Ku dhowaad shantii nin ee Australia ku noolba hal nin ayaa kansarka qanjirka prostate-ku dhacaa waqti ka mid ah noloshiisa. Fahamka halista jirta iyo fursadaha baaritaanka ayaa ka caawin kara in kansarka goor hore la ogaado lana daaweeyo. Qaybtan Australia Explained ka dhageyso warbixin ku saabsan kansarka qanjirka prostate-ka, baaritaanka PSA, daaweynta iyo taageerada la heli karo.
Key Points
- Marka laga reebo kansarka maqaarka, kansarka qanjirka prostate-ka ayaa ah kansarka ugu badan ee ragga Australia laga helo.
- Kansarka qanjirka prostate-ku badanaa ma laha calaamado lagu garto, gaar ahaan marxaladihiisa hore. Hase yeeshee, qanjirka prostate-ka oo u weynaada si aan kansar la xiriirin ayaa sababi kara dhibaatooyin la xiriira kaadida
- Baaritaanka dhiigga ee loo yaqaan PSA ayaa ah habka ugu weyn ee lagu ogaado kansarka qanjirka prostate-ka, waxaana guud ahaan lagula taliyaa ragga marka ay gaaraan 50 jir.
- Waa maxay qanjirka prostate-ku, muxuuna dhib u noqdaa?
- Wa maxay waxyaabaha qofka u kordhiya halista kansarka qanjirka prostate-ka, sidee baana lagu ogaan karaa?
- Daaweyno noocee ah ayaa jira?
- Sidee ayuu qofku dareemaa marka laga helo kansarka qanjirka prostate-ka?
- Taageero noocee ah ayay helaan ragga uu ku dhaco kansarka qanjirka prostate-ku?

Waa maxay qanjirka porstate-ku, muxuuna dhib u noqdaa?
Qanjirka prostate-ku wuxuu le'eg yahay qiyaastii xabbad lawska loo yaqaan walnut, wuxuuna ku yaallaa kaadi-haysta hoosteeda.
Professor Declan Murphy oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada kaadi-mareenka, kana tirsan Peter MacCallum Cancer Centre oo ku yaalla magaalada Melbourne, ayaa sharxaya shaqada qanjirkaasi qabto.
[[ "Qanjirka prostate-ku wuxuu soo saaraa dheecaan ku milma shahwada si biyaha taranka ee raggu u samaysmaan. Dheecaankaasina wuxuu caawiyaa ilaalinta iyo nafaqaynta unugyada taranka ee ku dhex jira shahwada. Sidaa darteed doorkiisa ugu weyn wuxuu la xiriiraa soo-tuuridda shahwada." ]] ayuu yiri Professor Declan Murphy.
Marka raggu sii da’ weynaadaanba, qanjirka prostate-kuna inta badan wuu sii weynaadaa.
Weynaantaasi badanaa ma aha kansar. Dhakhaatiirtu waxay ugu yeeraan benign enlargement, oo macnaheedu yahay in aanu qanjirku u weynaanin kansar awgii.
Marka qanjirku gabowga dartii u weynaado, wuxuu cadaadis saari karaa kaadi-mareenka, taas oo qofka ku khasbi karta inuu habeenkii dhowr jeer kaadi u kaco.
Helen Crowe oo ka tirsan Australian Prostate Centre ayaa sheegaysa, in ay tani ka mid tahay isbeddellada caadiga ah ee gabowga.
[[ "Weynaanta qanjirka ee da’du kansar lama xiriirto. Waa qayb ka mid ah geeddi-socodka gabowga. Laakiin marka qanjirku weynaado wuxuu adkayn karaa qulqulka kaadida, waana markaas marka rag badani ogaadaan inuu jiro qanjirkan, ka dib markuu uu billaabo inuu dhibaataynayo." ]] ayay tiri Helen Crowe.
Qanjirka prostate-ka waxa kale oo ku dhici kara caabuq ama infekshan loo yaqaan prostatitis (prostataatis).
Prostatitis waa caabuq ku dhaca qanjirka prostate-ka, xanuunna ku keeni kara qaybta u dhexaysa xubinta taranka iyo dabada. Xaaladdan ayaa saameyn karta hurdada qofka, waxayna ku adkayn kartaa jimicsiga iyo xitaa fariisiga.
[[ "Waa xaalad aad u xanuun badan. Rag badan ayaa dhakhtarka u taga oo u sheegta inay hurdadii seexan waayeen ama inay ku adag tahay inay fariistaan ama jimicsi sameeyaan xanuunka dartiis." ]] ayay tiri Helen Crowe.

Waa maxay waxyaabaha qofka u kordhiya halista kansarka qanjirka prostate-ka, sidee baana lagu ogaan karaa?
Qanjirka prostate-ka waxa kale oo ku dhici kara cudurka kansarka oo aan badanaaba calaamadihiisa la dareemin, gaar ahaan marxaladdiisa hore.
