SBS News Somali: Warka Talaado 24 February 2026

Booliiska New South Wales ayaa sheegay inay heleen wax ay aaminsan yihiin inuu yahay maydka nin 85 jir ah oo lagu magacaabi jiray Chris Baghsarian. Saraakiisha dambi-baarista ee kiiska gacanta ku haysa ayaa saaka 8:00 subaxnimo hadhaa bini’aadan ka helay, meel u dhow naadi kubbadda golf-ka ah oo ku yaalla Pitt Town, oo ka tirsan waqooyi-galbeedka Sydney.
Share


