la naqshadeeyey; waa astaan iyo xusuusin joogto ah oo ku saabsan adkeysigooda, badbaadadooda iyo aqoonsiga mar walba taagan

Australia Explained – Aboriginal flag
The Aboriginal flag Credit: Richard I'Anson/Getty Images

Calanka Aboriginal-ku xaggee buu kasoo bilaabmay?

Waxaa markii iugu horreyse naqshadeeyey calankan 1971-dii nin la yiraahdo Harold Thomas ahaa u-dhaqdhaqaaqe xuquuq, una dhashay qowmiyadaha Luritja [ Loo-ri-ya] iyo Wombai [Wom-by].

Waxaa bulshada dhexdeeda si maamuus leh loogu yeeraa Uncle Harold Thomas—waana magac-sharaf dhaqameed oo loo isticmaalo odayaasha u dhaqdhaqaaqa bulshada dalka loogu yimid. Wuxuuna ahaa ninkii ugu horreeyey ee Aboriginal ah oo ka qalin-jabiya dugsiga farshaxanka ee South Australian School of Art.

Calankan waxaa markii ugu horreysay la taagay 12-kii Luulyo sannadkii 1971-kii, xilli uu socday banaanbax loogu halgamayay xuquuqda dhulka, oo ka dhacay magaalada Adelaide. Maalintaas waxaa markii hore loo bixiyey National Aborigines Day "Maalinta Qaranks ee Aborigines-ka.

Sannad ka dib, wuxuu noqday astaan awood badan oo laga taagay Teendhada Aboriginal-ka (Aboriginal Tent Embassy) ee magaalada Canberra, taasi oo matalaysay xuquuqda dhulka iyo aayaha-ka-tashiga dadkaas.

Sannadkii 1995-tii, dowladda Australia ayaa si rasmi ah u aqoonsatay inuu yahay mid ka mid ah 'Calanka Rasmiga ah ee Australia'

Calanka Aboriginal-ku muxuu u taagan yahay?

The Aboriginal flag is divided into two equal halves, with black on the top, red on the bottom and a yellow circle in the centre.

Naqshaddiisu waa mid fudud laakiin xambaarsan macno qoto dheer: midabka Madowga wuxuu u taagan yahay dadka Aboriginal-ka ah, midabka Guduudka ahina dhulka asalka ah iyo xiriirka ruuxiga ah ee ay la leeyihiin dalkooda, halka goobada jaallaha ah ee dhexda ku taalna ay u taagan tahay qorraxda oo uga dhigan isha iyo abuurista nolosha.

Jade Brennan, oo ah haweenay u dhalatay qowmiyadda Gomeroi [Go-muh-roy] isla markaana ah fannaanad soo baxaysa, ayaa sharraxaysa waxa ay ku dhex argto calankan.

When I see the flag, I see my Country, I see my people and I see the sun, which is the creation. You know it's what the sun is, what brings people and our land together.
Jade Brennan

[[Calanku wuxuu matalaa aqoonsi. Markaan arko calanka, waxaan arkaa dalkayga, waxaan arkaa dadkayga iyo qorraxda oo ah abuurista nolosha. Qorraxdu waa ta isku keenta dadka iyo dhulka. Waa wax wadnaha noogu jira. Dhulkaygu aad buu muhiim noogu yahay, waana wax u baahan in la muujiyo… haysashada calankani waxay si fudud u muujinaysaa, Aboriginal ahaan, qomiyadda aannu nahay.”]] ayay tiri

Jade Brennan.jpeg
Jade Brennan Credit: Jade Brennan

Si aynu u fahamno sida ay wax u isbeddeleen waqti ka dib, aynu dhegaha u raaricinno Susan Kendall oo u dhalatay qowmiyadda Wonnarua [Wan-uh-roo-uh], loona yaqaanno Aunty Susan). Waxay ku kortay miyiga gobolka New South Wales, gaar ahaan magaalada Condobolin, 1960-aadkii iyo 70-naadkii.

Aunty Susan waxay xusuusataa waqti aanu calanku aad usoo shaac-bixin. Markuu ugu horreysey waxay ka dhex aragtay shaashadda Television-ka.

