Australia Explained: Sidee bacrinta ugxantu (IVF) uga shaqaysaa Australia?

Ib tug poj niam muaj me nyuam tuav ib daim duab ultrasound uas pom ib tug me nyuam mob liab ntawm nws tes

Ntawm Australia no ces tej txij nkawm uas txiv neej nyiam txiv neej poj niam nyiam poj niam (same-sex couples) los yog tej niam txiv uas muaj tib tug niam los sis tib tug leej txi ua tus tab cuab tab yig (single parents), li tej poj niam thiab tej txiv neej uas muaj tsis tau me nyuam yeej tau siv IVF pab txhua xyoo kom muaj ntau txheeb tus me nyuam. Source: Moment RF / Maria Legoshina/Getty Images

IVF ma aha tallaabada koowaad—waa tan ugu dambeysa. Ka hor intaadan bilaabin geeddi-socodka bacrinta ugaxanta oo kharash iyo dareen ahaanba adag, wax kasii ogow sida IVF uga shaqeyso Australia iyo waxa aad filan karto marka aad doonayso inaad uur ku qaaddo.


Key Points
  • Macluukaadka xarumaha lagu sameeyo IVF ee Ausralia oo dhan waxaa laga helaa website ay dowladdu maal-geliso
  • Experts advise examining various factors when choosing a fertility clinic
  • Khubaradu waxay ku talinayaan in sahamin wacan la sameeyo marka la dooranayo xarunta bacrinta ugxanta.
  • La-taliyayaasha bacrintu waxay adiga ama lammaanahaga ka caawiyaan natiijo kasta oo suurto-gal ah oo kasoo bixi karta bacrinta

Sannadihii ka dambeeyey bacrintii adduunka ee ugu horreysey ee lagu guuleystey 978-kii, waxaa la qiyaasay inay 10 ilaa 13 million oo cunug ku dhasheen habkaas bacrinta ugxanta ee IVF la yiraahdo.

Maanta, IVF si ballaaran ayaa dunida looga isticmaalaa, Australia-na waxay ka mid tahay waddamada saami ahaan, sida ugu badan looga isticmaalo IVF-ta.

Sahaminnihii ugu dambeeyey waxay sheegayaain in mid ka mid ah 16-kii carruur ah ee ku dhashay Austalia, sannadkii 20222 uu ku dhashay IVF.

Tiradaasina waxay ku salaysan tahay macluumaad laga soo helay Australian and New Zealand Assisted Reproduction Database (ANZARD).

Professor Georgina Chambers waa agaasimaha qaybta National Perinatal Epidemiology and Statistics ee jaamacadda University of New South Wales.

“Xarumaha IVF-ta waxaannu helnaa warbixin 100% ah oo ku saabsan wareegyada IVF, hadday noo soo gudbin waayaanna, kama soo baxayaan shuruudaha ku xiran shaqadooda iyo ruqsaddooda..”ayay tiri

Another Day of Research
Submitting data to the national IVF registry is mandatory for all fertility clinics in Australia. ANZARD data undergoes annual audits as part of a clinic’s accreditation. Credit: SolStock/Getty Images

Xogta laga soo uruuriyo xarumaha IVF waxaa lagu daabacaa website-ka la yiraahdo yourivfsuccess.com.au, oo ah website ay maalgeliso dowladda Australia kana madax-bannaan xarumaha IVF-ka.

Dadku waxay ka heli karaan website-ka, tirakoobka guud ee IVF-ta dalka, waxayna ka heli karaan, macluumaad iyaga habboon oo ku salaysan baahidooda gaarka ah. Tusaale: Haweenka durba bilaabay IVF waxay ka qiyaasan karaan fursadahooda ah inay cunug dhalaan.

“Waxay ka helayaan xisaabiye online ah oo qofku ku gelin karo xogtiisa—sida da’diisa, da’da lammaanihiisa, haddii uu jiro cudur, iwm oo dhakhtar ka helay, iyo haddii uu horey u maray IVF. Kadibna qofku wuxuu helayaa qiyaas loo tolay, oo ku saabsan fursadda uu ilmuhu ugu dhalan karo IVF,” ayay tiri Prof.

Dadku waxay ka heli karaan website-ka, tirakoobka guud ee IVF-ta dalka, waxayna ka heli karaan, macluumaad iyaga habboon oo ku salaysan baahidooda gaarka ah. Tusaale: Haweenka durba bilaabay IVF waxay ka qiyaasan karaan fursadahooda ah inay cunug dhalaan.

