Muxuu noqonayaa doorka Boqortooyada Britan ee Australia?

QE2 Members Of The Royal Family Attend Events To Mark The Centenary Of The RAF

LONDON, ENGLAND - JULY 10: (L-R) Prince Charles, Prince of Wales, Prince Andrew, Duke of York, Camilla, Duchess of Cornwall, Queen Elizabeth II, Meghan, Duchess of Sussex, Prince Harry, Duke of Sussex, Prince William, Duke of Cambridge and Catherine, Duchess of Cambridge watch the RAF flypast on the balcony of Buckingham Palace, as members of the Royal Family attend events to mark the centenary of the RAF on July 10, 2018 in London, England Credit: Chris Jackson/Getty Images

Australia waxay wali xiriir rasmi ah iyo mid dareenba la leedahay Boqortooyada Britan taas oo laga dhaxlay gumasigii Britan. Geerida Boqorad Elizabeth ayaa dhalisay su'aasha ah: Muxuu noqonayaa doorka Boqortooyada Britan ee Australiada casriga ah.?


Key Points
  • The King of the United Kingdom is also the Head of State of Australia.
  • All countries of the Commonwealth are sovereign nations.
  • The King is not directly involved in the day-to-day running of Australia.
  • The Australian Republic Movement believes that Australians should choose their own head of state.
Australia ayaa wali xiriir rasmi ah iyo mid qalbi la leh Boqortooyada Britan taas oo laga dhaxlay gumaysigii Britan.

U barbardhig taas, jasiirada Carebianka ee Barbados oo joojisay in Boqortooyada Briatan ay noqoto hogaanka qaran ee dalka (head of state) sidaasna ku noqotay Jamhuuriyada bishii Nofember 2021.

Geerida Boqorad Elizabeth II oo dadeedu ahayd 96 sano, 8 September 2022 ayaa dhalisay su’aasha:

Waa maxay doorka Boqortooyada Brita nee Australiada casriga ah.

Xiriirka Australia la leedahay Boqortooyada Britan waa mid laga dhaxlay gumaysigii.

Campbell Rhodes waa cilmi baare ka tirsan Museum of Australian Democracy ee Canberra.

 “Australia waxaa lagu asaasay gumaysigii Great Britain marka waxaa laga soo qaatay dhaqamo badan Britan, oo ay ka jirto nidaamka dawlada. Waxaa kale oo ka mid ah Boqortooyada.”

Marka Boqorka ama Boqorada UK waa madaxa qaran ee Australia.

Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxay ahayd Boqorada UK iyo 14 dal oo ka tirsan barwaaqo sooranka oo xukunkeeda hoos imaanayay wixii ka danbeeyay markay xilka la wareegtay Febaraayo 1952.

Elizabeth II ayaa noqotay qofkii ugu waqti dheeraa taariiqda Boqortooyada Britan. Marka ay dhimatayna wiilkeeda Cahrles ayaa noqonaya Boqorka. Wuxuuna xukunkiisa la wareegay isagoo noqonaya Boqor Charles kii sadexaad.

Dhamaan dalalka barwaaqo sooranku waa wadamo xor ah o oleh sharuucdooda u gaarka ah iyo dawladohooda.

Qaab dhismeedak dawladeena iyo awoodaha waxaa lagu xusay dastuurka Australia, sida ay sharaxayso Sandy Biar oo ah agaasimaha qaran ee Australian Republic Movement (ARM) ama dhaqdhaqaaqa u dooda in Australia noqoto republic oo boqortooyada laga taqaluso.

“Australia waxay leedahay dastuur qoran, isaga ayaan ah kan xukuma dhamaan sharuucda dalka, qofka ugu sareeya dastuurkaasna waa Boqorada ama Boqorka. Qofkaas waxaa lagu tilmaamaama Madaxa Qaran ama head of state. Marka maadaama madixii qaran u uku nool yahay dhanka kale ee aduunka waxay u wakiishaan u matala Australia oo matala waxaa qofkaas la yiraahdaa Governor General."
QE2 Camilla and Charles
With the death of Queen Elizabeth II, her son Charles became King. He has begun his reign as King Charles III. Credit: Carl Court/AP/AAP Image

Boqortootadeena ayaa ah Madaxa Qaran, marka Australia waxaa lagu tilmaamaa 'datuuriyan boqortooyo'.

Marka Boqortooyadeena King Charles III ayaa ah madaxa qaran ee Australia. Sidaas darteedna waxaa lagu tilmaamaa dal dastuuriyan boqortooyo ah sida ay sheegtay Judith Breth, oo ah proffesorad culuunta siyaasada ka dhigta jaamacada La Trobe.

“Jagada Head of State waa mid ah si ahaan jago xafladeed ah. Ma ah awood fulineed, halka qofka dawladae hogaamiya uu leeyahay awood fulineed. Marka farqi ayaa u dhexeeya madaxa qaran oo astaan uun ah oo u taagan midnimada dalka iyo madaxa dawladae oo loo tartamo."

Boqorka waxaa Australia ku matalaya Governor General oo Canberra fadhigiisu yahay iyo Governors oo caasimadaha gobolada fadhigoodu yahay.

Boqortooyadu si toos ah uguma lug laha shaqada dawladae Australia, saamayn toos ahan kuma laha bulsho waynta Australia, dhaqaalaha dalka iyo dawladaba sida uu sheegay Campbell Rhodes.

