Qof kasta oo Australia ku nool, ha ahaado qof dalka ku dhashay ama qof dibadda ka yimid, wuxuu qayb ka yahay geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta ee Australia weli ku jirto. Haddii aad tahay waalid Australia ku cusub, halkan ka hel talooyin kaa caawiya, in adiga iyo carruurtaaduba aad wax ka barataan dadka asaliga ah Australia, dhaqankooda iyo taariikhdooda.
Key Points
- Learning about Australia’s First Nations is a process involving both child and parent
- There is a range of age-appropriate resources online to support your child’s engagement with Indigenous Australia
- Attending events, travelling mindfully and doing your own research are ways to connect with First Nations people in your area and beyond
- Making mistakes is part of the learning process, so stay curious and ask for help to understand Aboriginal and Torres Strait Islander protocols
Qof kasta oo Australia ku nool, ha ahaado qof dalka ku dhashay ama qof dibadda ka yimid, waxaa qayb ka ah safarka dib-u-heshiisiinta ee dalkani weli ku jiro. Dib-u-heshiisiintaasina waxay ku saabsan tahay xoojinta xidhiidhka iyo isfahamka ka dhexeeya dadka Aboriginal iyo Torres Strait Islander iyo dadka kale ee Australia.
Esma Livermore oo ah haweeney ka tirsan bulshada Bigambul kana shaqeysa Reconciliation Australia ah urur madax bannaan oo ka shaqeeya xoojinta xiriirka iyo isfahamka ka dhexeeya dadka First Nations iyo bulshada inteeda kale, ayaa sheegaysa in dadka ku cusub Australia ay si dhow ula qabsan karaan dalkooda cusub haddii ay bartaan kala duwanaanshaha dhaqamada iyo bulshooyinka First Nations.
Waxayna sheegtay in arrintaas lagu bilaabi karo wax fudud oo carruurtu xiiseeyaan, sida daawashada telefishinka.
[[NITV oo ah television loogu talo galay dadka dalka loogu yimid, wuxuu baahiyaa barnaamijyo kala duwan oo ka hadlaya, dhaqamada, taariikhda iyo nolosha maanta ee dadka Aboriginal iyo Torres Strait Islander. Haddii aad leedahay carruur yaryar, waxaa jira barnaamijyo ku habboon da'dooda oo laga barto dhaqamadan iyo kala duwanaanshaha bulshooyinka First Nations. Waxaan u arkaa inay taasi tahay tallaabo fudud oo lagu bilaabi karo fahamka cidda ay yihiin dadkii dalkan ugu soo horreeyey]] ayay tiri Esma Livermore

Waxa kale oo SBS On Demand laga heli karaa barnaamijyo badan oo First Nations ku saabsan oo lacag la'aan lagu daawan karo, kuwaas oo ay ku jiraan taxane carruureed, filimmo iyo barnaamijyo-aqooneed.
Marka laga soo tago daawasahda filimada, qoysasku waxay sidoo kale ka qayb geli karaan, munaasabadaha iyo hawlaha ay qabanqaabiyaan ururrada Aboriginal iyo Torres Strait Islander ee deegaannadooda.
Esma Livermore waxay si gaar ah farta ugu fiiqaysaa laba munaasabadood oo sannad kasta la xuso, oo kala ah toddobaadka la yiraahdo NAIDOC Week oo la qabto bisha Luulyo, iyo toddobaaka isna la yiraahdo National Reconciliation Week – Toddobaadka Dib-u-heshiisiinta Qaranka, oo dhacda maalmaha u dhaxaysa 27-ka May iyo 3-da Juun ee sannad kasta.
