Australia Explained - Is Australian tap water safe to drink?  Biyaha Tuubada ma la cabbi karaa?

tap water.jpg

Credit: Shttefan/Unsplash

Access to safe drinking water is essential, and Australia’s often harsh environment means that our drinking water supplies are especially precious. With differences in the availability and quality of drinking water across the country, how do we know if it’s safe to drink? In this episode we get water experts to answer this question and more.  


Key Points
  • Water in Australia is treated and monitored to ensure it meets health and safety standards.
  • The Australian Drinking Water Guidelines are the national standards which guide our water suppliers.
  • In most parts of Australia, tap water is safe to drink, but smaller regional and remote communities face extra challenges.
Meesha ay biyuhu kaaga yimaaddaan waxay ku xidhan tahay, kolba meesha aad Australia ka deggantahay. Waxay noqon karaan biyo badeed oo milixdii laga saaray, biyo dhulka laga soo nuugey ama biyo roob oo balliyo ama waro waaweyn lagu kaydiyey.

Inta badan magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinkaba, biyuhu waxay soo raacaan uubooyin waaweyn oo dhulka hoostiisa mara.


Biyaha tuubbada ma cabbi karnaa?

“Haaheey, inta badan Australia, biyuhu waa ammaan in la cabbo. Waa la daaweeyaa oo ishana lagu hayaa, si loo waafajiyo heerarka adag ee caafimaadka, si joogta ahna u waafaqda xeerarka u yaalla biyaha la cabbo ee Australia iyadoo isla markaana la jirrabo agabyada  kaydinta iyo keenidda biyaha"

Professor Suart Khan oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda University of Sydney ayaa yiri:

“Inta badan, Australia badankeeda, jawaabta aan muran lahayni waa ‘haa’ biyaha la cabbaa waa ammaan. Laakiin kelmedda ‘ammaan’ macneheedu meel walba kama sinna. Waxaa jira meelo ay biyahoodu aad uga tayo hooseeyaan meelaha kale.,”
Biyaha cabbitaanka ee ay adagtahay in cabbiddooda ammaan laga dhigaa waa kuwa bulshooyinka fog.
Professor Stuart Khan
Remote areas often have less access to more sophisticated technologies for water treatment and quality monitoring, or people with proper training and skills to operate those technologies, Professor Khan says. 

Meelaha fog-fog badanaa laga lagama helo tiknoolojiyo casri ah oo lagu daaweeyo biyaha tayadoodana lagaga war hayo. Lagamana helo dad tababr iyo xirfad u leh inay ku shaqeeyaan tiknoolojiyadaa ayuu yiri Professor Khan.


Waa maxay xeerarka haga tayada biyaha la cabbo?


Hageyaasha biyaha la cabbo ee Austarlia ayaa ah heerarka qaranka ee shirkadaha biyuhu ka beegtaan, sida ay uga hortegeyaan halisaha, biyahana si ammaan ah, oo la isku hallayn karo, u gaarsiiyaan bulshooyinka.

“xeerarka biyaha la cabbo ee Australia, si qayaxan uma tilmaamaan hab-raac gaar ah oo loo daaweeyo biyaha. Xeerarka lagu qiimeeyo halista, ayaa aqoonsan in ilaha biyaha qaarkood ay u nugul yihiin wasakhoowga. Sidaa darteed, waxaa kala duwan, heerka daaweynta ee loogu baahan yahay in biyaha lagu gaarsiiyo heer ammaan ah” ayuu yiri Professor Khan
Emily Quek with Stuart Khan.jpg
Water experts Dr Emily Quek and Professor Stuart Khan Credit: Emily Quek/Image supplied; Stuart Khan/Iain Bond

Sidee loo daaweeyaa biyaha?

Hababka daaweynta biyaha ee Ausralia laga isticmaalo waxaa ka mid ah, mid la yiraahdo ‘coagulation’, shaandhayn iyo in lagu daro jeermis dilaha Chlorine-ta.

Coagulation-ku waa hannaan kiimiko ah oo wasakhada dabiiciga ah ee biyaha ku jirta ama dul sabbaynaya lagu uruuriyo si ay u noqdaan walax culus oo si sahlan looga shaandheeyo biyaha.

Biyuhu waxay tuubbada kasoo baxaan iyaga oo kasoo gudbey imtixaanno badan, sida shaandhayn, jeermiska oo laga dilo, qashinka oo laga saray, backeeriyada, virusta iyo walxaha kale ee caafimaadka u daran oo laga sifeeyey.



“Chlorine baa lagu daraa biyah, si looga dilo jeermiska oo ammaan looga dhigo. Meelo bandanna waxaa lagaga daraa Flouride si ay uga hortagto ilko-bolol-ka. Labada kiimiko-ba wa ammaan, waxaan laga isticmaala in yar oo ay oggol yihiin hageyaasha ama xeerarka biyaha la cabbo ee Australian,” Dr Quek ayaa sidaa tiri.

Daaweeyntaas biyuhuna waa mid aad mihiim u ah. 

“Walaacyo, haba ka jireen bulshada’e,  biyaha oo Flouride lagu daro, waxaa la xaqiijiyey ina tahay hab aad u waxtar badan oo ammaan ah,” ayuu yiri Professor Khan.

“Chlorine-ta lagu milay biyuhuna si aad ah bay u dihsaa jeermiska ama u curyaamisaa jeermisyada cudurrada faafiya, oo haddii kale ina wax-yeellayn lahaa.."
Chlorine-ta biyaha lagu daraa, malaayiin qof bay badbaadisay intii qarnigii tegey socdey.
Professor Stuart Khan

Ku soo biir oo ku xirnow Australia Explained podcast-ka si aad u hesho macluumaad faa'iido leh oo kaa caawiya ku-xasilidda noloshaada cusub ee Australia.

Ma qabtaa su'aal ama ma nagu soo biirinaysaa feker? Email-ka noogu soo dir:
australiaexplained@sbs.com.au 

Share
Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand