Trump oo Yurub maagay Ukraine oo dagaal ku jirtona ku cadaadiyey inay doorasho qabtaan

President Donald Trump speaks at Mount Airy Casino Resort, Tuesday, Dec. 9, 2025, in Mount Pocono, Pa. (AP Photo/Alex Brandon) Source: AAP / Alex Brandon/AP
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday waddamada qaaradda Yurub. Madaxweynaha ayaa waraysi uu bixiyey, oo hadal-hayn badan dhaliyey, ku sheegay inay qaaradda Yurub “duminayso” sabab la xiriirta siyaasadahooda socdaalka kuwaas oo uu ku tilmaamay siyaasado daciif ah.
Share


