Key Points
- Taageero iyo talooyin fool-ka-fool ah oo ay ka mid yihiin kuwo dowladeed baad heli kartaa si aad u beddelato xifaddaada
- Soo galootidu hibooyinkooda iyo xirfaddooda aya kuso kordhiyaan goobaha shaqaada, laakiin qaarkood tababar dheeraad ah bay u baahan yahiih.
- AI-da aad baa looga qiimiyaa goobaha shaqada
- Shaqaalaha Australia shaqadooda si caadi ah ma u beddelaan?
- Haddii aan da' weynahay ama aanan khibrad lahay ma beddeli karaa shaqada?
- Xaggee baan ka heli karaa talo iyo taageero si aan u beddelo shaqada?
- Sidee baan ku oogaadaa waqtiga ku habboon ee aan tegi karo shaqada?
Waa wax iska caadi ah in qofku uu mararka qaarkood dib u eego noloshiisa shaqada. Dadka qaarkood waxay raadiyaan fursado cusub, halka kuwo kalena ay rabaan, shaqo ku habboon xirfaddooda, qiyamkooda, ama xaaladdahooda gaarka ah ee noloshooda.
Ku cusbow shaqada ama u lahaw khibrad sannado ah, inaad beddesho xirfaddaadu ma aha waxa sahlan, sidaana uma adka, haddii aad taqaano sida iyo meesha laga bilaabo iyo kaalmooyiinka aad heli karto.
Qaybta Ausralia Explained ee toddobaadkan, waxaynu ku eegaynaa waxyaalaha loo baahan yahay in laga fekero, halka aad ka heli karto xog laysku halleyn karo, caawimaadda jirta, iyo sida, haddii aanay Ingiriisidu ahayn luqaddaada koowaad, aad u maarayn karto beddelidda ama cusboonaysiinta xirfaddaada. Waxaynu sidoo kale khubarada ka maqli doonnaa halka ay shaqooyinku ku badan yihiin iyo xirfadaha loogu baahida badan yahay.
Shaqaaalaha Australia shaqadooda si caadi ah ma u beddelaan?
Haddii aad joogto xilligii aad cusboonaysiin lahayd, ama aad u wareegi lahayd, jiho cusub oo dhanka shaqada ah, kaligaa ma ahe'e ogow.
Sahan la sameeyey sannadkii 2024-ka ayaa muujinaya in labadii shaqaaleba, uu midkood u hanqal-taagayo inuu beddelo shaqadiisa. Shaqada oo la beddelaa, ma aha uun, in nooca shaqadaba laga digo-rogto, ee waxaa ka mid ah in xirfadda shaqada aad hayso la cusboonaysiiyo.
Alice Cheng, waa tabo-bare xirfadeed, waxaanay sheegtay in beddelidda shaqadu ay hadda iska noqotay mid caadi ah, gaar ahaan intii ka dambeyey saf-mareenkii COVID-19, markii ay dadku guryaha joogeen oo qaarkood laga yaabo inay ogaadeen, in shaqada ay hayeenba aana y ku habboonayn noloshooda.
"Inaad shaqada beddeshaa hadda waa mid caadi ah. Waxaynu aragnay muddadii saf-mareenka COVID in ay dadku guryaha fadhiyeen oo ay ogaadeen qaab nololeed ka duwan kii hore. Khibraddaasina waxay dad badan fahamsiisay in aanay shaqadoodu ku habboonayn qiyamkooda, fayo-qabkooda, iyo yoolalka noloshooda."]] ayay tiri

Haddii aan da' weynahay ama aanan khibrad lahayn ma beddeli karaa shaqada?
Waxaa jira aaminsanaan ah, in xirfadda oo la beddelaa ay ku habboon tahay intaad da’yartahay, balse Alice Cheng waxay leedahay da’du saamayn kuma laha. Waxay sidoo kale xustay in dadka waddanka ku cusubi, ay kaslooni darro dareemi karaan maadaama aanay khibrad u lahayn deegaanka, balse ay muhiim tahay in qofku isku kalsoonaado.
