Key Points
- Gobol kasta wuxuu maamulaa gaadiid dadweyne oo u gaar ah, sidaa darteed xeerarka iyo qiimaha nooligu way kala duwan yihiin.
- Kaarka casriga ah ee, Pre-paid smartcard, waa laga heli karaa dhammaan magaalooyinka waaweyn, macaamiishu waxay kale oo nooliga ku bixin karaan kaadhkooda bangiga.
- Kaarka casriga ah ee nooliga lagusii qaddimo, waxaa laga heli karaa dhammaan magaalooyinka waaweyn, macaamiishu waxay kale oo nooliga ku bixin karaan kaadhkooda bangiga.
- Gaadiidka dadweynaha meel kasta ma laga helaa?
- Card-ka lagu raaco gaadiidka dadweynaha deegaankaygyu magacii?
- Sidee baan u isticmaali karaa smartcard?
Gaadiidka dadweynaha meel kasta ma laga helaa?
Xafiiska Tirakoobka Australia oo loo yaqaano Australian Bureau of Statistics – ABS, ayaa ilaa 1976-kii su’aashan weydiinayay dadka ka qayb qaata tirakoobka qaranka.
Ku dhowaad 50-kii sano ee ugu dambeeyey, habka ugu badan ee ay dadka Austarlia shaqada ku tagaan waa gaariga. Gaarigooda aya shaqada ku aadaan.
Qiyaastii, afartii qof ee Australian ahba, midkood keliya ,ayaa gaadiidka dadweynaha u isticmaala inay ku aadaan shaqada.
Waxaa kasoo hara uun, dadka ku nool meelaha miyiga ama gobollada fogfog, oo aan inta badan ka haqab beelin gaadiidka dadweynaha, xaddidnaantooda awgeed.
Laakiin magaalooyinka waaweyn oo dadka badankoodu ku nool yihiin, gaadiidka dadweynahu, inta badan, isagaa ka dheereeya baabuurka kana jaban, dadka ama rakaabka qaarkoodna wuxuu u yahay lagama maarmaan.
Inta badan magaalooyinka waaweyn, iyo kuwo yaryar oo badan, dadku inay bixiyaan nooliga gaadiidka dadweynaha waxay u adeegsadaan kaadhadh casri ah (smart cards).
Professor John Nelson, oo ah madaxa cilmiga gaadiidka dadweynaha ee Jaamacadda University of Sydney, ayaa sharaxaya sida nidaamyada nooli-bixintu uga shaqeeyaan Australia guud ahaan

Card-ka gaadiidka dadweynaha lagu raaco deegaankaygu magacii?
“Reer Sydney waxay isticmaalaan kaadh lagu bixiyo nooliga gaadiidka dadweynaha oo la yiraahdo Opal, balse weli gobolladooda oo dhan muu gaarin. Inta badan magaalo-weynta Sydney uun buu ka shaqeeyaa. Western Australia-na waxaa laga isticmaalaa mid la yiraahdo SmartRider, oo inta badan Perth uun laga adeegsado. Myki, kan la yiraahdona waxaa laga isticmaalaa Melbourne. Ugu dabmeyna Brisbane iyo Koonfur-bari Queenslandna waxaa laga isticmaalaa kaadh la yiraadhod Go Card.”]] ayuu yiri Prof Nelson.
Sidee baan u isticmaali karaa smartcard.?
Habkan casriga ah oo bixinta nooliga loo isticmaalo card-ku, waa mid sahlan in la fahmo oo lala qabsado isticmaalkiisa.
“Smart card-ku inta badan waa kaadh la mid ah kaadhka bangiga oo kale. Waxaad kusii shubanaysaa lacag, ka dibna waxaad u isticmaalaysaa bas, tareen, taraam, doonni ama intaba. Isticmaalkiisuna waa sahlan yahay. Meelaha qaarkood waxaa jira albaab marka aad card-ka taabsiiso is furaya. Meelo kalena, tiir yar oo irridda ku yaal baad taabsiinaysaa kaardhka, markaad korayso iyo markaad ka degtoba, laakiin ma jiro albaab is urayaa.”]] ayuu yiri prof Nelson.
Maalmaha fasaxa Australi iyo maalmaha sabtida iyo Axadda ee la nasto, nooliga gaadiidka dadweynaha waa la raqiisiyaa. Dabcan, dadka toddobaadka oo dhan raaca gaadiidka dadweynahu waxay heli karaan qiimo-dhimid. Waase inay iibsadaa, xirmo toddobaad, bill ama ka badan ah oo ku habboon baahidooda.
Qaybaha iyo gobollada Australia way ku kala duwaanan karaan nidaamyada nooliga gaadiidka dadweynaha. Waxaa markaa muhiim kuu ah inaad iska hubiso xeerarka iyo nidaamyada kolba deegaanka aad ku safrayso..
Tusaale, gobollo qaarkood, sida qaybo ka mid ah Victoria, waxay isticmaalaan tigidh warqad ama e-ticket ah, gaar ahaanna u isticmaalaan basaska iyo tareennada gobollada miyiga.
Meelo kalena, sida Western Australia, weli lacag caddaan ah ayaa lagu iibsan karaa tigidh-ka.
Sidoo kale, gobollada isticmaala nidaamka taabsiintana, qarkood waxa la taabsiiyaa card-ka bangiga si uu uga goosto nooliga.
Mar kale waa kan , Howard Collins oo ka hadlayo New South Wales.
Fadlan kusoo biir oo la soco taxanaha Australia Explained si aad u hesho macluumaad iyo talooyin kaa caawinaya nolol-bilowgaaga Australia.
Ma noo haysaa su’aal? Fekerse ma nagusoo biirinaysaa? Fadlan noogu soo dir Emailka:
australiaexplained@sbs.com.au






