Premier-ka NSW Chris Minns ayaa difaacay tallaabadii ay booliisku ka qaadeen mudaharaad ka dhacay Sydney, kaas oo lagaga soo horjeeday booqashada madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog. Dibadbaxayaal isugu soo baxay Sydney Town Hall-ka Sydney, si ay u cambaareeyaan booqashada Herzog ayaa la sheegay inay booliisku ku buufiyeen basbaaska indhaha (pepper spray), rii-riixeen, qaarna garaaceen.
Share