[["Waxa ugu horreeya ee aan kuu sheegayaa waa inaad xirfaddaada suuq geyso, oo aad isweydiiso, Maxaan ku fiicanahay qabashadooda? Maxay yihiin hibooyinka aan leeyahay? Maxaan dheerahay qofka deegaanka ah? Ka dib, qoraalkaaga aqoonsiga (resume) iyo wareysigaba shaqadaba, ku gal adigo kalsooni isku qaba. Xitaa haddii ay luqaddu kugu adag tahay, xusuusnow in dadka Australia qof kastaa leeyahay lahjad (accent), mar haddii lagu fahmayo dhib ma laha. Ha ka cabsan haddii laguu diido shaqada koowaad, sii wad ilaa aad ka helayso shaqada."]] ayay tiri
Beddelidda xirfaddaadu waxaa laga yaabaa inay kugu qaadato waqti ka dheer sidii aad rabtey. Balse, ma aha khasab inaad hal mar uu u booddo meeshaad rabtey. Tallaabooyin yaryar ayaad qaadi kartaa adiga oo aan shaqadaadii ka tegin, sida inaad waqtigaaga gaarka ku tijaabiso, ganacsi yar ama wax kale oo aad xiisayso.
Xaggee baan ka heli karaa talo iyo kaalmo si aan u beddelo shaqada?
Dawladdu waxay bixisaa adeegyo muhiim ah oo ku saabsan barashada xirfado cusub iyo ogaanshaha halka ay shaqooyinku u badan yihiin. Gobollada, sida Victoria iyo Western Australia waxay leeyihiin xarumo bixiya talooyin lacag la'aan ah. Craig Robertson, oo ah madaxa hay'adda Victorian Skills Authority, ayaa sharraxaya adeegyada xarumaha Skills and Jobs.
[[Waa adeeg u furan dadweynaha oo dhan. Maadaama ay xarumahani ku dhex yaallaan bulshada, waxay si fiican u fahamsan yihiin shaqooyinka ka banaan deegaankaas. Waxay leeyihiin khubaro kaa caawin kara jihada aad u baahan tahay inaad u qaaddo xirfaddaada cusub."]] ayuu yiri
Si aad u hesho macluumaad iyo taageero ku saabsan waddooyinka aad xirfad cusub ku baran karto, waxbarashada farsamada gacanta, iyo isbeddelka shaqooyinka ee deegaankaaga, booqo mareegta rasmiga ah ee dawladda ee gobolkaaga ama dhulkaaga."
Sidoo kale, waxaa jira qalab internet-ka ah sida website-ka yourcareer.gov.au, oo kaa caawinaya inaad ogaato, fursadaha shaqo, iyo tababarka aad u baahan tahay iyo meelaha looga baahan yahay xirfado gaar ah.
Haddii aad tahay 45 jir ama ka weyn, booqo Career Transition Assistance program.
Sidee baan ku ogaadaa waqtiga ku habboon ee ka tegi karo shaqada?
Waxaa jira sababo kala duwan oo ay dadku u beddelaan shaqadooda; qaarkood waxay rabaan mushahar fiican, halka kuwo kalena ay ka cararayaan jawi shaqo oo dhib badan ama daal badan (burnout).
[["Runtii waa wax laga xumaado, haddii qofka lagu qasbo inuu ka tago shaqo, laga yaabo inuu mustaqbalka ku guuleysan lahaa; gaar ahaan haddii ay timaaddo heer uu qofku u adkaysan waayo culeyska iyo jawiga adag ee shaqadaas ka jira. Mar walba waxaan ku talin lahaa—haddii aad dareemayso in culeysku kugu batay—inaad marka hore isku daydo inaad la fariisato maamulahaaga, si aad ugala hadasho waxyaabaha dhibka kugu haya. Laakiin, haddii aad dareento inaan weli wax la beddelin, ama waxba laga qaban waayo dhibkaas, markaas waxaa kuu roon inaad raadsato fursad kale oo cusub."]] ayay tiri
Fadlan kusoo biir oo la soco Australia Explained si aad u hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka iyo ku xasilka dalkaaga cusub.
Ma qabtaa wax su’aal ah? Mase noo haysaa ra'yi? Fadlan noogu soo dir emailka AustraliaExplained@sbs.com.au