[[ "Ragga qaarkood kansarkani dhibaato weyn uma keeno waxaana lagu maamuli karaa dabagal iyo ka-waryahayn. Laakiin kuwo kale wuxuu ku noqon karaa cudur halis ah oo keena calaamado culus, xitaa dhimasho. Kansarka qanjirka prostate-ku dhibaato weyn buu ku hayaa dunida oo dhan. Daraasad dhowaan la daabacay ayaa saadaalisay in muddada u dhexaysa 2020 ilaa 2040, ay tirada kiisaska kansarkani labanlaabmi doonto. Marka laga soo tago kansarka maqaarka, waa kansarka ugu badan ee ragga Australia ku dhaca. Marka ragga Australia joogaa ay gaaraan 80 jirka, fursadda ah in laga helo kansarkan waxay gaartaa ku dhowaad shantii mikood." ]] ayuu yiri Professor Declan Murphy.
Marka laga reebo kansarka maqaarka, kansarka qanjirka prostate-ka ayaa ah kansarka ugu badan ee ragga Australia laga helo.Professor Declan Murphy
Sida ay sheegtay Helen Crowe, wali si buuxda looma oga sababta uu kansarka qanjirka prostate-ku, ugu badan yahay ragga.
Waxaase la og yahay in ay da’du ay tahay qodobka ugu weyn ee halista kordhiya. Sidoo kale, haddii kansarkani ku badan yahay qoyska qofka, ama uu qofku leeyahay isbeddello hidde-side oo gaar ah, halistu markaa way sii korodhi kartaa.
Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale daraasaynayaan saamaynta ay hab-nololeedka qofku ku yeelan karto halista kansarka prostate-ka.
Mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee kansarkan lagu ogaan karo ka hor inta aysan calaamado muuqanin, waa in la baaro dhiigga loo yaqaan PSA.
PSA waa walax uu soo saaro qanjirka prostate-ku, waxaana la cabbiraa heerkeeda dhiigga si loo ogaado inay jiraan calaamado muujinaya in qanjirkaasi dhibaato qabo.
Ragga da'doodu gaarto 50 jir ayaa lagula talinayaa inay dhakhtarkooda kala tashadaan in baaritaanka PSA uu ku habboon yahay iyo in kale.
Laakiin dadka halista dheeraadka ah ku jira arrinta, waxaa si gaar ah loogu baraarujinayaa inay la tashadaan dhakhtar, inta ayba da’ yar yihiin.
[[ "Haddii aad ka walaacsan tahay kansarka qanjirka prostate-ka, ha sugin inta calaamado kaa soo baxayaan. Waxaa jira dad halistoodu ka badan tahay tan dadka kale, sida kuwa uu kansarkani ku badan yahay qoyskooda, dadka leh isbeddello hidde-side iyo qaar ka mid ah bulshooyinka kale ee khatartu ku badan tahay. Dadka xaaladdaas ku sugan waxaan kula talinaynaa inay baaritaanka kala hadlaan dhakhtar, markay gaaraan qiyaastii 45 jir." ]] ayuu yiri Professor Declan Murphy.

Daaweeyno noocee ay ayaa jira?
Professor Murphy ayaa sheegtay in qaabka loo maareeyo kansarka qanjirka prostate-ku uu ku xiran yahay, in la ogaado, kolba heerka uu marayo iyo sida uu u daran yahay.
[[ "Bukaannada waa in loo xaqiijiyaa in ogaanshaha kansarka qanjirka prostate-ku, aanu macneheedu ahayn inay daaweyntu tahay lama huraan. Australia gudaheeda, in ka badan 90 boqolkiiba bukaannada kansarka, waxaa la ogaadaa iyagoo weli ku kooban qanjirka prostate-ka, inta badanna waxaannu ku talinnaa dabagal iyo kormeer joogto ah." ]] ayuu yiri Professor Declan Murphy.

Sidee ayuu qofku dareemaa marka laga helo kansarka qanjirka prostate-ka?"
Danny Moyle wuxuu ahaa 65-jir markii uu dhakhtarkiisu, u gudbiyay dhakhtar ku takhasusay cudurrada kaadi-mareenka.
Sababtuna waxay ahayd in heerka PSA ee dhiiggiisu, uu sannadihii dambe si tartiib tartiib ah kor ugu sii kacayay.
Baadhitaanno kale oo dheeraad ah ka dib, dhakhtarkii wuxuu kula taliyay in qanjirka prostate-ka gebigiisaba lagu saaro qalliin.
[[ "Baadhitaanno kale ayaa la sameeyay, kadibna waxaa la igula taliyay in qanjirka prostate-ka gebi ahaanba la iga saaro. Arrintaasi aad bay iigu cuslaatay, sababtoo ah qayb muhiim ah, oo ka mid ah habdhiska tarankayga ayaa la iga saarayaa, taasina saameyn weyn ayay ku yeelan kartaa noloshayda." ]] ayuu yiri Danny Moyle.
