Key Points
- Jidka loo maro shaqaa turjumaadda Australia waa mid aad u nidaamsan.
- Qof kastaa waa inuu galo imtixaanka NAATI si uu noqdo turjubaan
- Turjubaanka qoraalka iyo kan hadalku imtixaanno kale duwan bay galaan
- NAATI waxay rabaan turjubaan heerkooda Ingiriisidu yahay IELTS 6
Luuqadaha ku cusub Australia iyo kuwa hadda soo baxaya, ayaa wajahaya yaraanta turjumaanno xirfad leh. Gaar ahaan qaybta caafimaadka ayaa aad ugu baahan turjumaanno hadalka turjuma, oo ay ku jiraan luuqadda calaamadaha (AUSLAN) waa calaamadaha lagula hadlo dadka aan wax maqli karin, iyo sidoo kale luuqadaha dadka asalka ah ee Australia.
Laakiin ka hor intaanad shaqo helin, waxaa jira tallaabooyin muhiim ah oo ay tahay inaad dhammays tirto.
Turjumaadda qoraalka waxaa la yiraahdaa Translation, tan hadalkana Interpretation, waxaanan loo soo gaabiya (T&I). Waa labo xirfadood oo kala duwan. Midda hadalku waa qofka oo hadalka u beddelaya luuqad kale isla ammintaas (real-time), halka turjumaadda qoraalku ay xoogga saarto qoraalka. Mid kastaana waxay u baahan tahay xirfad iyo xeelad ka duwan tan kale.
Tee, oo ah bare turjumaad, ayaa sheegtay in labadadooda si kala duwan loo barto. Waxay ku sifeysay turjumaadda qoraalka mid u baahan fikir iyo degganaan, halka tan hadalku ay tahay mid u baahan ka fal-celin degdeg ah.

"Turjumaadda qoraalku waxay kuu saamaxaysaa inaad waqti siiso oo aad ka fikirto mawduuca aad ka hadlayso. Waxay kaloo kuu ogolaanaysaa inaad dib u eegto sida ugu habboon ee aad fikradaha ugu gudbin karto luuqado kala duwan, si dadka akhrinayaa ay u helaan macne isku mid ah. Dhanka kale, barashada turjumaadda hadalku waxay leedahay degdeg iyo culays u gaar ah. Waxay ku xidhan tahay sida aad u maskax furantahay iyo sida aad isugu soo diyaarisay."]] ayay tiri
Outsiders usually think you're just transferring words. What could go wrong?” But they’re actually completely different skill sets that require different strategies.Tee, T&I Practitioner
Australia gudaheeda, waxaa jira jid la yaqaan oo loo maro ka mid noqoshada turjumaannada aqoonsiga leh.
Tallaabada koowaadi waa waxbarasho rasmi ah. Waxaad ka bilaabi kartaa heer shahaado oo aad ka qaadato TAFE illaa heer shahaado mastar’s degree oo aad ka qaadato jaamacad.
Ujeeddaduna waa inaad dhisto xirfaddaada si aad isugu diyaariso imtixaanka NAATI (Hay'adda Aqoonsiga Turjumaannada). NAATI waa hay'adda dejisa oo ilaalisa heerka sare ee xirfadda turjumaada .
Tee, waxay sheegtay in tallaabada ugu muhuumsan ee turjubaan lagu noqdaa ay tahay helitaanka aqoonsiga NAATI.

Websaydhka NAATI waxaad ka heli kartaa wax kasta oo aad ugu baahan tahay jidka aad u mari lahayd shaqadan. Waxaa kale oo wacan inaad la xiriirto shirkadaha turjumaada (agencies) si aad u ogaato luuqadaha markaas aadka loogu baahan yahay.
Sida ay Ms Aparicio sheegtayna, aqoonsigu ma ahan mid mar qura la qaato, balse waa dammaanad joogto ah oo bulshada loo hayo si loo hubiyo tayada adeegga ay helayaan.

Kusoo biir oo la soco Australia Explained podcast si aad uga hesho macluumaad kaa caawiyo degitaanka iyo ku xasilka dalkaaga cusub
Su'aal ma qabtaa, feker-se ma nagu soo biirinaysaa? noogu soo dir Email australiaexplained@sbs.com.au