- Maxaad u baahan tahay inaad ogaato inta aadan bixin?
- Taxadder ka yeello xayawaanaka jidka maraya
- Waa maxay halisaha waddadu?
Austrlia, way ballaaran tahay. Aad bay u weyn tahay. Mararka qaarkoodna dhulka oo baabuur lagu dalxiisaa, waa sida ugu wacan ee loo dareemo, baaxadda Australia.
“Australia waxay leedahay keymo-roobaad badan, lama-degaan, tuulooyin xeebeed, iyo jasiirado. Runtii waxaad dareemeysaa kala duwanaanta dhulka Australia. Waxaad baranaysaa dadka deegaanka, markaas buu sawir weyni kaaga soo baaxayaa waxa Australia, dhab ahaantii, tahay']],” Lara Picone oo socdaalka wax ka qorta ayaa sidaa tiri.
But with that scale, and the extreme weather and wildlife, comes the need to plan ahead.
Maxaad u baahan tahay inaad ogaato inta aadan bixin?
Jidka aad ku safrayso si wanaagsan usii hubi inta aadan bixin, isla markaana iska sii diiwaan geli adeeg-bixiye dhinaca baabuurta ah inta aadan bilaabin safar-dalxiiska. Dhulalka qaarkood, sida deegaannada laga heli karo shidaal-ku aad bay uu kala fog yihiin, khadka telephone-ka gacantuna kama shaqeeyo meel kasta.
Bring a first aid kit, water, food, a phone charger, a spare tyre, and a physical map or road atlas.
Qaado, agabka gargaarka degdegga ah, biyo, cunto, danabeeyaha telephone-ka gacanta, taayir dheeraad ah iyo map waraaq ah (road atlas)
“Beryahan dambe dad badani maba isticmaalaan khariidadda waraaqda ku xardhan, iyagoo isku halleeya tan telephone-ka gacanta, laakiin dabcan, khadka telephonek-ku deegaan kasta ma gaaro,” James Williams, oo ah madaxa siyaasadda ee RACV ayaa yiri.

Kangaroo ka gudbaysa jidka ciid gaduudan iyo gaadhi kusoo dhow, The Kimberley, Western Australia, Australia Credit: Abstract Aerial Art/Getty Images
Taxadder ka yeelo xayawaanka waddada maraya?
Ka digtoonoow had iyo jeer xayawaanka duur-joogta ah marka aad gaariga waddo, gaar ahaa Kangaroo-da. Ka gaabso inaadan gaariga waddo labada xilli ee waabberiga iyo gabbal-dhaca, labadaas oo ah xilliyada ay duurjoogtu aad u socoto.
Haddiiba aad kusoo baxdo Kangaroo, "gaadhiga dhinac ha u dhufannin si aanu jidka kaagala bixine, si dhakhso ah biraygga u qabo,” ayuu yiri WilliamMr Williams.
Lacalla hadiiba aad jiidho xayawaan, si deggan u jooji gaariga. Hubi in qof kastaa ammaan yahay iyo in kale. Haddii uu xayawaanku dhaawacmayna, wac hay'adda gargaarka xayawaanka ee deegaanka aad joogto
Waa maxay halisaha waddadu?
ACimilada Australian ayaa iyana saamaysa xaaladda jidadka iyo baabuur-wadidda.
“Xilliga Summer-ka, kuwa ugu darani waa dab-kaymeedka iyo kulaylka daran. Kulaylku wuxuu saamayn karaa bayteriga gaariga, gaar ahaan haddii aad wadato nooca bayteriga ku socda. Soo dejiso App-ka lagala socdo saadaasha hawada ee kolba gobolka aad marayso. La soco wararka, waayo dab-kaymeedku aad buu fidaa oo waddooyinka usoo gaari karaa,” Mr Williams says.
“Xilliga Winter-kana dhug u lahow dhedada, ceeryaanta iyo barafka madow ee la yiraahdo "black ice' oo jidka guudkiisa ku samaysma.”