Qalliinka kadib-se, heerarkii PSA ayaa mar kale bilaabay inay kor u kacaan, taasoo abuurtay walaac hor leh, oo ah in unugyo kansar ahi wali ku hadheen jirkiisa.
[[ "Taasi waxay ka dhigan tahay in uu kansarku meel jirka ka mid ah ku jiro weli. Qanjirkii prostate-ka waa la iga saaray, balse waxa cajiib ah in unugyada kansarka prostate-ku ay wali soo saari karaan PSA meel kasta oo ay jirka kaga sugan yihiin." ]] ayuu yiri Danny Moyle.
Shantii sannadood ee ka dambeysay qalliinkii Danny Moyle, dhakhaatiirtiisu waxay si joogto ah ula socdeen heerka PSA ee dhiiggiisa.
Ugu dambayntii, dhakhtarkiisa ku takhasusay daaweynta shucaaca ayaa kula taliyay inuu maro daaweyn shucaac ah oo soconaysa toddoba toddobaad iyo sidoo kale daaweyn hormoonno ah oo lix bilood ah.
[[ "Maalmo iyo bilo adag ayay ii ahayd sannadkii hore. Kadibna waxaan ku noqday baaritaannadii joogtada ahaa ee PSA, oo markii hore ahaa labadii ama saddexdii biloodba mar, dabadeedna lixdii biloodba mar. Baaritaankaygii ugu dambeeyay dhammaadkii sannadkii hore wuxuu muujiyay in aanay hadda jirin wax kansar ah oo la ogaan karo, markaa rajo fiican baa jirta." ]] ayuu yiri Danny Moyle.
Helen Crowe waxay sheegtay in marka qofka lagu wargeliyo inuu kansar qabo ay caadi tahay inuu la kulmo dareenno kala duwan.
Qaar badan oo bukaannada ka mid ah waxaa ku dhaca argagax, cabsi, jahawareer iyo walaac ku saabsan waxa xiga.
Waxay sheegtay in helitaanka xog sax ah, iyo fahamka qorshaha daaweyntu, ay dadka ka caawiso inay si wanaagsan ula qabsadaan xaaladdooda.
[[ "Argagaxu aad buu ugu dhacaa dadka marka ugu horraysa ee loo sheego inay kansar qabaan. Waa muhiim in qofka loo oggolaado inuu dareemadiisa muujiyo, isla markaana loo sheego inuu dareenkaasi yahay wax caadi ah. Badanaa xaaladdu way fududaataa marka uu helo macluumaad sax ah oo uu fahmo qorshaha daaweyntiisa. Markaas daaweyntu waxay qayb ka noqotaa noloshiisa maalinlaha ah." ]] ayay tiri Helen Crowe.
Taageero noocee ah ayay helaan ragga uu ku dhaco kansarka qanjirka prostate-ku?
Australia, dadka laga helo kansarka qanjirka prostate-ka taageero badan bay ka heli karaan.
Waxaa ka mid ah, kalkaaliyeyaal ku takhasusay cudurrada kaadi-mareenka iyo kansarka qanjirka prostate-ka, kuwaas oo ka jawaabi kara su'aalaha bukaanka isla markaana bixin kara daryeel iyo dabagal joogto ah.
Danny Moyle wuxuu sheegay in taageerada xaaskiisa iyo qoyskiisu ay door muhiim ah ka qaateen muddadii uu la tacaalayay kansarka.
Waxaa kale oo kaalmo ka helay, kooxo taageera dadka kansarka qanjirka prostate-ka ku dhaco oo deegaankiisa ka jiray.
[[ "Wax weyn ayay beddeshay inaan la kulanno rag kale oo maraya safar la mid ah kii aan annagu maraynay. Waxaan ka wada hadalnaa waayo-aragnimadayada gaarka ah, waan is taageernaa, taasina waa arrin aad muhiim u ah. Dadkii martida noogu imanayey ee aqoonta noo soo bandhigayay iyo taageerada ay xubnaha
kooxdu isu fidiyeenba waxay ahayd wax aad u wacan." ]] ayuu yiri Danny Moyle.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kansarka qanjirka prostate-ka iyo kooxo deegaankaga laga helo oo taageero bixiya waxaad ka raadin kartaa Australian Prostate Centre iyo Prostate Cancer Foundation of Australia.
Fadlan kusoo biir oo la soco taxanaha Australia Explained si aad uga barato macluumaad kaa caawiya degitaanka iyo ku xasilka dalkaaga cusub.
Ma qabtaa wax su’aal ah? Fikirse ma nagu soo biirin kartaa? Fadlan noogu soo dir email-kan: australiaexplained@sbs.com.au