[[“Waxaan calanka markii ugu horreysay ku arkay telefiishanka xilli uu socday banaanbax. Warbaahintii waayadaas waxay baahin jirtay oo keliya warar xun oo ku saabsan dadka banaanbaxayaasha ah. Maalintaas, calankani wuxuu markii hore iila ekaaday calanka Jarmalka, taasi oo ii ahayd khibraddaydii ugu horreysay ee aan ku barto calanka Aboriginal-ka.”]] ayay tiri

Calanku wali qayb caadi ah kama ahayn nolosha dugsiyada dalka, xataa markii ay Susan macallimad noqotay:

[[“ Bilowgii khibraddayda macallimo, arrintani ma ahayn maaddo dugsiga lagu barto. Waxay ahayd uun... 'Horta kani waa calanka Aboriginal-ka ee midabbeeya. Ma jiraa qof yaqaanna midabyada iyo waxa ay u taagan yihiin?' Intaas ayay ku ekayd waxbarashada ku saabsan taariikhda Aboriginal-ka waayadii hore.”]] ayay tiri

Australia Explained – Aboriginal Flag
The Commonwealth Government acquired copyright and the flag can now legally be applied to clothing. Source: LightRocket / Ye Myo Khant/SOPA Images/Getty Images

Yaa iska leh calanka Aboriginal-ka?

Laakiin calankani wuxuu soo maray marxalada sharci oo adag.

Waxaa sannado badan la isku hayey ciddii iska lahayd xuquuqda isticmaalka calanka Aboriginal-ka. Harold Thomas oo ahaa ninkii naqshadeeyey calanka, ayaa lahaa xuquuqda daabacaadda, wuxuuna oggolaansho siiyey shirkad gaar loo leeyahay oo xakameysay isticmaalka calanka ee dharka iyo agabyada ganacsiga.

Taasina waxay sababtay in ururada iyo bulshooyinka Aboriginal-ka loo diido inay calankooda ku daabacaan shaararka, haddii aanay fasax helin ama bixinnin mushqaayad.

Si arrintaas wax looga qabto, shirkadda dharka ee ay maamulaan dadka asalka ah ee Clothing The Gaps, ayaa bilowday olole weyn oo loogu magac daray ‘Free the flag oo macneheedu yahay ‘Xoree Calanka”.

Waxayna dowladda ku riixeen inay tallaabo qaaddo si calanka loola dhaqmo sida kan qaranka oo kale, oo si aanu u noqonnin calaamad ganacsi oo gaar ah.

dowladda Federaalkuna waxay ugu dambeyn sannadkii 2022-kii ku dhawaaqday inay si buuxda ula wareegtay xuquuqdii daabacaadda ee calanka, iyadoo ka iibsatay Harold Thomas.

Calanka Aboriginal-ku maanta u xor isticmaalka dadweynaha, si la mid ah calanka dalka Australia. Dadku waxay hadda si bilaash ah ugu daabacan karaan dharka, farshaxanka iyo alaabta kale, iyadoo aan laga cabsi qabin tallaabo sharci ah.

Aunty Susan-na waxay sheegtay in uu calanku gacan ka geystay sida ay dadkuu u arkaan dadka Aboriginal-ka, Waxayse aaminsan tahay, inay weli shaqo badani hadhay.

[[“Calanka Aboriginal-ku wuxuu xambaarsan yahay macno weyn, qof kastaana hadda wuu yaqaannaa ciddii uu matalo. Ku raaxaysta oo barta dhaqankan, gaar ahaan dhaqanka Aboriginal-ka, sababtoo ah waa dalkii aad ku nooleydeen. Ma aha inaad u noolaataan sidooda oo kale, laakiin fahma oo ku faana—ku faana inaad halkan joogtaan iyo calankiinna.”]] ayay tiri

Warbixintan oo intaa ku egina, waxay ina bartay in marka aynu aragno calanka Aboriginalka aynu garanno, waxa uu u taagan yahay iyo sooyaalkiisa taariikheed. In sidaas loo fahmaana, waxay bilown u tahay, faham qoto dheer oo laga qaatay Australia.

Australia Explained – Aboriginal Flag
The Aboriginal flag is projected onto the Sydney Opera House on January 26, 2026. Source: Anadolu / Claudio Galdames Alarcon/Getty Images

Kusoo biir oo la soco Australia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka dalkaaga cusub.

Ma qabtaa wax su'aal ah? Mase noo haysaa feker? Fadlan noogu soo dir Emial-ka: australiaexplained@sbs.com.au


Latest podcast episodes

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now