Xisbiga National-ka oo si rasmi ah uga baxay qorshaha Net Zero - 2050

Nationals Leader David Littleproud announces plans for his party to walk away from formal climate commitments, Parliament House, Canberra Sunday, November 2, 2025. (AAP Image/Zac de Silva) NO ARCHIVING Source: AAP / Zac de Silva/AAPIMAGE
Xisbiga National-ka ayaa si rasmi ah uga baxay taageerada siyaasadda Australia ee qorshaha net zero, waa dhimista qiiqa’e, sanadka 2050, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Canberra. Go’aankan ayaa dhalinaya khilaaf suurtagal ah oo dhexmara xisbiga Liberals, oo iyaguna dib u eegaya habka ay u wajahaan isbeddelka cimilada, kadib guuldarradii kasoo gaartey doorashadii Federalka ee lasoo dhaafay.
Share