“Bukaanku waxay  xarun website-ka kaga raadin karaan magaceeda, ama waxay ku qori karaan postcode-ka xaafaddooda si ay u helaan xarunta ugu dhow.. Xarun kastana  waxaan soo bandhignaa heerarkeeda guusha, annagoo barbar dhigeyna celceliska guud ee IVF-ta Australia. Taasi waxay dadka siisaa fursad ay ku isbarbardhigaan xarumaha, ka hor inta aysan booqannin.” aya tiri

Marka aad dooranayso xarunta bacrinta, ha ku dooran oo keliya heerka guulaha ay gaareen, laakiin weydii adeegyada kael ee ay bixiyaan.

Smiling female healthcare worker showing in vitro fertilization chart while discussing with patient in clinic
“I think it's important for patients to receive referrals from others in their community groups who received fertility treatment from a clinic and found it was supportive to their specific needs,” Dr Wale says. Credit: Maskot/Getty Images/Maskot

Petra Wale waxay madax ka tahay urur la yiraahdo Fertility Society of Australia and New Zealand, asalkiisana waa cilmiga embriyoolajiga. Waxay leedahay:

“Waxa ugu  muhiimsani waa daryeelka shaqsiyeed, daahfurnaanta, raacidda hab-cilmiyeed sax ah, iyo adeegyada taageerada ee qofku heli karo. Bukaanku waa inay ogaadaan inay xaq u leeyihiin inay su’aalo weydiiyaan xarumaha, sida, sida ay u daryeelaan macaamiishooda, sida ay u taageeraan, lacalla wax u shaqayn waayaan sidii la rabey, iyo gaar ahaan sida ay ugu adeegaan kala duwanaanta dhaqan iyo bulsho."

Midsection of lesbian woman injecting syringe in abdomen during IVF test at home
If your fertility specialist is recommending an optional add-on in your treatment, ask them about the benefits it will offer you and whether it’s worth the cost. Credit: Maskot/Getty Images/Maskot

Yaa bixiya IVF?

Muddada uu geeddi-socodka bacrintu socdo, waxaa ku taageeraya, kooxo takhasus leh

“Waxaa jira dhakhtarka taranka, oo ah qofka ugu horreeya ee bukaanku la kulmo. Kalkaaliso taran ayaa iyaduna ka caawisa fahamka daawooyinka. Xirfadle bacrinta ugxanta ah ayaa isna ka shaqeeya shaybaarka. Waxaana taageero dhinaca maskaxda ah u qaabilsan la-taliye bacrin.”) ayay tiri Dr Wale.

IVF ma qaali baa?

Sideedaba daaweynta taranku, oo ay ku jirto IVF, waa qaali. Sidaa darteed, dadka badankooda, kharasha qayb ahaan ama dhammaantiiba waxaa ka bixiya caymiskooda caafimaadka.

Dadka qaarkoodna oo u qalmaa, waxay celin kharash (rebates) ka heli karaan Medicare, sidoo kale gobollada Australia qaarkood ayaa bixiya adeegyo ay dawladdu maalgeliso.

Waa kuu muhiim, markaa, inaad la sii tashato dhakhtarkaaga si aad u fahanto taageerada kuu furan ee aad heli karto.

Associate Professor Alex Polyakov waa khabiir ‘taran’ oo ka shaqeeya mid ka mid ah adeegyada IVF ee nidaamka caafimaadka dadweynaha ee gobolka Victoria.

Wuxuu sheegayaa in IVF aysan ahayn daaweynta kaliya ee dhalmo-la’aanta, isagoo tusaale u soo qaadanaya adeegyada Isbitaalka Royal Women’s Hospital.

“Royal Women’s Hospital wuxuu leehayay adeeg la yiraahdo Public Fertility Service oo aqbala dadka ay  dhakhaatiirta qoysku u soo gudbiyaan. Dadku markay yimaaddaan waxaa la mariyaa baaritaanno, waxaan sida caadiga ah loogu xejiyaa, daaweyn ku habboon—tusaale: waxay haweenka ka caawiyaan inay soo saaraan ugxan, in bacrinta lagu sameeyo gudaha ilmo-galeenka iyo adeegyo IVF" ayuu yiri

Fadlan kusoo biir oo soo raac Australia Explained si aad u hesho macluumaad iyo talooyin kaa caawinaya la qabsiga noloshaada cusub ee Australia.

Haddii aad qabto su’aalo ama aad nagu soo biirin karto fikrado, fadlan, noogu soo dir email: australiaexplained@sbs.com.au


Share

Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now