[[Haddii ilmahaagu ka tirsan yahay koox ciyaareed, waxaad eegtaan hawlaha la qabanayo xilliyada NAIDOC Week ama National Reconciliation Week. Mararka qaarkood farshaxanno Aboriginal ama Torres Strait Islander ah, ayaa naqshadeeya funaanadaha kooxaha. Waxaa kale oo la helaa fursado ay farshaxannadaasi uga hadlaan macnaha ku duugan shaqooyinkooda farshaxannimo. Waxaa kale oo la qabtaa xusas la kala yiraahdo Welcome to Country iyo Acknowledgement of Country. Waanamunaasabado lagu aqoonsado, laguna qadariyo dadka dhulkaas iyo dhaqankaas asal ahaan leh. Dad badan oo dalka ku cusub ayaana halkaas ka bartay sida ay dadka First Nations nolosha u arkaan, farshaxankooda, dhulkooda, bulshada iyo dhaqankoodaba.]] ayay tiri.

Barashadaas dadka dalka loogu yimid iyo hababkooda, waxaa lagu sii wadan karaa guriga. Internetka ayaa laga heli karaa barnaamijo iyo macluumaad laga barto taariikhda, dhaqamada iyo aragtiyada dadka First Nations.
Waxaa jira barnaamij ka baxa SBS oo la yiraahdo SBS Learn, waxaa laga helaa casharro iyo agab waxbarasho oo ku salaysan manhajka Australia, laga bilaabo sannadaha hore ee dugsiga ilaa fasalka 12-aad, kuwaas oo waalidiinta iyo carruurtoodu si wadajir ah uga faa'iidaysan karaan.
Livermore, waxay ka shaqaysaa Ururka Reconciliation Australia, oo ah mid dalka oo dhan uga shaqeeya sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo isfahamka u dhexeeya dadka Aboriginal iyo Torres Strait Islander iyo bulshada kale ee Australia.
Mid ka mid ah barnaamijyada ay Livermore maamusho waxaa la yiraahdaa Narragunnawali: Reconciliation in Education. Barnaamijkan wuxuu dugsiyada iyo qoysaska ka caawiyaa sidii carruurta loo bari lahaa dhaqamada, taariikhda iyo doorka ay dadka First Nations ku leeyihiin Australia maanta.
[[Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan dadka ku boorrinno, waa inay xidhiidh la yeeshaan bulshada Aboriginal iyo Torres Strait Islander, ee deegaankooda. Macluumaadka aannu bixino waxay dadka tusaan siyaabo iyo fikrado lagu samaysan karo xidhiidhkaas, taasoo ka baxsan waxbarashada dugsiga, kuna dhiirrigelinaysa dadka, inay bulshada Aboriginal iyo Torres Strait Islander dhexdeeda tagaan oo ay xiriir iyo isbarasho la yeeshaan ]] ayay tiri.
In carruurta lala safro ayaa sidoo kale noqon kara hab wanaagsan oo lagu baro Australia-da ay dadka asaliga ahi leeyihiin.
Livermore waxay ku talinaysaa, ka hor inta aan meel cusub la booqannin, in la isticmaalo khariidad ku taal bogga Australian Institute of Aboriginal and Torres Strait Islander Studies, oo loo yaqaan AIATSIS.
Khariidaddani waxay dalxiisayaasha ama dadka booqanaya ka caawisaa inay wax ka ogaadaan bulshada, qolooyinka, ama afafka First Nations-ka ee ku xidhan deegaanka ay booqanayaan.
Booqashada khariidadda kadib, waxaa kuu sahlanaanaysa in aad raadiso xog ku saabsan deegaankaas, dadka leh, goobaha muhiimka ah iyo waayo-aragnimada First Nations ee laga qayb qaadan karo.
Waxaa xusid mudan, in marka dadka First Nations-ku ay adeegsadaan erayga "Country", aysan uga jeedin waddan, sida aynu caadi ahaan u fahamno. Eraygaasi wuxuu kulmiyaa tilmaanta, dhulkii awoowayaashood, goobaha ruuxiga ah, dhaqanka, xusuusta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya bulshada iyo deegaanka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Fadlan kusoo biir oo la soco, Australia Explained, si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka iyo ku-xasilka dalkaaga cusub.
Ma noo haysaa waxa su'aal ah? Mase nagu soo biirin kartaa fiker? Fadlan nagala soo xiriir Email-ka: australiaexpliened@sbs.com.au