“Laakiin boqortooyadu way danaysaa, waana lala socodsiiyaa waxa ka dhacaya Australia. Waayahan danbe waxay u dhaqantaa sidii qof la taliye oo kale ah oo RW kalsooni siiya ee ma ah qof saamayn toos ah leh."

Muxuu yahay doorka Governor Generalku?

King Charles III waxaa Australia u matala Governor General oo fadhigiisu yahay Canberra iyo Governoradda caasimada gobolada oo dhan.

The Governor General waxaa magacaaba Boqorada ama Boqorka oo la tashanaysa dawlada Australia. Wuxuuna u shaqeeyaa sidii qof boqortooyada u matala Australia, markastana raaca talada dawlada lagu doortay magaca Boqortooyada.

Hadda waxaa xilka Governor General haya mudane is David Hurley.

Sida Boqorka oo kale Governor Feneralku ma dhex galo howl maalmeedka dawlada sida ay sheegtay Sandy Biar.

Markasta oo baarlamaanku sharci maro, markasta oo aan doorasho aadno, waxaa loo baahan yahay in wakiilka boqoradu ansixiyo.
Sandy Biar, National Director of the Australian Republic Movement.
Wakiilka boqortooyadu wuxuu sidoo kale ansixiyaa RW Australia oo inta badan laga soo doorto xisbiga ku guulaysta kuraasta ugu badan baarlamaanka kadib doorashada.
Queen Elizabeth II watches Tjapukai Aboriginal ceremonial fire performance near Cairns, 2002.
Queen Elizabeth II watches Tjapukai Aboriginal ceremonial fire performance near Cairns, 2002. Credit: Torsten Blackwood/AFP via Getty Images

Xiriirka oo loo jaro

Sharcigii la ansixyay 1986 ayaa gooyay dhamaan xiriirkii rasmiga ahaa ee u dhexeeyay Britan iyo dawlada Australia, marka laga reebo tan boqortooyada.

Intii ay Boqorad Elizabeth II xilka haysay dalal ay Britan gumaysan jirtay ayaa xoriyadoodii helay, waxayna xiriirkii u jareen boqortooyada. Dalkii u danbeeyay ee sidaa yeela waa Barbados oo 18 November noqday dal jamhuuriyad ah. Hadda waxaa dalada dalalka barwaaqo sooranka ku haray 15 dal.

Dad badan ayaa dareemaya in Australia haddama ay ka muuqato dabeecada dal jamhuuriyad ah. Sandy Biar oo ka tirsan Australian Republic Movement ayaa ku doodaysa is badal.

Australian Republic Movement wuxuu aaminsan yahay in intii aan yeelan lahayn boqor ama boqorad ah Madaxa Qaran ee Australia aan badal keeda yeelano qof Australian ah oo shacabka Australia ay soo doorteen
Sandy Biar of ARM
"Waxaana qabaa inay macne samaynayso in dhamaan go’aamada dal xor ah oo keena oo kale ah si domoqraadiyad ah loo sameeyo, dadka wakiilada naga ah ay danaha Australia mudnaanta siiyaan.

Sidoo kale markii ugu horaysay taariiqda Australia ayay dawlada hadda talada haysa ee Laborku waxay u magacowday Matt Thistlethwaite inuu noqdo kaaliyaha wasiirka ee arimaha jamhuuriyada.

Caadifada laga qabo boqortooyada Britan ayaa sidoo kale is badalaysa sida ay sheegayso Judith Brett. Xataa xiisihii loo qabi jiray booqashada boqortooyada sidii ay hore u ahaan jirtay ma aha.

The Duke and Duchess of Cambridge visit Taronga Zoo, Sydney during their official 2014 tour to New Zealand and Australia
The Duke and Duchess of Cambridge visit Taronga Zoo, Sydney during their official 2014 tour to New Zealand and Australia Credit: Anthony Devlin/PA Images via Getty Images
“Waxay ila tahay in bilowgii 50 meeyadii markaas oo niyad wanaaga loo qabo boqortooyada ay aad u saraysay. Markaas oo boqorada oo dhalinyar iyo saygeeda Prince Phillip ay Australia soo booqdeen. Waxaana laga eegi karaa waqtigaas wuxuu ahaa wax yar kadib dagaalkii labaad ee aduunka iyo dhaqaalo xumadii 30 meeyadii, aduunka oo dhana caan ayay ka ahaayeen, haddase maadaam safarka diyaaraduhu batay saamayntii waagaas oo kale ma ay laha."

Haddii Australia ay noqoto jamhuuriyad oo boqortooyada ka xiriir furato, waxaan dooran karnaa inaan wali ka sii mid noqono dalalka barwaaqo sooranka, sida Hindiya oo kale tusaale ahaan.

Marka Jamhuuriyada Australia sidee u ekaan lahayd? Sandy Biar iyo ururka Australian Republic Movement ayaa isku dayay inay ka jawaabaan su’aashan.

“Marka waxaan kala tashanay qaybo badan oo dadweynaha Australia sida ay u ekeen lahayd, waxaana ku dhawaaqi doonaa jawaabta bilaha soo socda.”

Sanadkii la soo dhaafay ARM ayaa la tashatay dad ka badan 8,000 oo ka tirsan shacabka Australia si ay u fahmaan sida Australia oo jamhuuriyad ah u ekaan lahayd, waxayna ku dhawaaqeen The Australian Choice Model Janaayo 2022. Waxaa lagu sharaxay isbadalka loo baahan yahay in lagu sameeyo dastuurka si shacabka Australia ay u doortaan Madaxa Qaran.

Share
Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand