SKIP TO MAIN CONTENT

Waraysi: Wefti Ka Socda Jaamacadda Cammuud oo Soo Booqday Australia

amud_1.png
Dr. Mohamed Muse Jibril (PhD) - President of Amoud University on the right, Mohamed Heban Awale - Director of International Partnership and Projects of Amound University in the middle and Abdirahman Harun on far left.

Dhegeyso waraysigii Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud, Dr. Mohamed Muse Jibril (PhD) iyo Agaasimaha Xiriirka Caalamiga iyo Mashaariicda jaamacadda Cammuud, Mohamed Heban Awale oo socdaal shaqo ku yimid dalka Australia.


Published

Updated

By Abdinur Ismail

Presented by Abdinur Ismail

Source: SBS


Skip to podcast episode content

Dhegeyso waraysigii Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud, Dr. Mohamed Muse Jibril (PhD) iyo Agaasimaha Xiriirka Caalamiga iyo Mashaariicda jaamacadda Cammuud, Mohamed Heban Awale oo socdaal shaqo ku yimid dalka Australia.


Waxaa dhowaan dalka Australia booqasho ku yimid Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud, Dr. Mohamed Muse Jibriil (PhD) iyo Mohamed Heebaan Awaale oo ah Agaasimaha Xiriirka Caalamiga iyo Mashaariicda jaamacadda.

Labada mas’uul ayaa, sida ay sheegeen, Australia ku yimid martiqaad uga yimid ururka Australia Africa Universities Network (AAUN), oo ah urur ay ku bahoobeen 29 (labaatan iyo sagaal) jaamacadood oo ku kala yaalla Australia iyo Africa. Sida ay ma’uuliyiintu u sheegeen Laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda SBS, waxay Jaamacadda Cummuud xubin ka noqotay ururkan bishii Juun ee 2026 iyagoo isla markaana kusii daray inay booqashadoodu qayb ka ahayd xiriirka iyo iskaashiga ay jaamacaddu la yeelanayso hay’adaha iyo jaamacadaha dibadda.

amud_2.png
Left: Mohamed Heban Awale - Director of International Partnership and Projects Right: Dr. Mohamed Muse Jibril (PhD) - President of Amoud University

Jaamacadda Cammuud ee ku taalla magaalada Boorame, waxay leedahay sooyaal dheer oo kasoo bilaabma xilligii gumaysigii Ingiriiska, markaas oo deegaanka Cammuud laga aasaasay dugsi dhexe iyo mid sare sannadihii afartamaadkii iyo kontomaadkii. Qiyaastii 1980-kiina, dugsigii dhexe waxaa loo beddelay dugsi sare oo laga baran jirey culuunta beeraha, lana oran jirey Dugsiga Sare ee Beeraha Cammuud.

Labada dugsi, kan sare iyo kii beeruhuba, waxay shaqaynayeen ilaa burburkii dowladdii Soomaaliya horraantii 1990-meeyadii, xilligaas oo duruufuhu albaabada u laabeen.

Balse dhowr sano ka dib, ayay dad deegaanka ahi isu xilqaameen in ay dib u soo nooleeyaan magacii Cammuud, iyagoo qiyaastii 1997-kii goobtii dugsiyada ka bilaabay Jaamacadda Cammuud ee hadda jirta, iyadoo waagaas lagu bilaabay 3 (saddex) macallin iyo qiyaastii 60 (lixdan) arday oo keliya. Maantana waxay Jaamacaddu sheegataa inay wax ka bartaan illaa 6000 (lix kun) oo arday, ayna ka shaqeeyaan 501 (shan boqol iyo kow) shaqaale ahi.

Way u diyaarsantahay jaamacaddu saddexda tiir ee nalaga filayo ee waxbarasho tayo leh, cilimi-baaris heer sare ah iyo adeegga bulshada.
Dr. Mohamed Muse Jibril (PhD)

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay jaamacaddu ka kooban tahay toban iyo saddex kulliyadood oo mid kataana leedahay muhimmadeeda gaarka ah, waxayse si gaar ah afka ugu dhufteen kulliyadaha caafimaadka iyo beeraha iyagoo ka raacaya muhimadda ay u leeyihiin baahiyaha ma-dhamaatada ah ee caafimaadka iyo cuntada.

Labada mas’uul waxay sheegeen, in aanay Cammuud ku koobnayn oo keliya waxbarashada ardayda awoodda u leh inay iska bixiyaan kharashka jaamacadda. Sida ay tilmaameen, jaamacaddu waxay si bilaash ah wax ugu dhigtaa ilaa 500 oo arday, oo isuga jira arday ka soo jeeda bulshooyinka gobolka Awdal ee la hayb-sooco, agoon la xaqiijiyey iyo arday qaba baahiyo gaar ah.

Waxay sidoo kale xuseen in ay ardayda caafimaadka barata ee jaamacaddu, si iskaa-wax-u-qabso ah, daryeel caafimaad oo bilaash ah u siiyaan bulshada dan-yarta ah ee deegaanka. Ardayda caafimaadka ayaa, sida ay sheegeen, toddobaadkii laba maalmood dadka danyarta ah ee deegaanka si bilaash ah u siiya adeegyo caafimaad.

Haddaad gobol kasta tagto oo Soomaaliya ah, waxaad ugu tegeysaa dhakhtar ka baxay Jaamacadda Cammuud oo ka shaqaynaya caafimaadka.
Mohamed Heban Awale

Saamaynta Jaamacadda Cammuudna, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, waxay gaartay guud ahaan deegaannada Soomaalida oo ay maanta ka shaqeeyaan xirfadle-yaal wax ka soo bartay jaamacadda Cammuud, sida dhakhaatiir, macallimiin iyo khubaro dhinaca beeraha ah.

Magaca Cammuud waa mid diidey inuu haro. Wuxuuna Soomaali badan xasuusiyaa “War-barasho”. Wuxuu ku suntan yahay goob waxbarasho oo soo jirtay tan iyo xilligii Ingiriiska, marxalado adagna usoo dhabar-adaygtay. Waxaa u kala dambeeyey dugsiyo dhexe iyo sare, kii beeraha iyo hadda oo ay ku dambeysey sumadda jaamacad la oran karo, waxay ka mid tahay kuwa ugu magac dheer, tayo ahaana isku dhererisa jaamacadaha kale ee Geeska Afrika. Kumannaan arday ah ayaa si maalinle ah uga hela, hooy, hurdo, cunto iyo cilmi intaba.


Latest podcast episodes

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now