Key Points
- Influenza can cause mild to severe and even life-threatening illness.
- Yearly flu immunisation is recommended for everyone aged 6 months or over.
- Children in Australia have access to a no-needle, nasal spray flu vaccine.
- The flu vaccine is safe and effective, so speak to your doctor if you have questions or concerns.
Hargabka xilliyeedka (Seasonal Flu) waa mid aad u baahsan, si fududna loo kala qaada. Inta badan, dadka uu fayrasku ku dhaco waxay ku bogsadaan maalmo gudahood. Laakiin, dadka qaar ayaa halis ugu jira, inuu cudurku ku xumaado oo ay markaa sariir cisbitaal ku dambeeyaan.
Gudaha Australia, sannadkii 2025 wuxuu ahaa kii la diiwaangeliyey, dhimashadii ugu badnayd hargebka, waxaana dhintay inbadan kun iyo toddobo boqol (1,700) oo qof.
Dr Michael Wright waa dhakhtar guud (GP) oo jooga Sydney, ahna Guddoomiyaha Australian College of GPs. Wuxuu sheegay in ay dad badani dhayalsadaan dhibaatada hargabka. Oof-wareenka (pneumonia) iyo dhibaatooyinka neefsashada ayaa ka mid ah xanuunnad ka dhasha hargebka.
“Dad badani waxay u haystaan inuu yahay uun hargab caadi ah, laakiin waa xaalad halis ah oo disha boqolaal Australiyaan ah sannad kasta. Kumanaan kale ayaa isbitaalka loo dhigaa hargabka dartii, waayo waa caabuq ku dhaca hab-dhiska neefsashada. Mararka qaarkood si degdeg ah ayaad u bogsanaysaa, balse dadka waayeelka ah, carruurta yaryar, iyo dadka qaba xanuunada kale, sida sonkorowga iyo neefta (asthma), ayay u badan tahay, inay caabuqa sanbabada iyo oof-wareenku ku dhacaan, ayna u baahdaan isbitaal.”]] ayuu yiri

Calaamadaha noocan hargabka ahi, way ka xoog badan yihiin, wayna ka waqti dheer yihiin hargabka caadiga ah (common cold). Waxaa ka mid ah qandho sare, xanuunka murqaha iyo kala-goysyada, madax-xanuun iyo cune-xanuun.
Sida cudurrada kale ee hawada ku faafana, hargabka waxaa laga qaadaa, dhibcaha ka soo baxa cunaha ama sanka qofka qaba.
Siyaaabaha lagu yarayn karo fiditaanka hargebkana, waxaa ka mid ah, in aad ku dhaqanto nadaafad wanaagsan, sida gacmo-dhaqasho joogto ah, iyo inaad daboosho afka iyo sanka marka aad qufacayso ama hindhisayso, taasina waxay hoos u dhigi kartaa fursadda hargabka lagu qaado.
Dr Wright wuxuu wuxuu leeyahay, difaaca ugu waxtarka badan, ee aad naftaada iyo dadka kaleba aad u sameyn kartaa, waa inaad qaadato tallaalka hargabka ee sannadlaha ah.
[[“Faa'iidada tallaalka laga helaa, waa inaad yareyso halistaada bukaanka. Waxaadna xaqiijinaysaa, inaad yarayso fursadda aad si daran ugu jirran karto. Sidoo kale, waxaa yaraanaysa, suurtogalnimada aad fayraska ugu gudbin karto dadka kale. Marka, qaadashada tallaalku waa waxa ugu wanaagsan ee aad sameyn karto, si aad u badbaadiso naftaada, qoyskaaga iyo sidoo kale bulshadaada.”]] ayuu yiri

Dadka u nugul inay usoo dhacaan cudurkan waxaa ka mid ah dhallaanka, waayeelka, haweenka uurka leh iyo kuwa qaba xanuunada daba-dheeraadaa. Balse xitaa dadka caafimaadka qaba ee xoogga leh ayuu weli ku dhici karaa, hargab xooggani.
Dawladda Australia ayaa ku talinaysa in qof kasta oo lix bilood iyo wixii ka weyn jiraa, uu qaato tallaalka hargabka sannad kasta. Dadka u qalmaana waxay tallaalka ku heli karaan bilaash.
Dr ISTEFENI Williams, oo ah Kaaliyaha Agaasimaha Guud ee Xarunta Australian Centre for Disease Control, ayaa faahfaahin ka bixinaysa.
“Waxaannu ku talineynaa, inuu qof kasta oo lix bilood ka weyni, sannad kasta qaato tallaalka hargabka . Waxaana jira kooxo dad ah oo tallaalkaas loogu talagalay in bilaash lagu siiyo. Waxaana ka mid ah carruurta da’doodu u dhaxayso lix bilood ilaa shan sanno, dadka waaweyn ee 65-jir iyo ka weyn ah, haweenka uurka leh, dadka asalka ah ee Aboriginal-ka iyo kuwa Torres Strait Islanders ee lixda bilood iyo ka weyn, iyo dadka qaba xaalado caafimaad oo gaar ah.”]] ayay tiri
Getting vaccinated is the best thing you can do to protect yourself, your family and also your community.Dr Michael Wright

Kusoo biir oo la soco Austrlia Explained si aad uga hesho macluumaad kaa caawiya degitaanka dalkaaga cusub.
Wax feker ah ma nagu soo biirin kartaa, su'aalse ma qabtaa? Fadlan noogu soo idir: Email australiaexplained@sbs.com.au




