SBS News Somali: Warka Talaado 23 December 2025

Dacwad dhinaca dastuurka ah ayaa laga yaabaa in laga gudbiyo, tallaabooyinka ka-hortagga mudaharaadyada ee laga hirgelinayo gobolka New South Wales, kaddib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi. Baarlamaanka gobolka ayaa dib loogu yeeray kulan socdey laba maalmood, si ay u ansixiyaan sharciyo xaddidaya mudaharaadyada, bartilmaameedsanaya hadallada naceybka isla markaana adkaynaya shuruucda lahaanshaha hubka.
Share


