Australia Explained: Closing the Gap - Xidhidda Farqiaga

Australia Explained - Indigenous Education

First Nations-led education sees stronger engagement, outcomes and pathways for young people. Credit: courtneyk/Getty Images

Waxbarashadu waa dariiqa loo maro in la helo fursado nolosha sahla, laakiin ardayda kasoo jeeda dadka waddanka loogu yimid ee Australia waxay la kulmeen caqabado ka hortaagan sidii ku heli lahaayeen fursaddaas


Key Points
  • The gap in education outcomes between Indigenous and non-Indigenous students has narrowed over the years, but still remains. 
  • Some experts believe that embracing First Nations-led and cultural education initiatives will improve education outcomes for all children. 
  • A Year 12 graduate credits teacher support and connection with culture through school for her academic milestone.  
Addoonsigii reer Yurub ka hor, qoymiyadda koowaad waxay lahaayeen hab waxbarasho oo qani ah, kaasoo xudduntu ugu xidhnayd deegaanka iyo bulshadaba. Caadooyinkaasina weli way socdaan.

 Sidaa ay tahay waxaa weli jirta sinnaan la’aan xagga waxbarashada ah. Ardayda qoymiyadda koowaad, way kaga dambeeyaan ardayda kale, xagga, qoraalk, xisaabaabtaa, iyo tegidda iskuullada iyo jaamacadahaba. Taasna waxaa sababa xaqiraadda joogtada ah, waxbarashada oo aanu dhaqankoodu ku jirin iyo dhaqaale yarida.

“Waxay iftiimisay siyaasado ay ka mid ahayd tii la odhan jirey ‘exclusion on demand’ ee lasoo saaray horraantii qornigii 20aad..” 
Sharon Davis.jpeg
Sharon Davis, CEO of NATSIEC Source: Supplied / Sharon Davis
Sannadkii 2008 ayaa dowladda Austalia waxay dadka qowmiyadda koowaad raalli-gelin buuxda ka siisay sidii xumayd ee loola dhaqmay, gaar ahaan, carruurtii sida qasabka ah looga qaadi jirey qoysaskooda. Raalli gelintaasna waxaa qayb ahaan ka mid ahayd in la tirtiro, farqiga dhinaca nolosha iyo waxbarashada ah ee u dhexeeya bulshada qowmiyadda koowaad iyo bulshooyinka kale.


Sharon Davis, oo reer Bardi iyo Kija ah, ahna maamulaha guud ee hayd la yiraahdo, National Aboriginal and Torres Strait Islander Education Corporation ( NATSIEC) ayaa sheegtay in marka laga wada hadlayo tirtirdda farqiga, ay muhiim tahay in la aqoonsado sooyaalka dhibaatada cunsuriyadda ee ay carruurta qowmiyadda koowaad la kulmaan.n.


“Waxaan ognahay in ururada ay bulshadu Aboriginal-ku gacanta ku hayso ay yihiin habka ugu wacan ee loo daboolo baahiyaha bulshada,” Davis says. 

“Marka dadkeenna ay hormuud ka yihiin waxbarashada, waxaan aragnaa ka-qaybgal wanaagsan, natiijooyin fiican, iyo waddooyin   u furan dhalinyaradeenna.” 

Could cultural education be the way forward? 

Dr Anthony McKnight waa nin ka soo jeeda qoomiyadaha Awabakal, Gameroi iyo Yuin, wuxuuna ka shaqeeyaa Jaamacadda ‘University of Wollongong’ faraceeda Woolyungah Indigenous Centre

Wuxuu sanado badan ku bixiyay cilmi-baarista iyo baridda sidii habka wax-baridda ee Aboriginal-ka loogu dari lahaa manhajka iyo siyaasaddaba.

Dr McKnight wuxuu aaminsan yahay in macnaha "Xiridda farqiga" (closing the gap) uu u baahan yahay in dib loogu qaabeeyo nooca waxbarashada ee dadka dhulka loogu yimid.

“Anigu waxaan u arkaa in cunugga Aboriginalku ahaado dhexdhexaadka ay labada hab ee waxbarasho ku kulmaan. Ardaydayadu, waa inay xirfad yeeshaan si ay ula noolaadaan labada nooc ee waxbarasho-ba.” 
UOW INDIGENOUS LITERACY DAY
Dr McKnight has spent years teaching and researching how to embed Aboriginal pedagogy in curriculum, policy, and practice. Source: Supplied / MichaelDavidGray
Retori Lane.png
Retori Lane (L) with her mother, Jenadel Lane. Source: Supplied / Retori Lane
Cidaha waxbarashada ka taageerayey waxaa ka mid ahaa, shaqaalaha dugsiga, macallimiin iyo shaqaale kale oo kasoo jeeda qoymiydda koowaad, iyo sidoo kale shaqaale ka socday ‘National Aboriginal Sports Corporation Australia (NASCA) oo ah urur barnaamijyo ka wada NSW iyo Northern Territory si uu uga caawiyo ardayda qoymiyadda koowaadi inay ku xirmaan dhaqankooda kuna guuleystaan guuleystaan waxbarashada

“Runtii waxaan helay taageero badan, gaar ahaanna ka helay dhammaan shaqaalaha dugsiga. Sidoo kale, shaqaalaha NASCA. Waxay iman jireen iskuulka oo I geyn jireen fasalka, intaan doonana I caawin jireen. Markaasay macallimiintuna iisii dheerayd oo i caawinn jireen iyaguna]] ayay tiri.”

Retori, hooyadeed Jenadel, qudheedu waa ku-xigeenka maamulaha Dubbo Senior College oo ah schoolka gabadheedu ka qalin jabisay, waxayna iyada qudheedu ahayd qofkii ugu horreeyay ee qoyskeeda ka mid ah ee jaamacad gasha.

Retori waxay baran doontaa Bachelor of Arts iyadoo ku takhasusi doonta maaddadd Indigenous studies.

“Waxaan isku dayayaa inaan isku diyaariyo inaan waxbaro carruurta qowmiyadda koowaad ee lumiyay aqoontoodii, oo aan ka warqabin waxa ay lumiyeen, ayna sababtay wixii ku dhacay jiilashii kala dambeeyey. Waxaan rajeynayaa inaan qayb ka noqdo soo nooleynta dhaqankii.”  
Kusoo biir Podcast-ka Australia Explained si aad ula socoto macluumaad kaa caawiya degitaanka iyo ku xasiladda noloshaada cusub ee Australia.

Su'aal ama talo ma noo haysaa? Noogu soo dir: australiaexplained@sbs.com.au.

Share

Recommended for you

Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand